KULANKII ASHLAND OO SANADKAN SI CAJAAIB LEH U DHACAY
10 June 2008
Gobolka Oregon, gaar ahaan magaalada Ashland waxaa sannad kastaaba lagu qabtaa barnaamij isboorti oo aad u xamaasad badan oo loogu magac daray Somali/Ashland Sports Re-union. Kaasoo ay isugu yimaadaan ciyaaryahannadii heerka 1aad kubadda koleyga Soomaaliyeed gabdho iyo wiilal, kubadda cagta, wariyayashii wax ka qori jiray isboortigii Soomaaliya, tababarayaal, garsoorayaal iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee xiiseeya isboortiga noocyadiisa kala duwan.
Barnaamij sanadeedkaas ayaa sanadkan wuxuu dhacay intii u dhaxeysay 22-ka May ilaa 27 May/2008. Waxaa ka soo qayb-galay sannadkan Tababare Emanuel Leaks oo isagu sannadkii 1981-gii ka mid ahaa tababarayaashii gacanta ku hayay xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga.
Tababare Emanuel, waxaa uu ka tirsanaa ciyaaryahannadii kubadda koleyga ee ABA iyo NBA-da ee ugu caansanaa,waxaana uu u saftay kooxdii Philedelphia (sixers) . Sidoo kale waxaa isaguna joogay Tony Aktan oo u dhashay dalkaasi Nayjeeriya kana mid ah ciyaaryahannada meharad ahaan ugu shaqaysta kubadda koleyga oo ka cayaara dalka Qatar , waxaa kale oo uu horay uga ciyaaray waddamada Europe gaar ahaan dalkaasi Farnsiiska.
Shiikha, Abuukar Shiino iyo Tababare Emanuel
Waxaa iyaguna goobta aad u soo camiray jaaliyadda Ashland, Ardayda dugsiga sare ee Ashland, Muslimiinta ku nool Ashland iyo kooxda kubadda koleyga dhallinyarada yaryar ee Seattle Washington oo doonayay inay waayo aragnimo ka kororsadaan odoyaashii isboortiga ee halkaasi isugu yimid.
Iyada oo goob kastaaba ay ka socdeen noocyo cayaareed oo kala duwan sida kubadda cagta, boojada, kubadda koleyga iyo dabaasha ayaad moodaa in sannadkani ay ugu tiro badnaayeen ciyaaryahannadii kubadda koleyga ee halkaasi joogay kuwaasi oo ciyaaray, soona bandhigay ciyaaro aad loo jeclaystay.
Ciyaarihii ugu kululaa ayaa waxay dhexmareen ciyaaryahannadii Cuslaaday ee isku dhafka ahaa ee degenaa Washington Seattle, Portland, Ashland iyo Atlanta oo kala ahaa: Cabdi Xalwo, Cilmi, Xasan Muuse, Saleey, Cali Yuusuf, Saciid, Cabdi Cadde, Shiino Madoobe iyo Muudeey.
Cabdi xalwo oo Ashland ku soo dhaweeyay asxaabtiisa
Dhanka kale ayaa iyaguna waxaa ka soo jeeday ciyaaryahannadii cuslaaday oo ka kala socday: Minnesota iyo Canada kuwaasi oo kala ahaa: Xasan Abati, Jaango, Shiikha, Maxamuud Ciise, Madaxey, Abuukar Shiino, Faarax Oday, Abuukar yare, Khadar dacar iyo Cumar Cadde.
Ciyaartan oo iyadu la ciyaaray afar wareeg oo min 15 daqiiqo ah ayaa gunaanadkeedii waxaa guul loo fishay ciyaartaasi kooxdii Cabdi Xalwo oo iyadu labo dhibcood hoggaanka ku haysay, haddana waxaa hammigoodii jabiyay Maxamuud Ciise oo ilbiriqsigii ugu dambeeyay ee ciyaarta kubbad uu meel fog ka soo toogtay shabaqa ku habsatay (3 points), taasna ay keentay in kooxdii Cabdi Xalwo afka ciidda loo daro, waxaana ciyaartaasi ay ku soo gabagabowday 73 dhibcood oo guushii ay ku raacday kooxdii Abuukar shiino, halka kooxdii Cabdi Xalwo ay ka keensadeen
72 dhibcood.
Maxamuud Ciise, Khadar dacar, Shiikha iyo Madaxeey
Ciyaar kale oo iyaduna aad u xamaasad badnayd waxaa ay dhexmartay dhallintii cuslaatay iyo dhallinyaro yaryar oo ka socotay Washington Seattle. Ciyaartan qaybteedii hore inteedii badnayd waxaa hoggaanka u hayay dhallinyarada yaryar oo iyagu soo bandhigay xirfad aad u heer sarreysay oo fajaciso ku riday odayaasha, waxaana ay hoggaanka ku hayeen 34 dhibcood, halka dhallinta cuslaatay ay ka lahaayeen 28 dhibcood. Hase yeeshee qaybtii labaad ayay cayaartii aad u soo kululaatay oo dhallinta cuslaatay ay jaanta isla heleen, waxaana u suuro gashay inay hoggaanka cayaarta la wareegaan iyaga oo adeegsanaya waayo aragnimadoodii kubadda koleyga,waxaana ciyaartii ay ku soo gabagabowday 62 dhibcood oo guushii ay ku raacday dhallinta cuslaatay,halka dhallinyarada Washington Seattle ay ka keensadeen 52 dhibcood.
dhallinyarada yaryar ee Seattle Washington
Xaflad wayn oo loo sameeyay gunaanadkii barnaamijkaasi xiisaha badnaa waxaa halkaasi ka hadlay tababare Emanuel oo ka mahad celiyay casuumadda loo fidiyay, waxaana uu aad uga hadlay taariikhdii kubadda koleyga Soomaaliyeed muddadii uu joogay dalka Soomaaliya barisamaadkii iyo heerka ay ku tallaabsadeen, waxaana uu caddeeyay dhallinyaradii yaryarka Soomaaliyeed ee halkaasi uu ku arky inay yihiin kuwo mustaqbal wanaagsan ku leh kubadda koleyga, waxaana uu ku dhiirrigaliyay inay dadaalkooda halkaasi ka sii wadaan.
Waxaa iyaduna halkaasi lagu soo bandhigay barnaamij ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ay soo bandhigeen dhallintii halkaasi isugu timid kaasoo ay kala qaybgaleen ardayda iyo macallimiinta dugsiga sare ee Ashland .
Cabdi Xalwo iyo xaaskiisa Maryan cadeey oo si farxad leh ku soo sagootiyay asxaabtooda
Guud ahaanba ciyaartooydii faraha badnaa ee halkaasi isugu yimid waxaa ay mahadnaq aad u balaaran u soo jeediyeen Cabdi Maxamed Guuleed (Cabdi Xalwo) iyo xaaskiisa Maryan caddeey oo iyagu sannad kastaaba martigaliya barnaamijkan. Sidoo kale waxaa iyaguna mahad aan la soo koobi karin loo jeediyay dhallinta cuslaatay ee ka timid Washington Seattle gacantii ballaarnayd ay ka gaysteen taakulaynta barnaamijkan, iyo gabdhihii Soomaaliyeed oo iyaguna gacanta ku hayay martisoorka ciyaartooydii guud ahaanba isugu timid halkaasi.
Diyaariye: Shiikha
Minneapolis - Minnesota