KOOXAHA D. H. L. IYO SUNRISE TRAVEL OO FINAL ISUGU SOO HARAY KOOBKA ABATIYOOW
10 June 2008
Waxaa magaalada muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani
garoonkii la magac baxay Abatiyoow, si habsami leh indhawaalaba uga socday koob loogu magac daray marxuumka garoonka lagu magacaabay ee Abatiyoow, koobka ayaa waxaa kulamadii sama finaalka kooxihii isugu soo haray u cayaareen una kala badiyeen ceenkan:
1) Cayaarta hore ayaa waxaa wada cayaaray kooxaha D H L iyo Tawakal. Cayaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayaa waxaa 6 - 3 ku guulaysatay kooxdii D.H. L.
kooxda D H L
2) Cayaartii labaad ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Sunrice Trav. Iyo D Jabuti. Waxaana ay guushii ku raacday 8 - 4 kooxdii ku cayaaraysay magaca Sunrise Travel.
Kooxda Sunrise Travel
Hadaba cayaarta kama danbaynta ah ayaa lagu wadaa in la cayaaro maalinta Jimcaha soo socoto oo ay bishu ku beegan tahay 13/06/2008. Taas oo dhex mari doonto kooxaha Sunrise Travel Vs D.H. L.
Waxaan ku han wayn nahay in aan idiin soo gudbino natiijada cidii ku guulaysato koobka marxuun Abatiyoow iyo weliba qaabka ay u dhacdo xaflada xiritaanka haduu Eebe idmo.
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com