YAA BADIYAY LANDON STARS IYO WAABERI?
04 June 2008
Tartanka Somali Challenge Cup, oo sanad walaba ay qabato HAYA Somali community una qabato dhaliyarada iyo barbaarta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka UK siiba London, ayaa sanadkaan waxaa cayaarahan oo sabti walaba ka dhaca xaafada Hayes isgu yimid kooxo aad u da'yar, aadna xariif ugu ah kubadda cagta. Waxaana u soo daawasho tago shacbi wayne aad u tiro badan oo badankoodu kala taageera kooxaha maalinkaas cayaaraya.
Kulankaan oo la ciyaaro sabti kasta ayaa waxaa lagu jiraa sabtidii labaad ama maalintii labaad ee is araga. Hadaba waxaa is waydiin mudan xageey kooxuhu kala marayaan?
Maalintii sabtidii lasoo dhaafey ayaa waxa kadhacdey ciyaar kulul oo ay isku arkeen 8-deed kooxood oo ka kala socday xaafadaha: South London, North London, East London, West London iyo North West London.
Ciyaarahan oo dadka badan koodu ku mashquul sanyihiin cida koobka qaadi doonto ayaa waxay ilaa iyo hada kulanadu u dhaceen sedan:
Ciyaartii 1aad: Waxaa fooda is darey kooxaha Links iyo koxda Heston. Cayaartan oo u dhacdey si xiiso leh, kana maqsuudeen daawadayaashii isugu yimid goobtaas, ayaa waxaa la dareemayay in kooxda Links wax xoogaa ka khibrad badnayd kooxda da'da yar ee Heston cayaartiina ku soo idlaatay kooxda Link 4 - 2 Heston.
Kooxda Gulf Links
Kooxda Heston
Ciyaartii 2aad:
oo ay isku soo aadeen labada kooxood ee kala ah London Stars iyo Waaberi. Ayaa runtii ahayd kulan aad loo hadal hayay, maadaama sabtidii hore ay kooxda London star oo ah koox aad u adag ay guuldaro la hoydeen cayaartii hore ay la yeesheen kooxda Al-hjira ayaa hadii mar kale laga badiyo maanta ay hadheysay. Hadaba ciyaartaan oo ahayd mid aad u kulul, labada kooxoodna difaac iyo weerar ku jireen ayaa London stars ku tidhi Waaberiyey na barta saaxiibyaal nama taqaaniine. Ciyaartii waxay ku dhamaatey London Start 2 - 1 Waaberi.
Ciyaartii 3aad: Waxaa dad badani is waydiinayeen toloow kooxda Hayes hadii laga badiyo maxaa ka raaci doono sumcada xaafada ay degan yihiin oo cayaaruhu ka dhacayeen, mase dhici kartaa in Kooxda Osca oo ka timid East London cubka geliso?
Runtii waa su'aal jawaabteeda laga sugayay kooxda Hayes. Hadaba cayaartaan oo aad u kululeyd ayaa waxaad moodey in gelinkii hore ay Hayes difaac ku jirtey, kooxda Osca-na ay weeerar is daba jog ah ku xiiqayeen. Laakiin gelinkii danbe ayaa kooxda Hayes markii ay la soo tashdeen macalimiintoodii ay weerar is daba jog ah soo qaadeen, uguna suurto gashay in ay dhaliyaan 2 goal, kadibna kooxdii Osca oo canaan kulul kaga timid maamulkeedii ayaa si degdeg ah ugu jawaab celiyeen, inkastoo ciyaartan oo aad u xiiso badneyd ay ku dhamaatey Hayes 4 - 2 Osca.
Kooxda Hayes
Ciyaartii 4aad:
Ayaa ahayd mid tiri kuwii ka horeeyay xirfadiina waxba kama jiraan ee anaga na fiirsada. Waxaana fooda is darey laba kooxood oo hub culus isu soo qaatey oo aad moodeysey in mid waliba soo diyaar garawdey, hadab ciyaartan oo dadku ku raaxeysteen ciyaar wanaaga ka muuqday madasha ayaa waxaa isku herdinayay labada kooxood oo midna North London ka timid oo ahayd Alhijra iyo kooxa caanka ah ee Halgan. Inkastoo kooxda Alhijra ay horay ug soo badisay kooxdii London Star ayaa la filayay in ay hadana guul ka keeni doonaan cayaartaan balse ma noqon waxayna cayaarta ku dhamaatay Halgan 3 - 2 Alhijra. Tani waxay wax ka badeshay saadaashii laga qabay in ay kooxaha Alhijra iyo London Star in ay koobka sanadkaan qaadaan. Waxaana in badani ay hada is leeyihiin iney koobka sanadkan qaadi doonto kooxda Halgan.
Maamulka tartanka HAYA community waxay u balan qaadeysaa qofkii asbuucaan sheega, ama saadaaliya cida Soomoali Challenge Cup 2008 badindoonta iyo goolasha ay ku badin doonaaan in lasiinayo alaabo ay ka midyihiin Mobile iyo Top Up vouchers. Kalana xiriira wixii faah faahin ah www.haya.org.uk/sports .
RASHID JAMA
somalichallengecup@yahoo.co.uk