SHIR LOOGA HADLAYAY HORUMARINTA KUBADDDA CAGTA SOOMAALIYEED OO MUQDISHO LAGU QABTAY SHALAY
04 June 2008
Waxaa shalay oo arbaca ahayd, magaalada Muqdisho shir xasaasi ah ku yeeshay Ururka garsoorayaasha kubadda cagta, Ururrka cayaartooyda kubadda cagta, Gudiga garsoorayaasha iyo Ururka kooxaha kubadda cagta ee loo yaqaano Liiga. Shirkaan ayaa waxaa ka maqnaa Ururkii tababarayaasha ayagoo soo gudbiyay cudurdaar, balse shirkaan ayaa ahaa mid lagu gorfeenayay qaabka loo hurumarin karo carqalada iyo dhibaatada daba dheeraatay ee soo kala gashay madaxda xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta iyo madaxda kooxaha, iyo sidii looga samata bixi lahaa tafaraaruqa. Waxaana shirkaan si fiican looga hadlay leeskuna soo qaaday 4 qodob oo muhiim ahayd, si aad ahna looga dooday kuwaasi oo kala ahaa:
1. sidii ay si wadajir ah, ey uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo kor u qaadida howlaha kubadda cagta.
2. cida ku xaqleh in loo doorto madaxnimada xiriirka Soomaaliyeed ee kubdda cagta, waana in ey ahaadaan dad aqoon u leh kubadda cagta.
3. habka loo xulaayo dadka, loo soo dooranayo mas’uuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.
4. warbixinta gudiga kooxaha oo ku saabsaneed codsiyo ka kala yimid 3dax Urur ee kala ah ururka garsoorka kan cayaartooyda iyo kan tababarayaasha.
Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Xaaji Yuusuf oo ku hadlay magaca Ururka garsoorka oo gudoomiye u yahay asaga, oo dhiniciisa uu fadhiyay ku xigeenkiisa 1aad Saacid.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay C/llaahi Siyaad Maxamed oo ah gudoomiyaha gudiga cayaartooyda, asagoo garbihiisa ey fadhiyeen Ex-laacib Joorje iyo Abuukar Weyne.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdulle, Abuukar Taako oo ah gudoomiyaha gudiga kooxaha waxaana dhinacyadiisa fadhiyay Bashiir Dheere oo ah xoghaya gudiga kooxaha, Abuukar Safaana kuxigeen, Maxamuud Daahir oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad.






Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta Awes Axmed Jimcaale oo asna ku hadlay gudiga garsoorka. Inta badan qodobadii laga wada hadlay ayaa ahaayeen kuwo leesku waafaqay marka laga reebo mid ka mid ah oo gudiga kooxaha ey sheegeen in ey ayaga dib iskula laaban doonan, soona gorfeyn doonaan kaas oo ah kan ku saabsanaa codsigii ey soo qorteen ururada kooxaha iyo kii tababarayaasha iyo sida ey u arkaan kan garsoorka oo ansaxsan.
Gabagabadii shirka ayaa waxey soo wada saareen baaq ku wajahan kulankooda waxaana halkaasi ka hadlay xoghayaha gudiga kooxaha, waxuuna sheegay mar hadeey meesha isugu yimaadeen gudigii kooxaha, kii cayaartooyda, kii garsoorka iyo kii tababarayaasha oo wakiil laga ahaa in eysan jirin cid kale oo xiriir ah, asagoo tusaale ahaan u soo qaatay mar hadeey fadhiyaan maamulkii kooxaha, mar hadeey fadhiyaan macalimiintii kooxaha, mar hadeey fadhiyaan ragii garsoori lahaa waxaan u maleeynayaa intii loo baahnaa farsamo iney kulansan yihiin. Waxeyna isku raaceen baaq wadajir ahna u soo wada jeediyeen in ey si dhab ah u fuliyaan arimihii looga hadlay shirka.