Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

XAFLAD QADO SHARAF MUQDISHO LOOGU SAMEEYAY KOOXDA DAALO

26 July 2008

Waxaa shalay magaalada muqdisho gaar ahaan degmada waabari ka dhacday xaflad qado sharaf ah, xafladaasi oo ey soo qaban qaabiyeen maamulka kooxda Daalo oo dhawaan ku guuleesatay koobkii marxuum C/qaadir Yaxye. Xaflada ayaa aheed mid lagu dhiira galinayay laacibiintii ku guuleestay koobka ey soo qaban qaabiyeen xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta laguna xusayay Allaha u naxariistee marxuun C/qaadir Yaxye.

Ugu horeen waxa halkasi ka hadlay macalinka kooxda ahna xoghayaha heerka labaad ee kooxda Daalo, oo dhawaantan aheed kooxdii ku guuleesatay koobka C/l laahi Siyaad Maxamed, oo war bixin ka dhiibay dadaalki ey sameeyeen laacibiintii da,da yaraa ee muujiyay dadaalka iyo in qaar ka tirsan laacibiintaas walina aan si toos ah uga cayaarin heerarka kala duwan ee dalka in ey nasiib u yeesheen in ey ka mid noqdaan qaranka dhawaan la magacaabay.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha heerka labaad ee kooxda Daalo Maxamed Daahir maxamuud (xuurshe) oo asagana amaan balaaran u soo jeediyay laacibiintii da’da yaraa, intaas ka dib ayaa waxa koobkii lagu wareejiyay macalinkii kooxda Daalo C/llaahi Siyaad, waxaana gudoonsiiyay kabtankii kooxda Daalo kabtan C/qaadir Axmed Xaaji (dacayeey).

Kabtan Dacayeey oo koobkii gudoonsiinayo Tababare Cabdulaahi Siyaad

Tababare Cabdulaahi Siyaad oo koobkii gudoonsiiyay Gudoomiye Xuurshe


Gudoomiye xuurshe oo koobkii ku sharfay Dr Abanuur

Laacibiinta kooxda Daalo ee ka soo qayb galay qado sharafta

Intaas kadib ayaa macalin C/l laahi Siyaad, waxa uu koobkii ku wareejiyay gudoomiye Xuurshe. Xuurshe-na wuxuu koobkii u hibeeyay Aabaha sportiga degmada waabari Dr Maxamed Cismaan Sheikh (Dr Abanuur) oo hada xanuun hayo, dhamaana intii ka soo qeyb gashay xafladana ey Illaah uga baryeen in uu caafiyo. Xaflada oo ey ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah laacibiinta kooxda Daalo, mas’uuliyiinta kooxda Daalo iyo marti sharaf kale ayaa waxeey ku soo gaba gaboowday jawi wanaagsan oo farxadi ka muuqatay.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football