Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

XAFLAD QADO SHARAF AH OO LAGU SOO GUNAANADAY TODOBAADKA XUSKA AABIHII ISBOORTIGA SOOMAALIYEED NUUR JEENYO

23 July 2008

Waxaa Hoteelka Saxaafi ee magaalada Muqdishu lagu qabtay xaflada xiritaan qado sharaf ahayd ee xuskii Aabaha Isboortiga Soomaaliyeed Nuur Xuseen Abdi (Nuur Jeenyo) Allaha u naxariistee. Taasi oo loo dhigay dhamaan intii ka qaybgashay tartankii dhawaanta dhamaaday, si loo gudoonsiiyo abaalmarinadii ay kooxuhu ku kala guulaysteen.

Xaflada ayay weliba ay wehlisay munaasabad kale oo ahayd Olympic-day Run. Xafladan oo ay si heer sare ah u soo agaasimeen, qaban qaabadeedana ay lahaayeen Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan G.O.S.

Munaasabadahan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas`uuliyiin waxgarad, culumaa`udiin, qeyabaha kala duwan ee bulshada iyo bahweynta isboortiga oo ay ka mid ahaayeen ciyaaryahanadii hore oo magaca wayn ku lahaan jiray dalka.

Ugu horeyn waxaa halkaasi warbixin ka soo jeediyay Ibraahim Roombo Guddoomiye ku xigeenka XSKK ahna Xoghayihii tartanka xuska Aabaha Isboortiga Nuur Jeenyo, wuxuu ka warbixiyay qaabka qabanqaabo ee ay GOS tartankan u galeen iyo sida tartamadii dhacay loogu kala guuleystay abaalmarinada tartan ciyaareedka Xuska Baaba Nuur Jeenyo Allaha u naxariistee. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay G/X/1-aad G.O.S ahna Guddoomiyaha XSKK Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) isagoo sheegay in ay mudan tahay in mar kasta la xasuustaa Halyeeyga Aabaha isboortiga Nuur Jeenyo oo uu sheegay inuu yahay nin weligiis quluubta bahweynta isboortiga mar walba baaqi ku ahaan doono.

Wasiirka Isboortiga Axmed Cabdisalaan Aadan

Abdulkadir Ibraahin Gacal (Abkoow)

Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish)

Saciid Jaamac Cali Qorsheel

Guddoomiyaha G.O.S C/qaadir Ibraahin Gacal Abkoow, Guddoomiye ku xigeenka G.O.S arrimaha xiriirada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame iyo Saciid Qorsheel oo ka mid ahaa Ciyaaryahanadii kooxdii Jeenyo ayaa iyaguna waxa ay ku dheeradeen aqoonta ay u lahaayeen Allaha u naxariistee Nuur Xuseen Abdi (Nuur Jeenyo).

Ra`iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Isboortiga Axmed C/Salaan Aadan, ayaa isna halkaasi ka hadlay isagoo sheegay inay farxad u tahay inuu bahweynta isboortiga kala qeybgalo gunaanadka xuska 1-aad ee Aabaha Isboortiga Nuur Jeenyo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in uu howlo shaqo oo uu ku guda jiray, ka soo tegay isagoo danaynaya in bahweynta isboortiga iyo G.O.S kala qeybgalo Xafladdan gunaanadka Xuska sanadguuradii 1-aad ee geeridii Aabaha isboortiga Soomaaliyeed Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo) .

Xafladda ayaa ku idlaatay jawi aad u qurux badan iyadoo halkaasna lagu bixiyay abaalmarino koobab, oo la guddoonsiiyay kooxihii ku guuleystay koobabkii xuska marxuum Nuur Jeenyo Allaha u naxariistee.

Waxaa koobka dhiibaya Wasiirka Isboortiga Axmed Cabdisalaan Aadan

Waxaa koobka dhiibaya Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Muuse Nuur Amiin

koobka dhiibaya xildhibaan Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen

Waxaa koobka dhiibaya Taliyaha C B S Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)

Waxaana xafladan ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ay ka mid yahiin Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Muuse Nuur Amiin, xildhibaan Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen, Maamulka Gobolka Banaair: Guddoomiye Ku xigeenada kala ah, arrimaha Bulshada Maxamed Cismaan, Dhagax Tuur iyo ku xigeenka dhanka howlaha guud Cumar Dacas,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) , Mas`uuliyiin sare oo dhanka xiriirada kala duwan ee G.O.S, Cayaaryahano hore kana tirsanaa kooxdii Jeenyo iyo marti sharaf kala duwan oo boqolaal gaarayay.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football