KOOXDA BANAADIR TELCOM OO BOORSOOYINKOODII KA SOO LAAB LAABTAY DALKA TANZANIA
21 July 2008
Waxaa shalay galab dalka Tanzania ka dhacday cayaar ka tirsaneed koobkii bariga iyo bartamaha afrika kulankaas oo ahaa kulankii ugu danbeeyay ee cayaaraan kooxdii mataleysay dalka Soomaaliya ee Banaadir telcom, ayadoo ey la caarayeen kooxda Tuskar ee dalka Kenya.
Kooxda Banaadir Telcom
Kooxda Banaadir telcom ayaa shalay galab waxaa mar kale dhabarka loo saarshay guul daro kadib markii looga adkaaday 5 – 0 kooxda banaadir ayaa kulamadii ey cayaartay waxeey u cayaartay qaabkan kulankeedii ugu horeeyay waxeey la cayaartay kooxda Vitalo’O FC ee reer Burundi waxeyna ku adkaadeen 2 -1 guushaas oo farxad galisay bahweynta soomaaliyeed.
Balse kulankii xigay ayeey la kulmeen kooxdii martigalineesay koobka ee reer Tanzania oo lagu magacaabayay Simba SC, kulankaas ayaa waxa uu ahaa mid aanan farxad galin bahdii soomaaliyeed eek u hanweyneed in Banaadir wax ka keeni doonaan koobkan balse taasi waxaa gaashaanka u daruuray kooxdii Simba SC, oo guul daro culusna dhabarka u saartay Banaadir kadib markii ey uga awood roonaadeen 5 - 0 .
Kooxda Banaadir ayaa kulankoodii ugu danbeeyay shalay galab waxeey la cayaareen kooxda Tuskar ee reer Kenya, kulankan ayaa hadii ey naadiga Banaadir badin laheed waxeey u soo gudbi laheed wareega labaad balse taasi waxaa diiday oo guul daradii simba mid la mid ah hujiyay kooxda Banaadir Telcom dhigooda Tuskar sidaasina ku kaliftay in Banaadir ey gabi ahaanba isaga haraan koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika, boor sooyinkoodiina ka soo laab laabtaan dalka Tanzania. kooxda banaadir ayaa waxaa lagu wadaa in ey dhawaan intii ka baxday dalka gudihiisa ey dib ugu soo laaban doonaan.
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com