TARTANKII SEUKI FOOTBALL TOURNAMENT 2008 OO KU SOO DHOW QUARTERFINAL
21 July 2008
Koobka ugu adag uguna taageerayaasha badan ee ka dhaca Yurub ee lagu magacaabo SEUKI 2008, ayaa wali wuxuu si habsami leh uga socdaa garoonka weyn ee Spånga IP yadoo haatana uu koobkani ku soo dhawaaday wareegii labaad ee cayaarahan oo ay ku looltami doonaan 8 kooxood.
Koobkan oo ay ka cayaaraan kooxaha Soomaalida ugu magaca weyn ee ka dhisan wadamada Yurub ayaa waxaa maalin kasta u soo daawasho taga shacab aad u tira badan. Iyadoo shacabkana ay kala taageeraan kooxha ku hardamaya tartankan.
Daawadayaasha cayaarta
Kooxda Licester
Tartankan oo maalmahanba si habsami leh uga socday garoonka weyn ee Spånga IP ayaa waxaa shalay wada cayaaray sida kooxda Soomaalida ka dhisan Denmark ee lagu magacaabo Olympik Denmark iyo kooxda kale ee ka dhisan Irland eek u cayaaraysa magaca Irland.
Cayaartan ayeey kooxda Olympic ku qasbaneeyd ineey badiso si ay ugu soo gudubto wareega labaad ee cayaarahan SEUKI 2008. Balse cayaartaan oo runtii ahayd mid aad u xarooro badan ayaa waxey kooxda Olympik Denmark cayaartan ugu awood sheegteen shalay kooxda Irland ugana badiyeen 4 - 2. Kooxda Denmark oo runtii ka mid ah kooxaha looga cabsi qabo koobka ayaa sanadkii hore waxaa looga badiyey cayaartii finelka.
Cayaartii labaad ee shalay ka dhacday ayaa aheeyd cayaartii ilaa hadda ugu qurxaneeyd intii uu tartanku socday iyadoo ay ku kulmeen kooxaha Xiddigaha Rågsved iyo kooxda Licester oo ka soctay dalka Uk.
Kooxda Licester ayaa shalay waxeey soo bandhigtay cayaar dadkii daawanayey soo jiidatay inkastoo looga badiyey 3-1 haddana kooxdu waxeey muujiyeen ineey ka mid yihiin kooxaha u qalma ineey koobka qaadaan. Cayaarahan ayaa waxaa garab socday bandhig faneed halkaa oo uu dadweynaha maaweelinayey Al- Fanaan Cabdi Fataax oo uu Dj u aha Xasan Waqooyi.
Al- Fanaan Cabdi Fataax
Garoonka Shalay ayaa mar qura waxaa ku kulmay weriyayaal tiro badan oo ka kala socday websiteyada Sportiga ka faaloodo iyo Tv-yada bahda warbaahinta oo ay ka mid ahaayeen Universal TV , Warsan TV , TV Horseed , iyo Somalistar TV.
Gudoomiyaha SEUKI Mr Afrax
Stockholm - Sweden