KOOXDA MINNESOTA OO KU SOO FOODLEH KA QAYB GALKA TARTANKA SSIFO 2008 EE LONDON
20 July 2008
Guddoomiyaha ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (Somali Youth development Organization in Minnesota (SYDOM) Mr: Liban Suleiman(Shiikha) ayaa shaaca ka qaaday in koox kubadda koleyga oo ka socota goboolka Minnesota ay ka qaybgali doonaan tartamo ciyaareed kubadda koleyga ah oo lagu qaban doono magaalada london ee dalka Ingiriiska inta u dhaxeysa Augosto 9-keeda ilaa 17-ka keeda.
Kooxda Minnesoto
Kooxdan iyada ah waxaa ay casuumaad ka heshay ururka midowga dhalinyaradii kubadda Kolayga ee SSIFO ( Somali Sports International Friendship Organization) oo isagu martigalinaya tartankan waxaana ka soo qaybgalaya ilaa iyo 6 kooxood oo ka kala socda: Maraykanka, Canada, iyo wadamada Europe.
Sidoo kale waxaa halkaasi isugu imaanaya dhammaanba ciyaaryahannadii hore ee Soomaaliyeed ee kubadda koleyga,Tababarayaashii, garsoorayaashii iyo masuuliyiinta isboortiga ee kala duwan.
Waxaana halkaasi la isku weydaarsan doonaa aqoon isweydaarsi ku saabsan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda koleyga.
Guddoomiyaha waxaa uu si aad ah ugu mahadnaqay bulshada Soomaaliyeed eek u nool gobolka Minnesota, Ganacsatada,waalidiinta, haweenka iyo shakhsiyaadkii gacanta aadka u ballaaran ka gaystay taakulaynta iyo fududaynta safarka dhallinyaradan ciyaartooyda ah.
Kooxda kubadda koleyga ee Minnesota ayaa waxaa hoggaamin doona qaar ka tirsan ciyaaryahanadii Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga heerka Qaran sida: Shiikha, Axmed Daahir iyo Cabdulqaadir Madaxeey.
Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan idiin sheegaynaa in aad kala xiriiri kartaan wixii axwaasha tartankaan SSIFO 2008 ku saabsan websiteyada qoro Sportiga iyo xaruunta SSIFO.com. Waxaana u rajaynaynaa dhamaan ka soo qayb galayaasha tartanka inay guulo wax ku ool ah ka soo hooyaan tartamadaasi ay ka qayb-gali doonaan, dadwaynaha xiiseeya kubadda kolaygana aan leenahay ha moogaanina tartankaan dhawaanta dhici doono.
Diyaariye: M Sheikh
kubadda.com - London