Skip Repetitive Navigational Links

Thursday, February 09, 2012

KOOB LAGU XUSAYAY MARXUUN C/QAADIR YAXYE OO SHALAY MUQDISHO KA DHACAY

18 July 2008

Waxaa shalay galab lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani garoonka Abatiyoow, koob lagu xusayay marxuum C/ qaadir Yaxye, waxeeyna aheed cayaarta kubadda cagta gaar ahaan mida loo yaqaano futsalka ama 5 – 5 ta.

Koobkan oo ey soo qaban qaabiyeen Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta ayaa waxaa ka qeyb galay afar kooxood, waxuu uuna ahaa mid iswada arag mar keliya ah,oo kooxdii laga badiyaa ey iska hareysay kooxaha ka qeyb galay waxeey iskugu aadeen kulamadii ey cayaareen una kala badiyeen qaabkan.

Maalin nimadii arbacada ayaa waxaa wada cayaaray kooxaha Daalo iyo Dahabshiil waxaana adkaaday kooxda Daalo. khamiistiina waxaa wada cayaaray kooxaha Elman iyo Bad baado waxaana adkaday kooxda Elman.

Cayaartii kama danbeesta aheed ayaa galabta waxaa fooda is daray kooxaha Daalo iyo Elman kulankii galabta oo ahaa kulan aad u adkaa ayaa waxaa garsoorayaal ka ahaa Maxamed faarax iyo Xeyle waxaa miiska keedka u fadhiyay Qaasim iyo Cismaaneey.

Garsoorayaasha keedka Qaasim iyo Cismaaneey

Garsoore Xeele iyo Maxamed Faarax

Daawadayaasha

Mas uuliyintii Goob jooga ka ahaa kulankii Galabta ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta Saciid Maxamuud Nuur (Saciid Mugaanbe), Ku xigeenkiisa Cali saciid xubno ka mid ah xiriirka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Gaabshe iyo Yaxye aayoow waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Abuukar isloow.

Gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed Saciid Mugaanbe ku xigeenkiisa Cali Saciid iyo Gaabshe

Kulankii shalay galab markii uu biloowday ayaa labada kooxood waxeey soo bandhigeen cayaar farsamadedu aad loo jecleestay dadweeynihii u soo daawasha tagayna ey ka wada maqsuudeen hadii aan dib u jaleecno xarfaantii ugu cad cadaa labada kooxood ee Elman iyo Daalo ayaan ka xusi karnaa kooxda Elman waxaa si aad ah ugu cad cadaa xarfaanta kala ah kabtankooda Yuusuf Cali Iidle oo loo yaqaan (Yuu cali), C/casiis Hoomi iyo Xamza.

Halka naadiga Daalo, ey aad u cad cadaayeen cayaaryahanada kala ah: Nuur deeq Gool haye Axmed Cabdalla oo aha laacibkii garoonka iyo Dacayeey. Labada koox waxeey is dhaafsadeen weeraro kala duwan daqiiqadii 6 ayaa kooxda Daalo waxeey dhalisay Gool wixii lees dhaafsado weeraro cayaarta oo ad u adkleed ayaa qeybtii hore ee cayaarta waxaa lagu kala nastay 4 gool oo ey dhaliyen kooxda Daalo iyo 2 gool oo ey dhaliyeen kooxda Elman.

Kooxda Elman

Kooxda Daalo

Nasashadii qeybtii hore ee cayaarta markii ey labada kooxood ey la soo yeesheen macalimiintooda tashi dheer iyo istusin qaladaadkii ka dhacay laacibiinta qeybtii hore ayaa waxaa dib leesugu soo laabtay qeybtii danbe garsoorayalkii cayaartana ey siirigii ka dhawaajiyeen ayaa waxaa sii kululaday cayaartii koox walibana waxeey xoojisay qaab weerarkeedii kulankii ayaa sii adkaaday waxeey koox waliba weerarto kooxda kale ayaa waxaa lees dhaafsaday weeraro daran doori ah iyo goolal lees weedaarsaday qeybtii danbe ee cayartana waxeey ku soo idlaatay 5 – 5 .

Balse maadama ey cayaartu aheed mid kama danbayn ama fiinaale ah ayaa waxaa loo dhigay gool ku laad ama rigoore, waxaana 2 – 0 ku adkaaday kooxda Daalo. Sidaasina ugu guuleystay koobkii lagu xusayay Marxuum C/qaadir Yaxye, kulankii markuu soo gaba gaboobay ayaa waxaa halkasi qudbad gaaban ka soo jeediyay xubin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed kaasi oo lagu magacaabo gaabshe waxa uuna ka hadlay koobka iyo marxuumka waxa uu ahaa intaas kadib ayaa waxaa la gudoonsiiyay kabtanii kooxda kalintii labaad gashay ee Elman kabtan Hoomeey, sidoo kale waxaa loo yeeray kabtankii kooxda Daalo Dacayeey waxaana la gudoonsiiyay koobkii kaalinta koowaad waxana gudoonsiiyay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Saciid, sidaasina waxaa si farxad leh ku soo af jarmay koobkii marxuum C/qaadir Yaxye.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football