KOOBABKII KALA DUWANAA EE LAGU XUSAYAY MARXUUN NUUR JEENYO OO MUQDISHO LAGU SOO AFJARAY
17 July 2008
Waxaa shalay guud ahaan lasoo afjaray koobkii lagu xusayay Halyeeygii Isboortiga Soomaaliyeed Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo). Tartanka koobkani oo ahaa koob lagu xusayay Allaha u naxariistee halyeeygii Nuur Jeenyo ayaa baryahani waxa uu ka kala socday garoomo kala duwan ee ku yaalo gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo ay koob kani soo qaban qaabiyeen gudiga Olombigada Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka mid ahaa tartamadii lagu looltamayay: kubadda Cagta, kubadda Kolayga, kubadda Gacanta (handball), kubada Laliska, kubadda Teenisk iyo Feerka.
Dhamaan xiriirada ka mas’uulka ahaa cayaaraha aan kor ku soo sheegnay ayaa beryihii la soo dhaafay dhamaantood aad mashquul ugu ahaa, sidii ay u dhowri lahaayeen hanaan socodka tartanka xuska Baaba Nuur Allaha u naxariistee, kuna dadaaleen in uu si sharaf leh ku soo dhamaado.
Tartamada badankoodu horay ayaa loo so af jaray, waxaa kaliyah oo dhinaa koobka kudaba kolyaga iyadoo isna shalay lagu soo gabab gabeeyay garoonka Ex-luujino ee dagmada Cabaul Casiis. Hadaba cayaartii kama danbeysta aheyd ayaa waxaa isugu soo haray, kooxaha kubadda kolayga Heegan iyo Dekadaha.
Cayaartan oo aheyd mid aad u adag, daawadayaashuna ay buux dhaafiyeen fadhigii garoonka, koobkuna uu ahaa mid lagu maamuusayay mid ka mid ahaa mas uuliyiintii sportiga kuwoodii ugu magaca iyo sumcada wanagsanaa, ayay labada kooxba waxay garoonka la soo galeen ayagoo daadihinaya sawirkii marxuumka oo ku daabacan warqad cabirka A4 ah.
Kooxda Dekadaha
Kooxda Heegan

Waxaana ka soo qeybgalay daawashada tartanka mas’uuliyiin ka socotay G. O. S. Xiriirka kubada Kolayga, xiriirada kala duwan oo uu ka mid ahaa kan kubadda cagta oo uu goob joog ka ahaa gudoomiyaha mudane Saciid Mugaanbe iyo marti sharaf tiro badan oo aan ka xusi karo laacibkii weynaa ee naadigii kubadda kolayga LL PP Saciid Qorsheel.
Furitaanka cayaarta ayaa waxaa halkaasi ka hadlay, Gudoomiyaha gudiga Olombigada Soomaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal ABKOOW iyadoo sidoo kale uu asna waxoogaa ka yiri taariikhda marxuunka Ex-laacib SACIID QOORSHEEL, oo sheegay in uu Nuur Jeenyo ahaa halyeey hantidiisa iyo nafsadiisaba ku bixiyay ciyaaraha kaladuwan ee laga ciyaari jiray dalkeena Soomaaliya.
Saciid Qorsheel iyo Xaaji Cabdi
Mudane Wiish iyo Abkoow
Kulankankaan ayaa waxa uu ahaa mid ka duwan kulanadii horay loo soo cayaaray, waxaana ku guulaysatay kooxdii Wiilasha ku cayaaraysay magaca DAKADAHA oo keensatay 71 dhibcood, halka ay kooxda HEEGAN dhaafi waayeen 69 dhibcood.
Ciyaartani oo aheyd mid aad ugu reebtay dadweynaha taariikh ay ka sheekeeyaan islamarkaasina la dhaceen qaabka loo soo agaasimay iyo weliba anshaxa iyo asluubta kooxahan u soo bandhigeen ciyaar wanaagooda ayaa waxaa barbar socday, in taageerayaasha labada dhinac ey u kala sacaba tumayeen dhiira galinna labada kooxood, balse “gari laba qof kama wada qoslisee” waxaa guushii xalay la hoyatay kooxda kubada kolayga wiilasha DAKADAHA, kadibna ay ku dabaaldegeen farxada koobka lagu maamuusayay BAABA NUUR JEENYO .
Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la qabto xaflad lagu gudoonsiinayo dhamaan kooxihii ku guuleystay koobabka tartamadii kala duwanaa ee NUUR JEENYO iyadoo lafilayo in ay xafladani ka dhacdo gudaha magaalada Muqdisho, hadaba akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan jecelnahay haduu Eebe idmo, in aan idiinla soo socod siino sida lagu soo gunaanado Xuska Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo Allaha Janadii Fardoowso ha ka waraabiyee.
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com