KOOXDA SIMBA SC EE REER TANZANIA OO U AWOOD SHEEGATAY MASAAKIINTII BANAADIR TELECOM
17 July 2008
Kooxda kubadda Cagta Banaadir Telcom oo horay uga soo badisay kooxdii Vital’o FC ee reer Burundi, cayaarihii Bariga iyo Bartamaha Afrika saddex casho ka hor, ayaa maanta si aad u xun loogu tuntay, kadib mar ay iska hor yimaadeen kooxda reer Tanzania ee Simba SC, oo cayaarahaan marti gelinayay.
Kooxda Simba,oo hal guul daro horay u wadatay ayaa rajadeedu xumeed hadii ay cayaarta galabta guul daro la kulmi lahayd. Inkasta oo ay taageerayaashooda u soo camireen garoonka wayn ee lixdanka kun qofood qaada ee Dar es Salaam.
Taageerayaasha Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo kuwa dibadiisa ku nool ayaa rajo wayn ka qabay in kooxda Banaadir Telcom ee Soomaalida ah in ay cayaartaan ugu yaraan ay bar bar dhac ka keeni karaan, balse taasi waxaa gaashaanka u daruuray kooxdii martida loo ahaa ee Simba.
Kulankan oo aad mooday in kooxda Banaadir Telcom, si aan caadi aheen looga awood, farsamo iyo mooralba fiicnaa. Ayaa cayaartu waxay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis in kastoo qeybtii hore ee cayaarta ey xoogaa yara dadaaleen kooxda Banaadir Telcom, kuna celiyeen kooxdii Simba gool la’aan ilaa iyo daqiiqadihii ugu danbeeyay oo ay kooxda Simba dhaliyeen gool maahine, cayaartiina lagu kala nastay 1- 0. oo ay kooxda Simba hogaanka cayaarta kula wareegtay.
Nasashadii qeybtii labaad markii dib leesugu soo laabtay, koox walibana macalimiintoodii ey la soo tashteen ayaa kooxda Simba, waxeey la soo baxeen dar dar xoog leh, furteena jid u suurto geliyay in shabaqa kooxda Banaadir Telcom uu u noqdo wado, kaas oo aan farxad galin bahweynta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa u dhag hayay cayaaraha kulankan, cayaartiina ku soo idlaatay kooxda Simba 5 - 0 Banaadir Telcom.
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com