KOOXDA BANAADIR TELECOM OO KA BADISAY KOOXDA VITAL’O FC EE DALKA BURUNDI
15 July 2008
Kooxda kubadda Cagta Banaadir Telcom oo heysata Horyaalnimada kubadda Cagta dalka Soomaaliya ayaa shalay galab waxay cayaar ka mid ahayd cayaarihii Bariga iyo Bartamaha Afrika ku dhex martay, kooxda iyadana haysata horiyaalnimada dalka Burundi ee lagu magacaabo Vital’o FC taas oo ay ku cayaarayeen dalka Tanzania.
Kooxda Banaadir Telcom
Cayaartaan oo ahayd cayaar aad u kulul labada kooxna ay muujiyeen cayaar nadiif ah oo farsamo iyo fudeed wadatay hadana uma suurtoobin in ay wax gool ah kala dhaliyaan qeybtii hore ee cayaarta, waxaana lagu kala nastay 0 - 0.
Kooxda Vital’o FC. Ayaa ah kooxda waqtigaan xaadirka ah ugu xooga badan kooxaha ka ciyaara Burundi ee tartanka Burundi Premier League, ee loo yaqaan Amstel Ligue. Waana kooxda ugu koob qaadista badan dalka Burundi taas oo hadii lagu daro koobka ay sanadkii hore qaadeen uu noqonayo markii 11 aad oo ay ku guulaystaan horiyaalnimada dalkooda. Waxayna koobka horiyaalnimada wadankooda ay ku guulaysteen sanadihii: 1979, 1983, 1984, 1991, 1993, 1994, 1998, 1999, 2000, 2006 iyo 2007.
Kabtanka kooxda Banaadir Telcom Farxaan, oo aan nasiib u yeelanay in aan qadka isgaarsiinta ku kulano ayaa noosheegay in qaybta hore ee cayaarta ay labada kooxba fiirinayeen awooda kooxda kale. Balse markii aan la soo tashanay macalinkeenii nasashada kala barka cayaarta, ayuu noo sheegay dul duleelahooda iyo dadaalka aan u baahan nahay in aan samayno hadii aan rabno in aan badino.
Nasiib wanaag waxaa noo suurto gashay in aan daqiiqadii 59aad dhalino goolkii koowaad balse nusa saac ka bacdi ay kooxdii Vital’o FC ee dalka Burundi ay ayagana naga dhaliyeen gool, cayaartiina noqotay bar bar dhac 1 - 1.
Runtii waa na cabsi geliyeen, cayaartuna waxay noqotay qolodii ku hor martaa gool kale in ay rajo fiican ka leedahay badinta. Waa is canaananay waxaana isu sheegnay in aan badin karno taas oo kor u qaaday muraalka kooxda, noona suurto gashay in aan wax yar kadib helnay gool kale. Cayaartiina noqotay Vital’o FC Burundi 1 – 2 Banaadir Telcom Somalia.
Farxaan, waxaa uu sheegay in ay kooxda soo bandhigeen cayaar wanaagsan oo is fahan ka muuqday, “ inkastoo xataa uu mid ka mid ah cayaaryahanadeena oo lagu magacaabo Yaasiin, uu qaatay calaamada Gaduud-ka, aana ku dhamaysanay 10 cayaar yahan ilaa iyo dhamaadka cayaarta, oo ay kooxda Vital’o FC isku dayeen in ay na bareejeeyaan, waxaanse ku dadaalnay in aan isku duubnaano si aan gool kale nalooga dhalin ilaa iyo dhamaadka cayaarta. Sidaasna aan uga guulaysanay kooxdii Vital’o FC ee reer Burundi.”
Waxaana hubaa hadii aan saan maanta u cayaarnay oo kale u cayaarno cayaaraha soo socdo in aan rajaynayno in aan guulo la taaban karo la soo hoyano. Kulanka kan xiggana waxaan isku aadan nahay kooxda Simba ee reer Tanzania oo martida loo yahay, waxaana rajeynaynaa in iyadana aan guul ka soo hoyno, inkastoo kooxda Simba Hal guuldarro qabto, haminaysana in ay cayaartaan badiso.
Runtii waa guul uu ku faani karo qof kasta oo Soomaali ah guusha ay ka soo hooyeen cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika kooxda Banaadir Telcom ee dalka Soomaaliya. Hadaan nahay bahda kubadda.com waxaan leenahay dadaalkiina hakaa ka sii wada.
Mahad Axmed Tagoow
Mahad@kubadda.com
Xarunta Muqdisho