Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

TARTANKII SEUKI FOOTBALL TOURNAMENT 2008 OO SI HABSAMI LEH KU BILOOWDAY

15 July 2008

Shalay oo taariikhdu ahayd 14 July 2008 ayaa waxaa garoonka weyn ee Spånga IP, ka dhacay cayaaro ka tirsanaa tartanka xagaaga SEUKI 2008 iyadoo ay shalayna wada cayaareen kooxaha ka wada tirsan Group B oo ay ka midka yihiin kooxda Sokoa oo ka soctay magaalada Bergan ee dalka Norway iyo kooxda Sonpet oo ka socta dalka Finland iyadoo cayartii labaadna ay wada yeesheen kooxaha Tilburg oo ka soctay Holland iyo Oslo Star oo ka soctay dalka Norway.

Kooxihii shalay dheelay

Cayaarahan oo aad u xamaasad badnaa dadkii daawanayeyna ay aad u jecleesteen ayaa xitaa iyadoo oo uu roob xoog lahi da,ayey, daaawadayaashii cayaarta ay ka tegi waayeen quruxda cayaarta, roobkiina korkooda ku qayoostay.

Daawadayaasha cayaarta

Cayartii hore ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Sokoa iyo Sonpet iyadoo ay goolkii hore ku hormareen kooxda Sokoa oo sanadkan u muuqata mid adag isla markaana haatan hogaamineeysa Group-ka B iyadoo leh 3 dhibcood balse gabgabadii cayaartan ayaa lagu kala tagay 2 -1 ay kooxda Sokoa ku sabarsiisay kooxda Sonpet ee Finland.

Cayaartii labaad ayaa waxeey dhexmartay kooxaha Tilburug iyo Oslo Star cayaartan oo aheeyd mid aad u farsameeysan labada kooxoodna ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleeystay ayeey waxaa ay gabgabadii cayaartan ku dhamaatay 1-1 ay isla dhaafi waayeen labadan koox.

Maamulayaasha Tartanka

Cayaarta ka dib ayay maamulayaasha tartanka u mahad celiyeen macalimiintii kala watay kooxaha iyo daawadayaashii cayaarta ka soo qayb galay, kuna fiirsadeen cayaarihii maanta dhacay si nabad iyo farxad leh.

Gudoomiyaha SEUKI Mr Afrax
Stockholm - Sweden

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football