KOOXDA BANADIR OO KU GUULAYSATAY TARTANKII SOMALI WEEK TORONTO 2008
14 July 2008
Tartankii Somali week Toronto 2008 oo bilowday 3da bishii July 2008 ayaa waxaa shalay oo Axad ahayd bishuna 13 July 2008 lagu soo af jaray cayaartii kama danbaynta ahayd ee ay iskaaga hor yimaadeen kooxaha Banadir iyo London Stars.
Ciyaartaan oo ahayd cayaar aad u xiiso badan kana soo qayb galeen marti sharaf magac wayn ku lahaa cayaaraha Soomaaliya iyo daawadayaal aad u tiro badan oo iskugu jiray rag, dumar, caruur iyo ciroolaba, buuxna dhaafiyay fadhigii garoonka Esther Shinner ayaa aad ugu mahad celiyay qaban qaabiya yaashii tartanka sanadkaan.
Daawadayaasha cayaarta
Hadaan xoogaa yar dib u jaleecano, kulankii kan ka horeeyay ayay kooxda Banaadir la soo ciyaareen cayaartii semi finalka kooxda Iftin. Labadan kooxood ayaa ahaa kuwo aad u awood sareeyo kuna loolamayey ciddii u soo gudbi lahayd ciyaarta Finalka lana cayaari lahayd kooxda London Stars.
Cayaartaas ayay labada kooxba muujiyeen cayaar aad u qurux badan, ilaa iyo dhamaadkii cayaartana isla dhaafi la’aayeen 1-1 gool, dhamaadkii cayaartana u suurto gashay in kooxda Banaadir ay ku caweeyaan goolkii Guusha kadib markuu gool qurux badan u dhaliyay Mohamed Sharif, cayaartiina ku dhamaatay 2-1 ay guusha ku raacday kooxdii Banaadir.
Hadaba shalay ayaa la wada cayaaray kulankii la wada sugayay ee Finalka oo dhex marayay kooxaha Banadir iyo London Stars. Runtii labadan koox oo ah laba koox oo aad u awood, xirfad iyo farsamo badan kana kala socday dalalka Toronto Canada iyo Galbeedka London UK.
Kooxda Banaadir ayaa ah mid fadhigeedu yahay Toronto Canada, laguna tilmaamo koox aad u taageerayaal badan uuna maal geliyo milkiilaha maqaayada Banaadir Resturante Nuuraaye, oo runtii ah Nin Sports ah jecelna horumarinta Isboortiga, maqaayadiisana u ah bar reer magaalka oo dhan, ay iskugu yimaadaan taas oo ku taal Toronto. uuna sanadkaan macalin u yahay laacibka lagu magacaabo Faris.
Tababare Faris iyo Guddoomiye Nuuraaye
Kooxda London Star ayaa iyana ah koox aad u fac wayn, ahna mid ka mid ah kooxaha ugu awooda roon kooxaha ka dhisan Qurbaha fadhigooduna yahay Galbeedka London, lehna taageerayaal aad u tiro badan oo ku firaarsan dhamaan goobaha lagu qabto cayaaraha xagaaga haday noqon lahayd Europe ama North America, markastana tartamada ay ka qayb galaan hadii ayna koobka qaadin inta badan ku dhameeya kaalinta labaad, uuna macalin u yahay laacibkii hore ee kooxda Minishiibiyo Daahir Gacameey.
Hadaba hadal badan haan ma buuxshee, cayaartii shalay dhacday ayaa ahayd cayaar aad u xiiso badnayd inkastoo Kooxda London Stars ay garoonka ku soo galeen iyadoo ay ka muuqatay niyada jab, waayo waxaa ka maqnaa saddex cayaartooy oo laf dhabar u ahaa kooxda.
Saddexdaas cayaaryahan ayaa garoonka soo gaaray iyadoo ay cayaartu socoto in kabadan 30 daqiiqo qaybtii hore ee cayaarta, tasoo si weyn u caro gelisay tababarihii kooxda London Stars macalin Daahir Gacameey.
Ciyaartooydan ka soo habsantay cayaarta ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Denish oo weerarka ugu ciyaara kooxda ahna xubin aad muhiim u ah kooxda. Taageereyaasha kooxda London Stars ayaa sidoo kale ayagana aad ugu carooday sida ay u dhaqmeen ciyaartooydan inkasta oo aan weli la ogeen sababta kaliftay, balse macalinku noo sheegay in baaritaan lagu samayn doono, hadii aysan la imaan sabab macquul ah lagu qaadi doono talaabo sharci ah.
Sikasta arrintu ha ahaatee maqnaashaha laacibiintaan ayaa waxaa ka fa'iideestay kooxda Banadir oo 15-kii daqiiqo ee ugu horeysay laba gool oo isku xiga halkaasi ka dhaliyay. Qeybtii hore ee cayaaarta lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaamineyso cayaarta kooxda Banaadir.
Qeybtii labaad markii layskugu soo laabtay ayay hadana kooxda Banaadir ay dhaliyeen goolkii saddexaad. Talo waa ka baxday farahooda kooxda London Stars. Qaylo iyo canaan fara taag u badneed oo uu macalinka kooxda London Stars Daahir Gacameey ku guubaabinayay kooxdiisa, ayaa waxaa ugu suurto gashay in muda yar gudaheed ay 2 gool oo is daba joog ah ku dhaliyaan.
Inkastoo ay soo kacsadeen gadaalihii kooxda London Stars, hadana waqti ku filan ma aynan haysan cayaartiina waxay ku soo gaba gaboowday 3-2 gool oo ay guushii ku raacday kooxda Banadir. sidaana ku noqotay horyaalka ama Champion-ka koobkii Somali Week Toronto 2008.
Kooxda Banaadir
M Cali America oo koobka gool dhalinta siinaya Axmed Denish
Cayaartii ka dib ayaa waxaa abaalmarinadii la gudoonsiiyay kooxda kaalinta koowaad gashay iyo tan labaad iyo weliba cayaar wanaaga tartanka (MVP) oo loo aqoonsaday cayaaryahanka Rasta oo u cayaarayay kooxda Banaadir . Xagga gool dhallintana waxaa qaaday sanadkii labaad laacibka u cayaara kooxda London Stars Ahmed Denish oo uu koobka gudoonsiiyay danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Amerca.
Photo:xiddigaha.com
W/Qoray: Daa’uud Axmed Dheere
Kubadda.com - Toronto