CIYAAR SAXIIBTINIMO OO KA DHACDAY GAROONKA KUBADDA CAGTA EE DEGMADA DHAHAR
14 July 2008
Ciyaar aad u xiiso badan ayaa shalay galab waxay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee degmada Dhahar ee bariga Sanaag oo ay isku qaabileen kooxaha Juniorka searia (B)da ee degmooyinka Dhahar iyo Badhan.
Kooxda Dhahar
Kooxda Badhan
Ciyaartan oo kubilaabatay dardar aan caadi ahayn, ayaa labada kooxba soo bandhigeen farsamo aad u sarayso. Daawashadeedana ay ka soo qayb galeen qaybo ka mid ah bulshada iyo waliba ciidamda amniga, wallow daawadayaashu ay u badnaayeen dumar lahaa gabdho iyo haween.
Daawadayaasha cayaarta
Waxaana si’aan caadi ahayn u qabsaday garoonka sawaxanka tageerayaasha iyadoo qaybta hore ee ciyaartuna ay ku dhamaatay 1-0 oo ay lahormartay kooxda degmada Dhahar uuna goolkaas u saxiixay laacibka afka hore uga ciyaara kooxda Dhahar eelagu magacaabo Maxamed Qaxiye, isagoo si fudud ugu dusiyay shabaqa kooxda Badhan.
Garoonka kubadda cagta degmada Dhahar
Nasashadii qaybtii hore kadib, markii la isku soo laabtay cayaarta, waxaa labada kooxba muujiyeen dadaal aad u heer sareeyay, iyadoo dhamaadkii cayaarta uu goosha barbardhaca uu u saxiixay kooxda Badhan laacibka lagu magacaabo Muuse, kaas oo hal mar si lama filaan ah uga farxiyay tageerayaasha kooxda Badhan.
Isku soo wada duuboo jawiga ciyaarta aya waxa uu ku soo gaba gaboobay bar bar dhac 1-1. Kadibna cayaar yahanada labada koox ay is gacan qaadeen, muujiyeena si ay ku dheehantahay farxad.
Saiciid Baxwal
Dhahar.com