KOOXDA ELMAN OO KU GUULAYSATAY TARTANKII MARXUUM NUUR JEENYO
12 July 2008
Naadiga heerka koowaad ee Elman ayaa ku guuleysatey tartankii kubadda cagta ee sanadkaan sida qaaska ah loogu maamuusay Allaha u naxariistee Aabihii Isboortiga Soomaaliyeed Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo). Isku imaatinka tartankan ayay soo agaasimeen Gudiga Olombikada Soomaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan G O S.
Waxaana ka soo qeyb galey ilaa iyo 4 kooxood, oo kala ahaa Elman, F.C. Banaadir, Super Shell iyo Daalo.
4-tan naadi ee lagu casuumay ka qeyb galka tartankan oo biloowday 02/07/2008 qorshahuna uu ahaa in la soo gaba gabeeyo Jimcihii la soo dhaafay ee bishu ahayd 11/07/2008. Hadaba tartamadii la cayaaray bilowgii, ayaa kooxuhu u kala badiyeen sidan:
02/07/08 Elman 3 - 0 F.C.Banaadir
03/07/08 Daalo 1 - 0 Super Shell
Intaa kadib ayaa maalintii jimcaha bishu ahayd 11/07/2008 la cayaaray cayaartii la wada sugayay ee gaba gabada tartanka (Final-ka) oo ay fooda is dareen kooxaha Elman iyo Daalo.
Cayaartaas oo runtii ahayd mid aad u xiiso badan ayaa labada kooxba muujiyeen cayaar aad loo jeclaystay, koox kastana waxaa ay ku soo tala gashay sidii ay kooxda kale u duugi lahayd, uguna soo bixi laheyd kaalinta koowaad si ay u hanato koobka.
Weearar iyo weerar celis dabadii waxaa nasiib u yeeshay in ay 2 – 1 guushii halkaa ku raacdo kooxda Elman. Waxaana labada gool ay kooxda Elman dhaliyeen u saxiixay laacibka xulka Qaranka Soomaaliyeed Afka hore uga cayaaro ee lagu magacaabo Maxamed Shaarkeey.
Kooxda Elman FC
Tartanka oo ka koobnaa qeybo badan oo ay ka soo qeyb galeen ilaa iyo lix xiriir, ayaa waxaa sidoo kale ayagana dhawaan lagu wadaa in la soo af jaro qaybaha cayaareed ee kale sida: cayaarta kubadda koleyga, kubadda Laliska, kubadda Gacanta, feerka iyo cayaaraha fudud oo dhamaan lagu qabanayay garooonka Luugino.
Hadaba aqristayaasheena waxaan u balan qaadi doonnaa hadii Eebe idmo in aan si toos ah ula soo socod siin doonno natiijada iyo waxa ay ku dhamaadaan cayaarahaas kale ayagana.
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com