TARTANKII SOMALI WEEK OO SOO GAARAY HEER QUARTER-FINAL AH
09 July 2008
Kulanadii dhacay shalayto oo bishu ahayd 8-dii July, ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Edmonton iyo Northern star, cayaartaan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa halkaa loogu awood sheegtay kooxda Edmonton oo looga badiyay 2-0 waxaana guushii la hoyday kooxdii Northern star.
Cayaartii labaad ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Banaadir iyo Washington oo runtii ahaa kooxo lagu tilmaamo kuwo ka mid ah kuwa ugu awooda roon tartanka, waxayna labadaan koox ku dagaalamayeen cidii kaalinta koowaad ku soo bixi laheed.
Siiri walihii markii uu ku dhuftay siiriga furitaanka cayaarta, ayay labada kooxba si deg deg leh iskugu qaadeen weearar iyo weerar celis, qolo walbana waxay leheed aad kaga hor martid gool kooxda kale, balse diyaar garoow aad u fiican ayaa ka muuqday labada kooxba waxayn dhalisay in ay isla dhaafi waayaan gool la'aan 0 – 0 qaybtii hore ee cayaarta.
Markii laga soo laabtay nasashada qaybtii hore ee cayaarta, ayaa kooxda Banaadir weerarkoodii ay halkiisii ka sii wadeen, waxaana u suurta gashay in ay Gool ku hor maraan, uuna u saxiixay cayaartoyga magaciisa la yiraahdo Cali Baashi oo ah cayaartoy xulka Qaranka Soomaaliyeed u cayaara.
Kooxda Washington ma yareesan dadaalkoodii waana isku dayeen dhoor mar in ay cayaarta ka dhigaan bar baro, balse waxaa ka diiday difaacii kooxda Banaadir, cayaartiina waxay ku soo idlaatay kooxda Banadir 1-0 Washington.
|
Runtii labadan koox waxay muujiyeen cayaar aad u adag, oo runtii raali gelisay daawadayaashii faraha badnaa ee ka soo qayb galay kulanka cayaarta. Kooxda Banaadir ayaa sidaasi ugu soo baxday kaalinta koowaad Group-ka (B), kooxda Washington -na waxay ku dhameeyeen kaalinta labaad.
|
|
Daawadayaasha cayaarta
|
Dhinaca kale ayaa isna Group-ka (D) ay kaalinta koowaad ku soo baxday kooxda Edmoton, kaalinta labaadna ay ku dhamaysay kooxda Northern star,.
Halka Group-ka (A) ay kaalinta koowaad ku soo baxeen kooxda Soomaali United, kalinta labaadna kooxda Iftin UK.
Group-ka ( C ) ayaa ayagana waxaa kaalinta koowaad ku soo baxday kooxda London stars, halka kalinta labaadna ay ku soo baxeen kooxda Iftin Toronto.
Kulanada berito iyo beridanbe la cayaari doono ayaa kooxuhu isku arki doonaan sidan:
MAALINTA |
KOOXAHA |
SAACADA |
09 July 2008 |
kooxaha Somali United Vs Washington |
7:00 pm |
09 July 2008 |
kooxaha Banadri Vs Iftin UK |
9:00 pm |
10 July 2008 |
kooxaha London Stars Vs Northern Stars |
7:00 pm |
10 July 2008 |
kooxaha Edmonton Vs Iftin Toronto |
9:00 pm |
W/Qoray: Daa'uud Axmed Dheere
Kubadda.com – Toronto