Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

KOOXDA BANADIR OO U AWOOD SHEEGATAY SOMALI STARS

06 July 2008

Tartankii Somali week Toronto 2008 oo bilowday 3da bishii July 2008 ayaa waxuu marayaa heer aad u xaraarad badan. Hadaba kulanadii dhacay beryihii dhawaa ayaa waxaa ka mid ahaa kulankii dhex maray Kooxda Banadir iyo Somali Stars.

Ciyaartaan oo ahayd cayaar aad u xiiso badan kana soo qayb galeen marti sharaf magac wayn ku lahaa cayaaraha Soomaaliya iyo daawadayaal aad u tiro badan, buuxna dhaafiyay fadhigii garoonka Esther Shinner, ayaa qaybtii hore ee cayaarta lagu kala nastay 2 gool iyo 2 gool. Inkasta oo ay kooxda Somali Stars, ku hor martay 2da gool balse kooxda Banaadir, dadaal dheeri ah dabadii ayay ku soo gaareen.

Taageerayaal, laacibiintii iyo maclimiintii hore ee dalka

Nasashada kala barka cayaarta markii ay labada kooxba la soo kala tashadeen macalimiintoodii ayaa waxaa jaanta isla helay kooxdii Banaadir, oo uu macalin u ahaa Ex-laacib, macalinka da’da yar ee Faaris, waxaana u suurto gashay in ay tiradii goolasha ay horey u dhaliyeen ku daraan inteedii oo kale, cayaartiina ku soo af jarantay kooxda Banadir 4 gool, kooxda Somali Stars 2 gool. Halkaasina guushii ku raacday kooxda Banaadir.

Kooxda Banaadir

Kulankii labaad ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Northern Stars iyo Minnesota. Runtii labadaan koox ayaa ahaa kuwo aan saas u sii kala awood roonayn. Inkastoo ay weerar iyo weerar celis ku xiiqeen hadana waxaa u suurto gashay kooxda Minnesota in ay goolkii koowaad ku hor maraan, balse guushii ma sii calfan qadar yar dabadii waxaa gool dhalisay kooxdii kale ee Northern Stars.

Labada kooxba waa isku dayeen intaa kadib in ay guul goobta kala hoydaan, mase dhicin difaac iyo weerar aan dhamaystir fiican lahayn waxaa la isla dhaafi waayay kooxda Minnesota 1 – 1 kooxda Northern Stars.

W/Qoray: Daa’uud Axmed Dheere
Kubadda.com - Toronto

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football