Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

SOMALI TIGERS OOKU GUULAYSATAY KOOBKII SOMALI WEEK MINNESOTA

02 July 2008

Kooxda kubadda cagta Somali Tigers ayaa si rasmi ah ugu guulaysatay koobkii loogu magac daray Somali/American independence days tournament, ka dib markii ay si xarrago leh uga adkaadeen 2 gool iyo 0, kooxda Banaadir oo ka socotay gobolka CA- Sandiego.

Taageerayaasha Kooxda Kaalinta koowaad gashay Somali Tigers

Tartankan isaga ah ayaa qabanqaabadiisa waxaa iska lahaa guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota oo ay hor boodayeen halyeeyadii Kubadda cagta Soomaaliya waa C/raxmaan Guuleed (Aamaan) iyo C/risaaq Saciid (Marshaale) iyo rag iyaguna qiimo badan ku leh bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota sida: C/casiis Biixi iyo C/raxmaan Mukhtaar ayaa ku soo dhammaaday jawi aad u qurux badan oo ay aad u jeclaysteen daawadayaashii faraha badnaa ee maalin kastaa soo camiri jiray garoomadii uu tartanka ka socday.

Tartanka sannadkan waxaa ka soo qaybgalay 16 kooxood oo kala ahaa: Banadir, California, Cedar Stars, MN, D Plus, St. Cloud, MN, Higher Ground, MN, San Diego United, CA, Commonality, MN, Rochester United, MN, TC Stars, MN, Ohio United, OH, Somali Tigers, MN, Elman, Faribault, MN, Eden Prairie, MN, Boston, MA, La Cruz, St. Cloud, MN, Dallas, TX ,iyo kooxda Midnimo, MN.

Ciyaarihii semifinalka ayaa waxaa foodda is daray kooxaha Tigers iyo Rochester waxaana 3 iyo 0 ku adkaaday kooxda Tigers,dhanka kale waxaa iyaguna wada ciyaaray Banaadir(Sandiego) iyo Midnimo (Minnesota)waxaana 1 iyo 0 ay guushii ku raacday kooxda sandiego.

Kooxda Kaalinta Labaad gashay Banaadir (sandiego)

Haddaba ciyaartii kama dambaysta ayaa la qabtay taariikhdu markay ahayd 07/01/2008,waxaana is haleelay labadii kooxood ee muddaba la isku raadinayay waa Sandiego iyo Somali tigers. Labada kooxoodba waxaa ay soo bandhigeen cayaar aad u heer sarreysay oo marba koox la weerarayay, hase yeeshee qaybtii hore wax goolal ah lama kala dhalin waxaa lagu kala nastay 0 iyo 0.

Qaybtii labaad markay koox kastaa la soo tashatay macallimiintoodii ayaa mar qura waxaa jaanta si fiican isula helay inammadii kooxda Somali Tigers ,waxaana ay weerar aan kala joogsi lahayn ku qaadeen goolka kooxda Sandiego,waxaana u suuro gashay daqiiqaddii 58aad in goolkoodii ugu horreeyay uu u saxiixay ciyaaryahan Nuuraddiin oo loogu naanayso (Ronaldino). Kooxda Somali tigers sidaasi kuma hakan waxaana ay sii wadeen dadaalkoodii ,waxaana daqiiqaddii 71aad ay heleen goolkoodii labaad kaasoo uu xaqiijiyay ciyaaryahankoodii lambarka 9aad u sitay waa Faysal. .waxaana ciyaartii ay ku soo gabagabowday 2 iyo 0 oo ay guushii ku raacday kooxda Somali Tigers kuna noqdeen horyaalka kubadda cagta ee tartanka Somali/American independence days tournament.

Munaasabaddii gunaanadka ee xiritaanka waxaa ka soo qayb-galay mas'uuliyiin fara badan oo lagu casuumay halkaasi,waxaana erayo qiiro badan halkaasi ka soo jeediyay guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo isagu aad ugu dheeraaday taariikhada faca weyn ee xuriyadda Dalka Soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay dhallinyarada Soomaaliyeed inay u dareemaan maalmaha qadarinta iyo xushmadda wayn ku leh qarannimada Soomaaliyeed.

Taageerayaasha

Ugu dambayntiina guddoomiyuhu waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay kooxihii ku guulaystay tartanka ama soo gaaray ciyaarihii kama dambaysta.Sidoo kale waxaa uu mahadnaq ballaaran u soo jeediyay kooxihii safarka dheer u soo galay ka qaybgalka tartankan isaga ah iyo guud ahaanba guddigii Isboortiga iyo shaqsiyaadkii ganacsatada oo iyaguna aad u taakuleeyay barnaamijkani inuu taabagal noqdo iyo weliba garsoorayaashii ayagana hir geliyay habsami u socodka cayaaraha.

Garsoorayaashii Cayaartii dhex dhexaadinayay

Intaasi dabadeed martidii halkaasi isugu timid waxaa ay bixiyeen abaalmarinadii loogu talo galay oo loo kala helay sidan:

  • C/risaaq oo ka socday kooxda TC -Goolhayihii ugu wanaagsanaa tartanka.
  • C/rahman Carab oo ka socday Edenpraire – Tababaraihii ugu wanaagsanaa.
  • C/shakuur oo ka socday Sandiego –Difaacii ugu wanaagsanaa tartanka.
  • Shabeeloow oo ka socday FC Ohio United - Most Valuable Player (MVP)
  • Faysal oo ka socday Somali Tigers – Ciyaartooydii ugu goolal dhaliska badnaa (8 Gool)
  • Kaalinta 3aad Kooxda Midnimo
  • Kaalinta 2aad Kooxda Banaadir (Sandiego)
  • Kaalinta 1aad Kooxda Somali Tigers

Guddoomiyaha Isboortiga oo bixiyay koobkii kaalinta 1aad

Waxaa iyaduna xusid mudan in halkaasi ay ku cayaareen ciyaar kubadda cagta ciyaartooydii cayaaraha ka cuslaaday (Somali Legends) iyo caruur yaryar oo iyaguna tartanka lagu furay. Sidoo kale waxaa iyaguna tartamo ciyaaro fudud halkaasi ku soo bandhigay dhallinyaro aad u da'yar oo ka socotay confederation of Somali community iyo Somali youth development Organization in MN (SYDOM)

F:G: haddaad rabto inaad aragto sawiro ku saabsan tartanka booqo
www.somali-youth.org

Diyaariye: Shiikha
Minneapolis-MN

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football