Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

XAFLADDII XERITAANKA HORIYAALKA 24-AAD EE WIILASHA IYO GABDHAHA KUBADDA KOLAYGA SOOMAALIYEED OO SI HABSAMI LEH U DHACDAY

31 January 2008

Waxaa shalay magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ee Hoteelka Jidah lagu qabtay xafladii xeritaanka horiyaalkii 24aad ee Wiilasha iyo Gabdhaha kubadda kolayga dalka Soomaaliya.

Xafladaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax fara badan oo ka kala socday xiriirada kala duwan iyo hay’adaha bulshada rayidka qaarkood. Waxaa ugu horeen halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka X. K. Kolayga Ibraahin Roombe oo ku dheeraday qabkii uu ku bilawday kuna dhamaaday horyaalkii 24-aad ee wiilash iyo gabdhaha kubadda kolayga dalka Soomaaliya.

Ku xigeenka X. K. Kolayga Roombe waxuuna sheegay qaababkii loo cayaaray iyo natiijooyinkoodii dhanka wiilasha waxaa horyaalkii dhanka Wiilasha ku guuleystay ayuu yiri kooxda Heegan waxeyna ku qaadeen 14 dhibcod 7 kulan oo ey cayaareen wey guuleesteen oo wax guul daro ah ma eysan arag 568 gool ayay dhaliyeen, halka ayagana laga dhaliyay 271 gool. Kaalinta 2aad waxaa galay Wiilasha kooxda Horsed oo keenay 13 dhibcood, kaalinta 3aad waxaa galay wiilasha kooxda Feero.

Dhanka gabdhaha waxaa kaalinta 1aad galay gabdhaha kooxda Heegan, kaalinta 2aad gabdhaha kooxda Horsed, kaalinta 3aad gabdhaha kooxda Halgan.

Intaas ka dib waxaa qudbadii qaatay Xaaji Cabdi Iimaan oo ka mid ahaa guddiga Olimbikada Soomaaliyeed, waxaa kaloo halkaasi ka hadlay C/naasir oo gudoomiyaha hay’ada Xuquuqda Aadanaha ee (inxa). Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda kolayga mudane Aadan Xaaji Yabaroow (wish).

Aadan Xaaji Yabaroow (wish)

Gaba gabadii xafladda ayaa waxaa kalmadii ugu danbeysay qaatay gudoomiyaha guddiga Olimbikada Soomaaliyeed mudane C/qaadir Ibraahim Gacal (abkoow) oo mahad celin u jeediyay intii taakulaysay ama taageeratay qabashada tartankaan.

Dabadeed waxaa la guda galay abaalmarin gudbintii. Waxaa lagu bixiyay abaal marinno kala duwan abaalmarinadii halkaasi laga baxshay ayaa waxaan ka xusi karnaa hadii aan ku hormaro dhanka tababarayaasha oo la siiyay:

1. macalinka gabdha kooxda Heegan Mustaf C/casiis, shahaado sharaf iyo kubad.
2. macalinka wiilasha kooxda Heegn cabdi cali axmed, shahaado sharaf iyo kubad.
3. macalinka wiilasha kooxda Horseed Anwar Nuur Cali, shahaado sharaf iyo kubad.
4. macalinka Jaaliyadda xaaji Muuse Maxamed, shahaado sharaf.

Abaalmarinada shaqsiyaadka waxaa ka mid ahaa taageerayaasha weyn sida Abuukar Istuufo shahaado sharaf iyo Ibraahin Max’ed Kheydaraani shahaado sharaf.

Taageere Abuukar Istuufo

Dhanka cayaaryahanada ku guulaystay Abaalmarinada ayaan waxaan ka xusi karnaa:
1. Yaxye C/llaahi Mandaliif kooxda Horsed oo ahaa cayaaryahankii ugu wanaagsanaa uguna gooldhalinta badnaa intuu socday tartanka wuxuuna muteystay bilad Dahab ah.
2. Sacdiyo C/kariin Maxamed kooxda Horsed oo ahayd cayaaryahandii ugu wanaagsaneyd dhanka gabdhaha oo iyadana heshay bilad Dahab ah.
3. Mustaf C/casiis Maxamed kooxda Heegan oo ahaa laacibkii ugu badnaa dhanka shuudka dheer (3 point) oo la gudoonsiiyay abaalmarin ah Funaanad.
4. Aamina Abuukar Ibraahin kooxda Horsed dhanka shuudka dheer (3 point) oo la gudoonsiiyay abaalmarin ah Funaanad.
5. Faadumo Aadan Warsame kooxda Heegan oo ku guulaysatay dhanka gool dhalinta gabdhaha oo la gudoonsiiyay abaalmarin ah Funaanad.
6. C/qaadir Maxamed Idiris kooxda Heegan oo ahaa laacibkii ugu asluubta wanaagsanaa intuu tartanka socday oo la gudoonsiiyay abaalmarin ah Funaanad.

Abaalamarinada
Yaxye Cllaahi Mandaliif kooxda Horsed MVP

Intas kadib ayaa waxaa la soo gaaray gaba gabadii xafladda iyo u qaybintii koobabka kooxihii kusoo guulaystay tartanka 24-aad ee horiyaalka kubadda kolayga Soomaaliya.

Waxaana loo yeeray dhanka wiilasha kooxdii kaalinta labaad gashay ee wiilasha Horsed kabtankoodii oa lagu magacaabo Saciid Maxamed Sheikh (bootaale) oo la gudoonsiiyay koobkii kaalinta 2aad.

Waxaa hadana loo yeeray kabtankii kooxdii championka oo xalaaleysatay horyaalkii 24-aad ee wiilasha kubadda kolayga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxaadeey oo la gudoonsiiyay koobkii kaalinta 1aad.

Kooxda Heegan kabtan Maxaadeey oo la gudoonsiiyay koobkii kaalinta 1aad ee wiilasha

Intaa ka dib ayaa waxaa loo yeray dhankii gabdhaha oo loo yeeray kooxdii kaalinta 2aad gashay gabdhaha kooxda Horsed ayadoo ey u soo istaagtay waaya aragada weyn ee xiligii barisamaadkii ka tirsanaan jirtay naadigii kubadda kolayga Badda, oo lagu magacaabo Batuulo Xaaji oo la gudoonsiiyay koobkii kaalinta 2aad.

Batuulo Xaaji kabtankii kooxda Horseed oo kaalinta 2aad ku guulaysteen

Gaba gabadii ayaa loo yeeray kooxdii championka gabdhaha horiyalkii 24aad ee kubadda kolayga dalka Soomaaliya waxaana u soo istaagtay kabtankii gabdhaha kubadda kolayga kooxda Heegan gabadha da’da yar una muuqatay cayaartii finalka in ey aheyd xidigtii garoonka kuna guuleesatay iskoorkii gool dhalinta tartanka oo lagu magacaabayay Faadumo Axmed Warsame oo ah gabar aad u da’yar waxayna kor u bishay koobkii iyadoo faraxsan. Halkaasna waxaa si farxad leh ugu soo gabagaboobay tartankii 24-aad ee horiyaalka kubadda kolayga Soomaaliyeed kadibna waxaa lagu soo afjaray halkaa, laguna soo qatimay xafladii xiritaanka tartanka.

Kooxda Heegan Faadumo A Warsame oo la gudoonsiiyay koobkii kaalinta 1aad ee Gabdhaha

Hadaan nahay bahda kubadda.com oo ka soo jeeda cayaaryahanadii hore ee kubadda kolayga heer caadi ah iyo heer Qaranba iyo macalimiintoodii. Waxaan halkaan hambalyo uga diraynaa marka hore maamulkii hirgeliyay tartankaan iyo kooxihii dhamaan ka soo qayb galay. Qaasatan waxaan si gooni ah ugu hambalyeeynaynaa kooxda Heegan oo sanadkaan wiilal iyo gabdhaba ku guulaystay Horiyaalka dalka iyo kooxihii kaalimaha wanaagsan galay, kuwa laga itaal roonaadayna iyagana waxaan leenahay dadaala waad gaari doontiine.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football