Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

FABIO CAPELLO OO XULASHADIISII KA TEGAY DEVID BECKHAM

31 January 2008

Macalinka dhalashadiisu tahay Talyaaniga ee Fabio Capello ee loo dhiibay 12kii December 2007 macalinnimada dalka Ingriiska, si uu u layliyo xulka Qaranka kubadda cagta dalkaas ayaa maanta oo bishu ahayd 31/01/08 ku dhawaaqay xulashadiisii koowaad ee uu ku kala dooranayay cayaaryahanada u safan doono cayaarta ku soo food-leh ee ay la yeelan doonaan xulka Qaranka Switzerland.

Fabio Capello

Waxaa beryahanba la hadal hayay in uu xulashadiisa ka tegi doono iyo in kale laacibka wayn ee lagu magacaabo Devid Beckham oo aad ugu baahnaa in uu mar kale ka mid noqdo Qaranka dalkiisa si uu u buuxiyo cayaartii boqolaad ee uu u safto dalkiisa.

Devid Beckham oo hada u cayaara koox Maraykan ah oo lagu magacaabo LA Galaxy ayaa kooxdiisii ay ku jiraan nasasho. Wuxuuna bishaan tababar la qaadanayay kooxda Arsanal ee ka dhisan dalka Ingriiska si uu firfircoonidiisii u lumin. Runtiina sababta ka danbaysay ayaa ahayd in uu ku guulaysto cayaaryahanada ka mid noqon doono xulka dalkiisa.

David Beckham

Fabio Capello's, ciyaartiisa ugu horaysa ee uu macalin nimada Qaranka Ingriiska horkici doono ayaa lagu wadaa in ay tahay, ciyaar saaxibtinimo oo ay la yeelan doonaan xulka Qaranka Switzerland, taas oo ka dhici doonto garoonka wayn ee Wembley Stadium Arbacada soo socoto oo bishu ku beegan tahay 6-da Feberaayo 2008.

Hadaba saakay ayuu Fabio Capello soo hor dhigay Maamulka Xiriirka Kubadda cagta Ingriiska FA (Football Association) si ay u shaaciyaan magacyada cayaaryahanada uu soo xushay in ay metelaan cayaarta ugu soo horayso ee ay la yeealan doonaan Qaranka Switzerland.

Magacyadaas ayaa waxaa ka dhex muuqday cayaaryahano aan weligood u safan qaranka Ingriiska sida cayaar yahanka lagu magacaabo Curtis Davies, oo ah cayaar yahan difaac ah una safta naadiga Aston Villa. Halka uu ka tagay David Beckham iyo goolhayihii kooxda Tottenham Paul Robinson asagoo u aaneeyay in aynan cayaar yahanadaas hada cayaarin cayaaro ku filan oo uu ku dooran karay.

Macalinka cusub ee Ingriiska wuxuu u sheegay cayaaryahanada uu hada ka tagay iyo kuwa aan weligood horay loo magacaabin in irduhu u furan yihiin balse ay u suurtoobi wayday in uu kuligood cayaartaan magacaabo.

Curtis Davies

Wuxuuna hada doortay 30-ka cayaaryahan ee wiilasha ah ee uu u arkay, in ay meteli karaan cayaarta soo socoto.

Cayaaryahanada uu hadda doortay Fabio Capello ayaa kala ahaa:

Magaca

Kooxda

Magaca

Kooxda

David James

Portsmouth

Michael Carrick

Manchester United

Scott Carson

Aston Villa

Steven Gerrard

Liverpool

Chris Kirkland

Wigan Athletic

Gareth Barry

Aston Villa

Wayne Bridge

Chelsea

Jermaine Jenas

Tottenham Hotspur

Ashley Cole

Chelsea

Owen Hargreaves

Manchester United

Curtis Davies

Aston Villa

Joe Cole

Chelsea

Rio Ferdinand

Manchester United

Ashley Young

Aston Villa

Glen Johnson

Portsmouth

Stewart Downing

Middlesbrough

Ledley King

Tottenham Hotspur

Sh. Wright-Phillips

Chelsea

Nicky Shorey

Reading

David Bentley

Blackburn Rovers

Wes Brown

Manchester United

Emile Heskey

Wigan Athletic

Joleon Lescott

Everton

Gabriel Agbonlahor

Aston Villa

Micah Richards

Manchester City

Michael Owen

Newcastle United

Matthew Upson

West Ham United

Wayne Rooney

Manchester United

Jonathan Woodgate

Tottenham Hotspur

Peter Crouch

Liverpool

Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sh. Abdi (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London

 

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football