KOOXDA HEEGAN OO HANATAY HORIYAALKII 24-AAD EE GABDHAHA KUBADDA KOLEYGA SOOMAALIYEED
29 January 2008
Waxaa maanta magaalada muqdisho gaar ahaan degmada C/casiis garoonka kubadda kolayga ee Ex-luujino lagu soo gaba gabeeyay horiyaalkii 24-aad ee gabdhaha kubadda kolayga dalka Soomaaliya. Cayaartan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa daawashadeeda waxaa ka soo qeyb galay dad weyne aad u fara badan oo buux dhaafiyay garoonka ayadoo qaar ka tirsan dadweenihii ku soo talagalay daawashada cayartan eysan u suura galin in ey daawadaan garoonka oo buux dhaafay aawgii.
Garoonka
Waxaa kaloo ka mid ahaa daawadayaasha cayaartan, madax fara badan oo ka kala socday xiriirada kala duwan iyo madax ka tirsan dhanka dowladda sida: Gudoomiyaha guddiga Olymbikada Soomaaliyeed mudane C/qaadir Ibraahin Gacal Abkoow, Gudoomiye ku xigeenka G.O.S ahna gudoomiyaha xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow Wiish, Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyed ee kubadda cagta mudane Saciid Maxamuud Nuur Mugaanbe, Gudoomiyaha xiriirka Teeniska mudane Yuusuf Yare iyo xoghayaha guud ee xiriirka Teeniska Cali Saciid iyo madax kaloo farabadan oo ka socotay xiriirada kal duwan ee dalka.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa madaxda dhanka dowladda ka socotay: wasiirka gaashaandhiga Muxudiin. Janaraal Naaji iyo gudoomiye ku xigenka maamulka gobalka Banaadir xagga arimah Bulshada mudane Maxamed Cismaan Cali (dhagaxtuur).
Cayaarta ayaa aheyd mid aad u adag kuna saleesneyd weerar iyo weerar celis qeybtii hore ee cayaarta ayaa waxey u muuqatay in gabdhihii ku cayaarayay magacii horseed ey awood sareeyeen ayadoo lagu kala nastay qeybtii hore ee cayaarta Gabdhaha Horseed 27 Heegan 23 oo hogaanka ey u hayaan gabdhihii horsed.
Balse waxeey wax waliba is badaleen markii dib looga soo laabtay nasiinadii oo gabdhihii kooxda Heegan ey la soo tashteen macalimiintoodii kana soo baaraandegeen qaladaadkoodii qaybta hore cayaarta.
Waxaa dib u bilowday cayaartii qeybteedii labaad waxeyna ku bilaabatay dar dar xoog leh iyo xisaabtan. Cayaartii waxay isku bedeshay xirig jiid qoloba mar dhinac loo jiito. Balse cayaarta dhamaadkeedii ayaa noqotay mid farxad galisay taageerayaashii kooxda Heegan iyo cayaartoydoodii iyadoo badalkeeda kooxda Horseed iyo taagerayaalkeedaba garoonka ka dareesadeen ayagoo madaxa hoos u laad laadinaya natiijadii cayaarta waxeey ku soo af jarantay oo koobkii ku xalaaleysatay kooxdii Heegan 53 dhibcood halaka ay kooxda Horseedna la yimaadeen 48 dhibcood.
Kooxda Horsed ayaan dhihi karaa wey dadaaleen, waxaana ka xusi karaa gabdhihii ugu cad cadaa Aamoow, Batuulo Xaaji iyo Fowsiyo. Halka gabdhaha kooxda Heegana ey ugu cad cadaayeen gabdhaha kala ah Faadumo Yariisey oo aheyd xidigtii garoonka marka loo eego labada kooxba Deeqo iyo Maamada weyn ee waaya aragada ah Mulki Nuur Muudeey sidaasi darted gabdhihii heegan waxeey jeebka ku riteen horyaalkii 24-aad ee gabdhaha kubadda kolayga dalka Soomaaliya 2007 -2008.
Gabdhaha Heegan Horiyaalka 2007 - 2008
Waxaa lagu wadaa in goor dhow laqaban doono xafladii xeritaanka koobkana lagu gudoonsiin lahaa kooxda ku guulaysatay oo aan jecelnahay in aan iyadana warbixin ku saabsan xafladaas aan idiin soo gudbino haduu Eebe idmo.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|