TAARIIKHDA LAACIBKII HILOWLE GAAB EE NAADIGII WAGAD
28 January 2008
|
Qormadeena maanta waxaan uga hadli doonaa waraysi ku saabsan mid ka mid ah ciyaaryahanadii soo maray dalkeena hooyo, oo magac ku lahaa naadiyadii dalka ee berisamaadka kaas oo u cayaari jirey naadigii la oran jiray Wagad. Cayaaryahankan magaciisu waa Hiloowle Cumar Axmad oo lagu naaneeso (hilowle gaab).
Hiloowle Cumar Axmed wuxuu dhashay sanadkii 1963 wuxuuna ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada Dhexe Waxbarashadiisa Dugsiga Hoose Wuxuu ku Qaatay Isla Degmada Afgooye, halka Dugsiga Dhexe iyo Sare uu ku qaatay magaalada Muqdisho gaar ahan Dugsiga Dhexe iyo Sare ee Waabari. Hiloowle hadda wuxuu ku nool yahay Degmada Afgooye waa xaasle leh 10 caruur ah.
|
|
HILOWLE GAAB
|
Haddaba waxaa noo suuro-gashay inaan kula kulano magaalada xamar laacib Hiloowle, waxna ka waydiino taariikhdiisa nololeed intii uu ku dhex jiray cayaaraha. Waraysigeenii na wuxuu u dhacay sida tan:
Ma xasuusan kartaa, goormee ayey aheyd markii kuugu horeysay ee aad garoon gasho ?
Hiloowle: Markii iigu horeysay ee aan garoon galo waxeey aheyd sanadii 1975 waxaana u saftay koox la dhaho Taleex oo xiligaas ka dhisneyd Degmada Afgooye, waxana kula guuleestay koobkii iigu horeeyay oo aan cayaaro kadib waxan u soo wareegay magaalada muqdisho waxaana u cayaaray degmada Waabari sanadii1980-kii kadib waxaan u saftay xulkii gobalka Banaadi, sanadii1982 sanadkas waxaan cayaartii kama danbeesta aheyd isugu soo harnay xulka Kismaayo.
Goormee ayaad ku biirtay kooxihii heerka koowaad ama labaad ee dalka ka jiri jiray?
Hiloowle: Waxaan ku biiray sanadii1983-dii waxaana ii suurto gashay in ay I qaataan naadigii la oran jiray Wagad. Ku biiristii aan ku biray naadigii Wagad waxaa sabab u ahaa macalin Baaskuwaale.
Yaa kuugu dhiira galiyay in aad cayaarto cayaarta kubadda cagta?
Hiloowle: Waxaa si aad ah iigu dhiira galiyay rag fara badan waxaanse ka xusi karaa macalin Axmed Muqtaar oo ahaa macalinkii degmada Afgooye igu so saaray. Macalin Cabdalladiif Turki iyo Shinax iyo rag kale oo fara badan oo aan halkan ku soo koobi Karin.
Intii aad u cayareysay naadigii Wagad ma jiraan wax koobab ah oo aad kula guuleysatay kooxdaas?
Hiloowle: Intii aan u cayaarayay naadigii Wagad waxaan kula guuleestay koobab fara badan waxaana ka mid ah labo koob oo Horiyaalka ah iyo labo koob oo Janaraal Daa'uud ah iyo hal koob oo loogu magac daray dabargoynta Qaadka, tartanka koobkaas mucjisooyinka aan ka sheegi karo ayaa waxa ka mid ahaa, intii aan cayaareynay koobkaas oo aanan shabaqeena wax gool ah la taabsiin.
Intii aad ku dhex jirtay cayaarta kubadda cagta ma xasuusan kartaa kulankii kuugu xumaa ama kuugu adkaa ?
Hiloowle: Kulankii iigu adkaa wuxuu ahaa kulan aan la yeelanay naadigii Waxool isla kulankas ayaa ahaa kii iigu murugada badnaa, waxaase ka sii daran in uu isla kulankan uu ahaa kulankii iigu farxadda badnaa sababtoo ah kulankaan ayaa ahaa mid qeybtii hore iyo dhamaadkiiba aan aad u naxsaneen oo aan is dhiibnay waayo cayaarta oo 5 daqiiqo dhiman ayaa natiijada cayaarta waxeey aheyd 5 - 2 gool. Balse waxay wax walba is badeleen daqiiqadahii ugu dan beeyay kadib markii aan ka dhalinay 3 gool oo deg deg ah murugadiina waxey isku badashay farxad kulankiina wuxuu ku soo gabagaboobay barbardhac 5 – 5 gool.
Marka aad garoomada ku jirto yaad necbeed in uu kaa soo horjeesto ? Ileyn qof walba waxa uu neceb yahay shaqsiyaad marka yaad ka xusi kartaa ?
Hiloowle: Qofka markuu garoon soo galaayo waxa uu ku soo tashtaa xirfadiisa iyo kalsoonidiisa balse wey jirtaa in qofka uu qof uun isdhihi karo markuu qofkaas kaa soo horjeedo wuu ku dhibi karaa marka waxaan is leeyahay aniga Hiloowle ahaan Sinigaal, Shaash, Cabeey iyo Ceerow ayaan ku tilmaami karaa in ay ahaayeen cayaaryahano difaac ah oo aad u caqli badnaa markastana aan u soo fikiri jiray saan ku daba marayn lahaa. Ogaana in aan dhib kala kulmaayo.
Yaad jecleed marka aad garomada ku jirto in eey garbahaada ka cayaaran ?
Hiloowle: Waxaan ka xusi karaa cayaar yahanada aan jeclaa in eey garbaheyga ka cayaaran sida: Xasan Yare, Balaak iyo C/llaahi Moorgan.
Intii aad ku jirtay cayaaraha ma xasuusan kartaa safaro aad ku tak tay dalka dibadiisa adigoo naadi ah ama adigoo qaranka ah ?
Hiloowle: Waxaan ka xasuustaa ugu horeen anigoo naadi ah iyo anigoo qaran ahba wadamadii aan tagay waxa ka mid ahaa Ruwaanda, Nayjeeriya, Suudaan, Yaman, Sacuudiya, Tansaaniya, Jabuuti , Kenya iyo Yugaandha.
Safka hore Bidix ka biloow; Cumar calasow, Zakaria Baliile, Hilowle Gaab. Gadaal; Aajeelow, Baynax iyo Muriidi Abati
Qarankii Soomaliyeed ee 20 jirada 1987
Sida aan ogsoon nahay qof walba waxa uu xiiseeyaa cayaartooy ama macalin marka adiga hiloowle ahaan ma ii sheegi kartaa shaqsiga aad is leedahay Markey cayaarayaan ama macalin haduu yahay waan la dhacsanan jiray ?
Hiloowle: Markaan ku hor maro xagga cayaartoyda waxaan aad ula dhacsanaan jiray laacibiinta sida: Jeylaani Khaliif, Nuur Gaab, Cawad Cumar, Cumar Calasoow iyo Muriidi Abanuur Abati.
Dhanka macalimiinta waxaan dhihi karaa waa ka heli jiray macalin nimadooda sida: Axmed Neegaro, Giftin, Butiiste yare iyo macalin Ayuub raximahu laah.
Ma jiraan wax xil ah oo aad ka qabatay dhanka isboortiga intii aad cayaaraha ka fariisatay ?
Hiloowle: Ugu horeen waxan cayaaraha ka fadhiistay sanadii 1987-dii markii aan ka soo laabanay dalka Suudaan, kadib waxaan iska galay hoowlo aniga qaas ii ah, maadaama ey i soo dalbatay koox la oran jiray Al-hilaal balse taasi waxaa gaashaanka u daruuray oo ii diiday in eey warqadii ruqsada i siiyaan maamulka naadiga Wagad. Taasi oo igu beertay niyad jab culus, balse bur bukii ka dib ayaa waxaa lay magacaabay Gudoomiyaha Oliymbikada Degmada Afgooye oo aan ilaa iyo hada ahay.
Ugu danbeyn yaad halkaan jeceshahay in ad wax ka tiraahdo?
Hiloowle: Ugu horeen waxaan u mahad celinayaa website-ka kubadda oo mar walba jecel in uu ka faaloodo taariikhda isboortiga cayaar yahanadii dalka soo maray marka xigta waxaan lee yahay dhamaan bahda isboortiga iney ka dhaafaan qilaafka xagga isboortiga, waayo isboortiga waa midka kaliya ee lagu hor marin karo bulshada. Sababtoo ah wuxuu isku keenaa bulsho kala go'day. Waxaan kaloo halkaan ka salamayaa asxaabteyda dhamaan iyo bahdii isboortiga gaar ahaan macalimiinteydii i soo maray inta nool inta dhimatayna waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo.
Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii xiisaha lahaa ee aan la yeelanay Hiloowle Cumar Axmad (hilowle gaab). Waraysigeena kan ku xiga waxaan isna ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah xidigihii kubadda kolayga soo mara kuwoodii ugu magaca fiicnaa dalkeena sanadihii 70 meeyadii ilaa iyo 80 meeyadii kaas oo lagu magacaabo Ahmed Muuse Husein, oo u cayaaray macalina u soo noqday naadigii BATROOLKA . Waxaan filayaa in ay dad badani horay magaciisa ka garteen. Ha moogaanina dhawaan.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|