SHIR AY ISUGU YIMAADEEN GARSOORAYAASHA SOOMAALIYEED OO SHALAY MUQDISHO KA DHACAY
28 January 2008
Waxaa maalin nimadii shalay oo bishu ku beegnayd 27/01/2008 lagu qabtay xarunta Bisha Cas ee magaalada muqdisho Shir ay ka soo qayb galeen badankooda garsoorayaasha Soomaaliyeed ee Xamar ku sugan. Halkaas oo laysku af gartay laguna ansixiyay guddi mateli doona garsoorayaashaaas.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay garsoorayaal dhowr dabaqadood ku kala jiray sida kuwo ahaa heer caalami iyo kuwo aqoon durugsan u lahaa garsoorenimadda oo ay wehliyaan kuwa hada ku cusub garsoore nimada, ee hada dhex dhexaadiyo cayaaraha ka socdo dalka. Waxaana halkaasi looga hadlay, la isuna sheegay in laba arin ay muhiim u tahay in si dhaqsi ah wax looga qabto, kuwaas oo kala ah:
1. In gunno ama nafaqayn la mid ah midda ey qaataan garsoorayaalka wadamada aan jaarka nahay, loo helo garsoorayaalka Soomaaliyeed ee hada ku dhex shaqaynaya marxalada uu maanata dalku ku sugan yahay.
2. In guddi ku meel gaar ah oo maamulo loo sameeyo loona doorto gudoomiye.
Intaa kadib waxaa la gudo galay fikrad is waydaarsi iyo ka baaran degid aragtiyada kor ku xusan, waxaa laysku tuur tuuray oo lasoo bandhigay fikrado aad muhiim u ahaa oo badnaa.
Waxaase lays tusay in marxalada hadda lagu jiro, hadii larabo in la hormariyo aqoonta iyo nidaamka garsoore nimo ee dalka, in aan laga maarmin labada qodob ee kor ku xusun loona baahan yahay in la ansixiyo.
Kulanka ayaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah, kadibna waxaa hadalkii furay xaaji Yuusuf Maxamed Sheikh oo ahaa gudoomiye sharafeedka. Waxaa kaloo halkaa ka hadlay qaar ka mid ah gudiga oo uu u horeeyo Aweys Axmed Jimcaale (dhagacadde).
Xaaji Yuusuf Maxamed Sheikh iyo Aweys Axmed Jimcaale (dhagacadde)
|
Waxaa laysku raacay oo halkaas si ku meel gaar ah loogu caleema saaray garsoore Muxudiin Maxamuud Maxamed (faraqajaan) in uu noqdo gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee garsoorayaasha Soomaaliyeed.
Ugu danbeeyn, waxaa shirkii lagu soo gaba gabeeyay farxad iyo isfahan oo ay wehliso duco iyo Alle bari iyo in Illaahay la garab galo xilka gudiga maamulka garsoorayaashaan dusha laga saaray.
|
|
Muxudiin M M (faraqajaan) |
Waxaan sidoo kale u rajaynaynaa hadaan nahay bahda kubadda.com in xilka ay qaadeen garsoorayaashaan Eebe la garab galo. Howshoodana ka dhigo mid miro dhasho.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|