Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

NAAMIIBIYADII SHANTA GOOL MAROOKO KA DHALISAY OO AY REER GHANA DIRQI UGA BAXSADEEN

28 January 2008

Ghana 1 – 0 Namibia

Hal gool dhali ama toban, saddexdaada dhibcood waa laguu xisaabin. Mase ahan badis ay ku qanceen taageerayaasha shacabka martida loo yahay ee reer Ghana . Goolkii Junior Agogo, uu u dhaliyay daqiiqadii 40-aad ayay miciin bideen.

Damaashaadkii kooxda Ghana goolkii uu u dhaliyay Junior Agogo

Inkastoo Ghana ay hogaanka caawa u hayso group-ka A, oo ay labadii cayaar ay dheeshayba ay badisay oo ay u baahan tahay hal dhibic si ay ugu gudubto wareega quarter-finals-ka ah. Hadana waxaad moodaa in awoodooda in la dhaliilsan yahay.

Waxaana Qatar ugu filan hadii ay wareegaan koow ku dhamayn waayaan, in ay madaxa la galaan kooxda Ivory coast oo ah kooxda ugu cad cad tartankaan. Taasina waxay hakad gelin kartaa rajadii ay ka lahaayeen qaadista koobkaan gurigooda lagu qabanayo.

MASAR MAANKA MEEL FOG BEY KU HAYSAA

MASAR 3 – 0 SUDAN

Goolasha la kala dhaliyey ma sheegayaan xaqiiqadii cayaarta, balse waxaan hubaa in Suudaan si lixaad leh ayay isaga caabisay Masar waase ku guuldaraysatay in ay gool ka dhaliso Xulka qaranka Masar, sidaas awgeedna noqotay kooxdii ugu horeysay ee la hubo in aanay u gudbayn is araga dambe iyadoo ciyaari u dhiman tahay.

Daqiiqadii 29-aad ayaa goolhayaha Suudaan Elmuez Mugoub ku riday goolka hortiisa Hosny Abd Rabou isagaana dhaliyey rigooradii ama gool ku laadkii.

Waxaa kaloo sigay goosha laacibka lagu magacaabo ZIDAN daqiiqadii 55aad, waxaase goolkii saddexaad u dhaliyey Abu Tarik daqiiqadii 78aad markii ay jaanta isla heleen saddexda cayaartoy Amar Zaki oo soo dhigay Abu Tarik oo laadkii hore laga celiyey balse tii labaad goosha ku hubsaday.

Goolkii saddexaad Abd Rabou ayaa u dhigay Abu Tarik oo ka soo ordaya dhinaca biddix wuxuuna ka dhaliy meel ciriiri ah. Suudaan weerarkoodu ma lahayn qof hogaamiya oo la hubo dhalintiisa.

SOUTH AFRICA SHAQAA U TAAL KOOBKA ADUUNKA 2010

TUNISIA 3 – 1 SOUTH AFRICA

Macalinka Tunisia Roger Lemerre, ayaa kooxdiisa u soo diyaariyey una soo gubaabiyey si wax weyn ka bedeshay qaab ciyaaroodkooda. Inakasto laga filayey iney wacdaro muujiyaan lagama arag ciyaartii kowaad taasina waxay shaki gelisay taageerayaashooda.

Tunisia waxay ku bilawday ciyaarta wada cayaar, isu dhiib gaaban iyo mid dheer wexeyna qaybtii kowaad ka dhaliyeen 3 gool oo daran doori ah.

Qaybtii labaad ayay isa soo canaanteen xulka Konfurta Afrika waxayna ku bilaabeen dadaal xiig leh, weerar darandoori ah wexey ku qaadeen goolka Tunis hase yeeshee difaaca ayaa sutida u qabtay mana suurta gelin iney hore gool ka dhaliyaan. Waxaa daqiiqadihii74aad iyo 77 aad ay ka baxsadeen in gool ka dhasho. Weerarkii joogtada ahaa wuxuu daaliyey Koonfurta afrika wuxuuna kalsooni geliyey Tunis oo bilaabay iney haystaan oo isu dhiibaan. Dhamaad ku dhowaadkii cayaarta ayaa gool u shaki ku jirey dhaliyey Koonfurta Afrika.

MAROODIGII OO KU DUR-DURIYAY DABAGAALIHII

Ivory Coast 4 - 1 Benin

Jimcihii, taariikhdu ahayd 25ka ayay Ivory coast oo lagu tuhmayey iney ka mid tahay kooxaha ugu cad cad tartanka ayaan gabin halkii laga filaayey Markey si ba'an ugu dur duriyeen kooxdii qaranka Benin, una soo cadaatay usoo bixitaanka quarter-finals-ka.

Didier Drogba ayaa shabaqa ku riday goolkii kowaad, waxaana labeeyey ciyaartoyga Barcelona Yaya Toure dhamaadkii qaybta hore ee ciyaarta. Kader Keita ayaa dhaliyey goolkii saddexaad oo ku yimi khalad difaac daqiiqadii 52aad, kii Afraadna waxaa toban daqiiqadood ka dib hubiyey Aruna Dindane.

Ivory Coast kaftan ma gasho

Dadaalkii Benin wuxuu mira dhalay markuu Razak Omatoyossi gool maddaxa ku dhaliyey dhamaadkii ciyaarta, goolkan oo ahaa kii Labaad ee qaranka Benin ka dhaliyo intuu tartankan jiray.

Waxaa laga yaabaa in dad badani la yaaban yihiin hor u dhaca cinwaankayga, hadaadan horay u ogeen ogoow maanta qaranka Ivory Coast waxaa lagu naaneysaa Maroodiga kan Benin-na waxaa lagu naaneysaa Dabagaale.

MA RUNBAA MA RIYAA!! REER MAROOKO OO CELIN WAAYAY AWOODII KOOXDA GUINEA

Guinea 3 – 2 Morocco

Pascal Feindouno ayaa laba gool dhaliyey kadibna laga saaray cayaarta waxaase guushii raacday Guinea oo ka badisay Marooko 3-2 kulamadii qaybta A ee a dhacay habeenkii khamiista tartankii Koobka dadyowga Afrika 2008 (Africa Cup of Nations)

Cayaaryahanka reer Morocco Houcine Kharja oo u taag la' laacibka reer Guinea Pascal Feindouno

Guushan oo rajo u yeeleysa xulka Guinea markey hormareen daqiiqadii 11aad markuu Feindouno ku siray goolhayaha Marooko laad ama darbo loo dhigay dhanka bidix ee xariiqda 18ka mitir, taas oo sidii qaansadii ku soo godatay goolka.

In kasoo Youssef Hadji uu isku dayey inuu goolal dhaliyo waxaa u diiday goolhayaha Guinea oo goolkiisa aad u difaacay. Daqiiqadii 59 aad ayaa gool uu soo qurxiyey Feindouno shabaqa ku hubiyey Ismael Bangoura waxayna ku hormareen 2 iyo 0.

Morooko oo aan dadaal iyo farsamo ku yarayn ayaa daqiiqad gudaheed hantay goolkii kowaad oouu dhaliyey Hicham Aboucherouane dhanka bidix ka abaaray shabaqa goolka. Ciyaartoydii Guinea ma niyad jebin wexeyse ku hubsadeen gool saddexaad markuu Feindouno oo ahaa xiddiga kooxdiisa ka dhaliyey gool barta rigoorada markii dembi loo geystey Souleymane Youla oo weerar ah.

Feindouno ayaa si ula kac ah u laaday ciyaartoy kale waxaana la tusay kaarkii casaa.

Ciyaarta oo sii kululaatay markii Marooko ay soo gashay rajo uuna gool maddaxa ku dhaliyey Abdeslam Ouaddou. Ciyaarta oo sii karkartay ayaa Guinea hantiday guusha.

Hadii aan isku dayno sababta u keentay guuldarada Marooco waxaa la oran karaa in laga yare Itaal (strength) roonaa, taasina ay keentay in farsamadii itaal lagu maquunshay ciyaartiina lagu kala tagay 3 iyo 2.

KOOXDII NIGERIA OO MARI WAYDAY REER MALI

Nigeria 0 – 0 Mali

Xulka Nigeria ayaa sanadkaan si u il daran, weligood lama dhayalsan sanadkaanse waa la saluugay. Xulka Nayjeeriya maadaama laga badiyay cayaartii koowaad, waxaa xujo ugu filnayd say uga badin lahaayeen reer Mali ee uu hogaaminayo Kanuute.

Kala baqis tiro badan oo labada kooxba ku jirtay ayey labada kooxba ku guul daraysteen in ay kala adkaadaan, waxayna isku difaaceen si farsamo iyo caqli ku dheehan tahay, natiijaduse ma ahayn mid caawinayso rajadooda. Rajada xulka Nigeria ayaa ku xiran in ay badiyaan cayaarta danbe iyo waliba in xulka Mali laga adkaado. Mali-se xataa bar bardhac waa qancisaa soo bixitaankooda.

Cedric Kante oo ka diiday in uu Yakubu gool ka dhaliyo

Caawa oo ugu dambaysay is aragii labaad, waxaa soo kala cadaanaya rajada in kooxuhu u gudbaan tartanka qaybtiisa labaad oo ay isugu soo harayaan siddeed kooxood. Weli ma ahan hubaal kuwa gudbaya iyo kuwa haraya waxaase hubaal ah in cayaarta seddexaad ay kala bixi doonaan inta harayso iyo inta gudbayso.

Kubadda Afrika waxaa ka muuqda horumar taasna waxaa laga garanayaa tirade ciyaartoyda ka yimi tartamada kala duwan ee dunida, waxaana hubaal ah in kuwa kale oo badan sanadkaan ayaguna ku biiri doonaan cayaaryahanadaas.

Waxaase su'aal u baahan maxaa ku dhacay tababarayaashii reer Afrika ? Kooxaha badankoodu waxaa kuraasta macalin-nimada buuxiyay tababareyaal u dhashay galbeedka reer Yurub ( Western Europe ).

NATIIJADA

--------------------------------------------------------------------------------

Sabti, 26 January 2008

--------------------------------------------------------------------------------

Cameroon 5 - 1 (HT 3 - 0) Zambia

(Kameruun) (Sanbiya)

Geremi 28 Katongo 90

Job 32

Emana 44

Eto'o (pen) 66

Job 82

--------------------------------------------------------------------------------

Egypt 3 - 0 (HT 1 - 0) Sudan

(Masar) (Suudaan)

Abd Rabou (pen) 29

Aboutriaka 78

Aboutriaka 83

Bookings:

Fathallah 19

Zaki 32

Aboutriaka 79

Bookings:

Ali Elkhidir 26

Abdalla 28

Eldin Ahmed Gibril 43

Ali Idris Farah 73

--------------------------------------------------------------------------------

Jimco, 25 Janaayo 2008

--------------------------------------------------------------------------------

Ivory Coast 4 - 1 (HT 2 - 0) Benin

(Ifory Kost) (Beniin)

Drogba 40

Toure Yaya 44

Keita 53

Dindane 63

Omotoyossi 90

Bookings:

Kalou 33

Meite 36

Gervinho 88

Bookings:

Chrysostome 9

Sessegnon 52

--------------------------------------------------------------------------------

Nigeria 0 - 0 (HT 0 - 0) Mali

(Nayjeeriya) (Maali)

Bookings:

Olofinjana 38

Bookings:

Diarra 86  

SHAXDA KADIB MARKII AY KOOXUHU DHAMAAN DHEELEEN CAYAARTOODII LABBAAD

 

 Rank A

 Team

P

W

D

L

F

A

GD

PTS

1

flagGhana

2

2

0

0

3

1

2

6

2

flagMorocco

2

1

0

1

7

4

3

3

3

flagGuinea

2

1

0

1

4

4

0

3

4

flagNamibia

2

0

0

2

1

6

-5

0

 

 Rank B

 Team

P

W

D

L

F

A

GD

PTS

1

flagIvory Coast

2

2

0

0

5

1

4

6

2

flagMali

2

1

1

0

1

0

1

4

3

flagNigeria

2

0

1

1

0

1

-1

1

4

flagBenin

2

0

0

2

1

5

-4

0

 

 Rank C

 Team

P

W

D

L

F

A

GD

PTS

1

flagEgypt

2

2

0

0

7

2

5

6

2

flagCameroon

2

1

0

1

7

5

2

3

3

flagZambia

2

1

0

1

4

5

-1

3

4

flagSudan

2

0

0

2

0

6

-6

0

 

 Rank D

 Team

P

W

D

L

F

A

GD

PTS

1

flagTunisia

2

1

1

0

5

3

2

4

2

flagAngola

2

1

1

0

4

2

2

4

3

flagSenegal

2

0

1

1

3

5

-2

1

4

flagSouth Africa

2

0

1

1

2

4

-2

1

 

Waxaa soo diyaariyay: Hassan Farah John
Kubadda.com - Xarunta wayn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football