Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

GABDHAHA KUBADDA KOLAYGA HEEGAN Vs HORSEED

26 January 2008

Waxaa maalinimadii jimcaha dhexmartay cayaar aad u xiiso badneyd gabdhaha kooxaha Heegan Vs Horseed taas oo ka mid ahayd tartankii horiyaalka 24-aad ee gabdhaha dalka Soomaaliya. Kulankaas oo lagu qabtay garoonka Ex - Luujino ee degmada C/ Casiis ee magaalada Muqdisho.

Wiish, Janeral Moorgan, Axmed C.salaam, Qeybdiid, Roombo iyo marti sharaf kale oo tiro badan

MIISKA GARSOORAYAASHA

Daawashada cayaartaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax fara badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Axmed C/salaam, Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbada Koleyga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), ku xigeenkiisa Roombo, Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Jan. Maxamed Saciid Xersi (Moorgan), iyo qaar badan oo ka socday xiriirada kala duwan ee Isboortiga Soomaaliyeed.

GAROONKII LUUJINO OO KOR LAGA SOO SAWIRAY

GAROONKA OO BUUX DHAAFAY

Masraxa, maamulka iyo amaanka ayaa ahaa mid aad looga soo shaqeeyay. Cayaartaasi oo aheyd mid ey wada sugayeen dadweynaha reer muqdisho gaar ahaan kuwa xiiseeyo kubadda kolayga ayay labadan koox soo bandhigeen cayaar aad u xiiso gelisay dhamaan daawadayaashii soo buux dhaafiyay garoonka Ex - Luujino.

Cayaarta ayaad mooday in ay gabdhaha labada dhinacba ay isku awood dhigmeen, xagga fudeedka, farsamada iyo isfahanka kooxeedba. Inkastoon aysan suurto gal ahayn in labada kooxba guusha ay la wada hoydaan ayaa waxaa 49 - 48 si dirqi ah loogu awood sheegtay gabdhaha kooxda Heegan.

Taasi waxay wax wayn ka badeshay hamigii kooxda Heegan ee hanashada horiyaalka 24-aad oo haddii ay ka badin lahayd Horseed ay noqon lahayd horiyaalka 24-aad ee gabdhaha kubadda kolayga dalka Soomaaliya.

Cayaarta ayaa u muuqata mid isku celis u baahan maadaama labada kooxoodba ay isku dhibco noqdeen oo midba mar laga badiyay.

Maalinta talaadada soo socoto oo ay bishu ku beegan tahay 29-ka ayay mar kale cayaar kama danbays ah labada kooxood isaga hor imaan doonaan. Taasoo kooxdii ku guuleysata loo caleemo saari doono koobka horiyaalka 24-aad ee gabdhaha Kubadda Koleyga Soomaaliya.

Waxaa wax aad loogu farxo ahayd, hanaanka ay gabdhahaan cayaarayay u labisnaayeen taasoo dhaqan iyo anshax islaan nimo ka muuqatay. Waxayna soo jiidatay in hablo aad u tiro badan u soo daawasho tagaan kuwaas oo kun jeer ka tiro badanaa kuwii waagii berisamaadka cayaaraha daawan jiray.

MULKI NUUR MUUDEEY

Gabdhaha kooxda Heegan ee laga awood roonaaday ayaa waxaa ka dhex muuqatay oo waayo aragnimadeeda uga faaiidaysay gabadhii ahayd xidigtii hore ee kooxdii Jeenyo ama LL PP Mulki Nuur Muudeey oo hadii ay ka maqnaan laheyd ay cayaartu macno kale lahaan lahayd.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football