Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 08, 2010

NATIIJOOYINKII CAYAARAHA KOOBKA DADYOWGA AFRIKA OO GOOS GOOS AH

24 January 2008

Magaalada Accra ee dalka Ghana ee uu ka socday koobkii dadyoowga Afrika (African Cup of Nations) Cayaartiisii furitaanka oo ay kooxda Ghana kaga guulaysteen 2 – 1 kooxdii ka socotay Guinea, kadib ayaa maalintii labaad markii laysugu soo noqday goobihii ciyaareed, waxaa kooxdii Marooko la shir timid dardar lixaad leh wexeyna kaga nixiyeen kooxdii Namiibiya 5 gool iyo 1 gool. Dadka ciyaaraha ka faaloodaa wexey isweydiiyeen sidii ay ugu soo gudbeen heerkan kama dambaysta ah kooxdii Namiibiya.

Laacibkii reer Morocco, Alloudi Soufiane oo saddex gool kooxdiisa u dhaliyey daqiiqadihii 2aad, 5aad iyo 23aad,oo ay labada gool ee kalena u dhaliyeen Sektioui Tarik oo gool ku gan, ama rigoore ku dhaliyey goolkii afraad iyo Zarka Monsef oo bedel ku soo galay daqiiqadii 74-aad oo xirfad iyo awood shakhsi ku af jaray goolkii shanaad.

Dalka Namiibiya oo aan laga arag awood u dhiganta Marooko waxaa goolka keliya u dhaliyey Brendell Brain Guilbert oo intuu la dhaafay laba difaac ah gool aan wheel lahayn u dhaliyey kooxdii qarankiisa. Waxaa cayaartii ku dhamaatay Marooko 5 – 1 Namiibiya.

Kala horeynta qaybta A

Teams

P

W

D

L

GF

GA

Pts

Morocco

1

1

0

0

5

1

3

Ghana

1

1

0

0

2

1

3

Guinea

1

0

0

1

1

2

0

Namibia

1

0

0

1

1

5

0

Xeebtii Fool Maroodi ( Ivory Coast ) oo legeday Awoodii Nayjeeriya ( Nigeria )

Ivory Coast 1 – 0 Nigeria

Ilaa iyo intii la sameeyey isku aadka tartanka waxaa afka lagu hayey ciyaarta ay isku haleelayaan Naygeeriya oo taariikh dheer ku leh tartamada Afrika iyo Aduunka iyo Ifory Kost oo ah kooxda waaga cusub ee kubadda Afrika waxayna wacdaro ka dhigtay tartankii ugu dambeeyey ee koobkii Aduunka ee ka dhacay Jarmalka.

Laacibkii kooxda Chelsea ee Saloman Kalu, ayaa muujiyey awoodiisa ciyaareed markii ay kulmeen labadii kooxood ee la wada dhararayey kulankooda. Kooxaha ku jira qaybta B, (group B) oo arintani sii adkeyneyso mala awaalka kooxaha ka soo baxaya.

Xulka Nayjeeriya maadaama laga badiyay cayaartii koowaad, waxaa ku cakiran talo, “toloow seen uga badinaa askarta reer Mali ee uu hogaaminayo Kanuute” ?

Fedrik Kanute oo muujiyey sababta uu u hantay in loo magacaabo ciyaartoyga Afrika. Kanute oo hadda u cayaara kooxda Sefila (Sevilla) wuxuu khalkhal gelinayey difaaca Benin . Kanute wuxuu dhaliyey gool rigoora (penelty) ah daqiiqadii 48 aad, markii ciyaartoyga ugu da'da weyn tartanka Alain Gaspoz oo 38 sano jir ah, khalad ku galay Dramane Traore .

GO'AANADII ISNIINTA 21/01/2008

Morooko 5 -1 Namibiya (goolasha: MAR: Alloudi 2', 5', 28', Sektioui 39' pen, Zerka 74'; NAM : Brendell 23')

Ivory Coast 1 - 0 Nigeria (goolasha: CIV: Kalou 66')

Benin 0 - 1 Mali 1 (MLI: Kanoute 49' pen)

GOOLKII ISNIINTA

Salomon Kalou ayaa kubadda ka soo qaatay meel u jirta goolka 35 mitir markaasuu la soo dhaafay kow, laba iyo mid saddexaad oo ah difaaca Niyjeeriya kadibna ka abaaray goolhayaha Austn EJIDE meel aanu gaarin.

Salomon Kalou

CIYAARTOYGII ISNIINTA UGU FIICNAA

Soufiane Alloudi in kastoo cayaarta dhamaadkeeda la badalay dhaawac gaaray aawgiis, balse intuu garoonka ku jiray waa la arkay wuxuu kooxda ku soo kordhin karo.

Daafaca kooxaha kale ee tartankaana waa ka foojignaan doonaan saddexdii gool ee daraandooriga ahayd ee uu ka dhaliyey kooxdii qaranka Namiibiya.

Soufiane Alloudi

Kala horeynta qaybta B

Teams

P

W

D

L

GF

GA

Pts

Ivory Coast

1

1

0

0

1

0

3

Mali

1

1

0

0

1

0

3

Nigeria

1

0

0

1

0

1

0

Benin

1

0

0

1

0

0

0

MASAR OO MUUJISAY INEY WELI HORIYAAL TAHAY

MASAR 4 – 2 KAMERUUN

Qaranka dalka Masar oo la shir yimi awood, kalsooni iyo doonis Guul, taas oo ay ku muujiyeen ciyaartii ay la kulmeen xulka Kameruun ( Cameroon ).

Maxamed ZIDAN iyo Xusni Cabdi RABU oo midkiiba dhaliyey laba gool ayaa Masar guusha ku raacday 4-2.

Laacibka reer Masar Abdel Wahed Moawad oo kubadda ka kor qaadaya Geremi Njitap-ga reer Camaroon

Masar oo ku dhalisay goolkii ugu horeeyey rigoore ama gool ku gan, markuu Andre BIKEY gacanta ku taabtay daqiiqadii 14aad, Zidan ayaa labeeyey saddex daqiiqo ka dib, oo saddexeeyey dhamaadkii ciyaarta qaybteedii hore. Laacibka kooxda Barcelona Eto ayaa goolkii kowaad u saxiixay daqiiqadii 51-aad, mid labaadna la gefay 12 daqiiqadood kadib. Dardartii Kameruun waxay shiiqday markuu Abdi RABU goolkii quusta ka dhaliyey daqiiqadii 82-aad. Masar ayaa cayaarta aad ugu gacan sareeysay cayaartan.

SAAMBIYA 3 – 0 SUUDAAN

Saambiya ayaa ugu sara martay qaybta C markay ka dhalisay saddex gool oon jawaab lahayn. Suudaan oo ka maqnayd garoomada libaaxyada laba iyo soddon sanadood ayaa u adkaysan weydey weerarka Saambiya. Ciyaartan oo lagu qabtay garoonka Baba Yara ee ku yaala Kumasi . Xulka Saambiya oo lagu naanayso Jibolobolos (Chipolopolos) waxay dhaliyeen saddex daqiiqadood markii ciyaartu socotay goolkii kowaad waxaa dhaliyey James CHAMANGA, lix daqiiqadoo ka hor dhamaadkii qaybta kowaad waxaa waxaa labeeyey Jacob MULENGA oo maddaxa ku dhaliyey.

In kastoo qaybtii danbe ee cayaarta Suudaan ka soo roonaatay sidii hore sigtayna goolka Saambiya waxaa niyadu ka jabtay markii kubad ka soo noqotay goolhayaha Suudaan si fuduna uu u dhaliyey Felix KATONGO. Mar mar waxaa la moodayey in Suudaan la'dahay waaya aragnimo heerka tartankan ah. Waayo waxay horay ugu soo guulaysatay tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee dhawaanta lagu qabtay dalka Tanzania . Marka waxaan dhihi karaa kuma aaney yarayn dadaal, qiiro iyo diyaar garow.

SENIGAAL 2 – 2 TUUNIS

Cayaarihii maalinta arbacada ee ay ku kulmeen Tunisia iyo Senegaal ayaa ku dhamaatay barbaro 2 iyo 2. Ciyaarta oo la oran karo in Senigaal lumisay dhibco, halka Tuniisiya ay ku sigatay guul daro. Tuunis oo ku hormartay gool uu dhaliyay Issam Jooma, waxaa markiiba barbaro ka dhigay Mustafa Sall, dhamaadkii qaybta hore. Senegaal oo dardar ku qaaday Tuunis ayaa waxaa gool labaad u dhaliyey Senigaal Diomansy Kamara daqiiqadii 66aad. Tuunis waxay ka badbaaday guul daro daqiiqadii 83aad markii Mejdi Traoui si xirfad leh ku dhaliyey goolkii barbardhaca.

Koonfurta Afrika ( SOUTH AFRICA ) oo ku hakisay Angoola ( ANGOLA )

SOUTH AFRICA 1 – 1 ANGOLA

Himiladii guusha Angola markey ku hormareen goolkii MANUCHO waxaa hakiyey goolkii Konfurta Africa uu u dhaliyey ElrioVan HEERDEN. Ciyaarta oo aad u madadaala badnayd garoonkana uu buuxiyey sawaxanka iyo codadka taageerayaasha laba dal wexey ahayd mid miisaaman oo weerar iyo weerar celin ah. Waxaa la oran karaa in barbar dhaca labadan kooxood ahayd mid cadaalad ah.

Hadaba waxaa halkaas ku soo gabagaboobay oo ay koox kasta cayaartay cayaartii koowaad ee Tartankii kubadda cagta ee ka socday dalka Ghana . Waxaad moodaa in aragti laga qaatay cayaaraha ilaa iyo hada dhacay, kooxaha tartanka u soo baxay ayaa waxaa la mala awaalayaa ama la malaynayaa sida kooxahu u kala awood badanyihiin.

Kooxda martida loo yahay ee reer Ghana, ayaa la moodaa in lagu tilmaamo kooxaha la is leeyahay waa u badan tahay in ay koobkaan qaadaan, kooxaha Masar, Mali, Marocco, Ivory Coast iyo Nijeriya ayaa iyagana la dhayalsan karin kartidooda.

Xataa qaar ka mid ah cayaaryahanada u cayaara qaarada ayaa saadaaliyay sida Michael Essien oo u cayaara dalka Ghana, ayaa sheegay in uu filayo in ay cayaarta kama danbaynta ah ay wada kulmi doonaan ayaga iyo kooxda uu u cayaaro cayaaryahanka ay isku kooxda ka yihiin Ingriiska ee Chelsea ee lagu magacaabo Didier Drogba oo hada u safan dalka Ivory Coast. Waa iska mala awaal, waase la arki doonaa sida jawigu isku bedelo marka ay koox walba ilaa iyo saddex cayaar dheesho.

Michael Essien iyo Didier Drogba

Waxaa soo diyaariyay: Hassan Farah John
Kubadda.com - Xarunta wayn ee London

 

 

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football