XAFLAD LOOGU MAGACDARAY ISDHEX GALKA CAYAARYAHANADA NAADIGA ELMAN & CAYAARTOOYDII HORE
21 January 2008
Xaflad loogu magacdaray is dhex galka naadiga Elman iyo cayaartoydii hore ee qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay xarunta naadiga Elman ee magaalada muqdisho maalin nimadii jimcaha taariikhduna ku beegneyd 18/01/2008.
Xafladaasi oo aheyd xaflad qado sharaf ah ayaa waxaa soo agaasimay maamulka naadiga Elman, ayadoo halkaasi ey isugu yimaadeen maamulka iyo dhalinyarada hada u cayaara naadiga iyo xarfaantii caanka ku ahaan jiray cayaarihii kala duwanaa sida kubadda cagta iyo midda koleyga.
Jeylaani Khaliif, Joorje iyo Akookow
Goolhayaha Qaranka hada Bakiya, kii hore Jeylaani Khaliif, Gaduudoow iyo Awees Wiinkeey
Ka soo qeyb galayaashii xafladaasi waxaa ka mid ahaa cayaartooy kala duwan oo qaarkood garoomada isu faaruqiyay kuwaas oo u cayaari jiray naadiga Elman. Dhanka laacibiintii hore waxaan ka xusi karnaa sida Jeylaani Qaliif oo ahaa goolhayihii xulka qaranka Soomaaliyeed iyo naadigii Horsed, goolhayihii kooxda Badda Joorje, Muxudiin Jabaan, C/casiis Kuluu, Jaamac Juuma iyo rug cadaagii kubadda koleyga Cali Xamari.
Waxaa kaloo ka mid ahaa aqyaarta halkaas iskugu timid laacibiintii garoomada u faaruqiyay da'yarta hada dheesha oo aan ka xusi karno sida Cismaaciil Malaaq Abuukar (Sinigaal) oo mar u cayaaray naadiga Elman.
Sinigaal wuxuu ahaa xarfaantii caanka ku ahayd waqtigii barisamaadka naadgii Batroolka bur burki kadibna ka mid noqday laacibiintii Elman, ahaana kabtankii ugu horeeyay ee hanto asoo xanbaarsan magaca Elman koobkii horiyaalka.
|
|
Cismaaciil Malaaq Abuukar Sinigaal
|
Sidoo kale waxaa kamid ahaa xarfaantaas funaanada naadiga gashtay, oo hada garoomada isaga baxay sida: Cali Kuuriyo, Yaasiimoow, Dacayeey, Maxamed Carab, Xasan Shuute, Maxamuud Gureey, Jabra, Cumar Akiila, Janaayo, Makaraan, Maxamed Arab iyo xarfaan kale.
Xafladaan oo aheyd mid qado sharaf ah ayaa ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay xoghayaha naadiga Elman Awees Cali Wiinkeey, oo ku nuux nuuxsaday in ey Elman waayo arag nimo iyo talosiinba ka rabto xarfaantii hore ee caanka ku ahaa kubadda cagta iyo kolaygaba asagoo intaas raaciyay in naadiga Elman ey sanadaan ku talaabsan doonto horumar la taaban karo, asagoo sheegay in ey ku soo biiriyeen naadiga kooxo heerar kala duwan side heerka labaad iyo kan sadaxaad oo eysan horay u lahaan jirin kooxda.
xoghayaha naadiga elman awees cali wiinkeey
Sidoo kale waxaa halkaasi goob joog ka ahaa oo asagana qudbad kasoo jeediyay aas asahii labaad ee naadiga marka laga soo tago Allaha u naxariistee marxuum Elman oo inta badan ahaa ninkii horumarka ey maanta ku tilaabsatay naadiga Elman gaarsiiyay waa mudane C/rashiid Xaaji, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha boorka naadiga elman mudane C/laahi Ibraahin Waasuge (Dr Ganeey) sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka naadiga Elman dhanka farsamada Muxudiin Jabaan iyo kabtankii hore ee naadiga Elman Cismaaciil Malaaq Abuukar Sinigaal, waxaa ku hadlay magacii laacibiintii hore Jeylaani Qaliif oo u taagnaa dhanka kubadda cagta iyo Cali Xamari oo ahaa dhanka kubadda kolayga balse arinta xusidda mudan oo aan marna la ilobi kari ayaa ahayd in Cali Xamari qudbadiisa ey aheyd mid qiiro wadato, oo raggii halkaasi isugu yimid ku wada beertay calool xumo. Taariikh dheer ka dib markuu gocday waayo waayo asagoo sheegay in uu ahaa ragii ugu horeeyay ee geeyo calanka Soomaaliyeed dalka Maser.
 |
Intaas kadib waxaa suuro gal u noqon weysay rugcadaa Cali Xamari in uu sii wato qudbadiisa sabab qiiro aawgeed balse lagu sabarsiiyay in dib loo heli doono mid tii uu soo maray la mid ah.
Cayaartooydii Hore
Laacibiintii hore
Cali Xamari oo ducaynayo
Gabagabadii xafladda ayaa waxaa funaanado astaanta Elman ku daabacan la gudoonsiiyay laacibiintii hore iyo kuwii garoomada ka fariistay ee u cayaari jiray naadiga Elman. Xafladda ayaa aheyd mid jawi heer sare iyo farxad oo duco wehliso ku soo gaba gaboowday.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|