Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

KOOXDA GHANA OO GUUL FARXAD LEH KU BILOOWDAY KOOBKA DADYOOWGA AFRIKA EE KA FURMAY GURIGOODA SHALAY

21 January 2008

In kastoo uu koobkani farxad gelinaynin dadyoowga reer Eurupe oo ay kooxahoodu ka cayaaraan qaar ka mid ah cayaar yahanada reer Afrika, ayaa waxay shalay oo bishu ahayd 20/01/2008 u ahayd reer Afrika farxad aan la soo koobi Karin.

Magaalada Accra ee dalka Ghana gebi ahaan shalay maahayn goob nasasho waxaa meel walba laga maqlayay qaylo iyo sawaxan farxadi ku dheehan tahay. Waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah tii ugu wanaagsaneed xafaladihii hada ka hor loo dhigay koobkaan dadyoowga Afrika (African Cup of Nations).

Qaar ka mid ahaa taageerayaasha reer Ghana ayaa gebi ahaan korkooda ku soo xardhaday qad midabada gaduud, jaale iyo cagaar ka koobnayd, farshaxankaas oo ay ku muujinayeen astaanta calanka dalkooda, meesha kuwo kalena ay wateen madaxduubyo sumado kala duwan leh.

Taageerayaal xafladdii furitaanka

Cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ayaa gebi ahaanba magaalada ilaa iyo garoonka Ohene Djan stadium busteedii xeen daabtay. Taageerayaasha ka kala socday 16-ka wadan ee ku looltamayay koobkaan ayaa dhamaan lulayay calamo, qoobkana ka cayaarayay si aan kala go' lahayn ayagoo afuufayay siiri iyo foori laysku daray, wadan walbana uu watay dhar bilicdiisa aad looga soo shaqeeyay oo ayna indhihu ka nibirsanaynin.

Taageerayaasha reer Ghana Taageerayaasha Ghana

Xafladii furitaanka ka dib ayaa waxaa cayaartii furitaanka fooda is gelshay kooxdii martida loo ahaa ee reer Ghana iyo kooxdii ka socotay dalka Guinea .

Kooxda reer Ghana oo hada ka hor Afar mar ku guulaysatay koobkaan ayaa soo bandhigtay cayaar aad u qancisey dadwaynihii ka soo qaybgalay daawashadeeda iyo kuwii Tv-yada dacalada adduunka ka daawanayay in kastoo ay kooxdii dalka Guinea ay iyana dab yar shidaynin.

Inkastoon qaybtii hore ee cayaarta aan goolal la kala dhalin hadana kooxda reer Ghana waxay heleen fursado aad u badan waloow ay seddax mar birta ku dhufteen kubadda hadana uma suurto gelin in ay hogaanka u qabtaan qaybtii hore ee cayaarta.

Qaybtii danbe markii laysku soo laabtay ayey reer Ghana heleen rigoore una dhaliayay laacibka Asamoah Gyan daqiiqadii 54-aad balse ma sii xajisanin guushoodii waxaa iyagana gool jawaab celin ah ka xareeyay daqiiqadii 64-aad laacibka lagu magacaabo Oumar Kalabane.

Weerar iyo weerar celis labada koox ay is dhaafsanayeen kadib ayaa dhamaadkii cayaarta waxaa nasiib mar labaad u helay in ay hogaanka u qabtaan hadana kooxdii martida loo ahaa ee reer Ghana taas oo uu gool u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Sulley Muntari, daqiiqadii 90-aad, halkaas oo ay kaga guulaysteen 2 – 1 kooxdii ka socotay Guinea .

Madaxwaynaha dalka Ghana John Agyekum Kufuor iyo Guddoomiyaha CAF Issa Hayatou oo uu wehliyo FIFA chief Sepp Blatter iyo Guddoomiyaha UEFA Michel Platini ayaa ka mid ahaa daawadayaashii 40.000 (Afartanka kun) kor u dhaafay ee buux dhaafiyay garoonka Ohene Djan stadium, nasiibkana u yeeshay daawashada xafladii furitaanka (African Cup of Nations) iyo kulankii cayaareed.

Cayaarta labaad ayaa maanta kooxda dalka Morocco la yeelan doontaa kooxda dalka Namibia oo ka socoto group-ka kale.

Waxaa soo diyaariyay: M. Sheikh (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football