Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

WAFDI KA SOCDO XIRIIRKA SOOMAALIYEED EE KUBADDA CAGTA OO U SOCDAALAY DALKA GHANA

14 January 2008

Waxaa dhawaan magaalada muqdisho ka ambabaxay qaar ka tirsan madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayagoo ku sii jeedo dalka Ghana magaala madaxdiisa Accra, kadib mar eey martiqaad toos ah ka heleen maamulka CAF oo ku howlan qabanqaabada sanadkaan Africa Cup of Nations ee lagu qaban doono dalka Ghana.

Wafdiga ka ambabaxay magaalada muqdisho ee ka socdo xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa waxey kala ahaayeen gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Saciid Maxamuud Nuur (saciid mugaanbe) iyo xoghayaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab.

Wafdigaan ayaa lagu wadaa in eey ka mid noqdaan madaxda qaarada Afrika ee ka qeyb gali doonto koobka qaarada afrika oo dhawaan lagu wado in uu si toos ah uga furmo dalka Ghana.

Dhanka kale mar uu gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta Saciid Maxamuud Nuur (saciid mugaanbe) uu ka sii baxayay garoonka diyaaradaha muqdisho ayuu u sheegay wariyaha website-ka kubadda.com in uu dhawaan marka uu ka soo laabto safarkan ey madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta qorsho sanadeedkooda ugu horeeyo uu noqon doono qabashada cayaaraha Gobolada oo in mudo ah aanan la qaban, balse ay ku hanwayn yihiin in ay qabtaan sanadkaan.

Saciid Mugaanbe

Wixii faah faahin ah oo ku saabsan qabashada cayaaraha gobalada dib ayaan idinkaga soo sheegi doonnaa iyo qaabka eey noqoto qaban qaabada iyo tabaabushaha koobka cayaaraha gobalada haduu Eebe yiraahdo.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football