Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

KOOXDA TIGERS OO KU GUULAYSATAY KOOBKII XILIGA QABOOBAHA EE GOBALKA MINNESOTA

13 January 2008

Waxaa xalay oo bishu ahayd 12/01/2008 maalin Sabti ah, la soo gabagabeeyay tartankii muddada dheer ka socday magaalada Minneaplis ee Minnesota , oo ahaa tartan loogu magac daray (Minnesota Winter Soccer League). Tartankaan ayaa waxaa cayaartii kama danbaynta ahayd (finalka) isugu soo baxay kooxaha Tigers iyo Twin Cities oo loo soo gaabiyo (TC).

Cayaartaan tii ka horaysay ee Semi final-ka, ayay kooxda TC afka ciida u soogalisay kooxdii Cedar Stars ayagoo kaga badiyay 2-0. Dhanka kale kooxda Tigers ayaa iyana waxay ka soo badiyeen kooxdii hada ka hor ku guulaysatay 2007 horiyaalkii koobkii bishii Ramadaan eeVia Roma, kuna sagootiyeen 3-2.

kooxda Tigers

Horaa loo yiri “fardo laysku hayo, maxaa layskugu faanaa”. Waxaa garoonka looga kala baxay labadii kooxood ee mutaystay in ay Finalka wada cayaaraan. Habeenku waa sabti garoonkuna waa Burnsville soccer Fields, saacadu waa 11:30 pm waxaa durbadiiba soo buux dhaafiyay fadhiga garoonka taageerayaal u kala qeylinaayay labada kooxood waxay ku kaftamaayeen guusha waxaa caawa iska leh TC, halka ay kuwa kale lahaayeen walee Tigers lagama qaado.

Waxaan dib u soo xasuustay garoonkii Stadium Mogdisho oo markii ay cayaarta dhamaato kadib taageerayaasha isugu soo hooban jireen Shaneemadii Banaadir oo ay dib uga falanqeen jireen cayaartii dhacday.

Waxaa firinbigii ku dhuftay siiriwalihii u dhashay wadanka Masar ( Egypt ). Durbadiiba waxaa jaanta isla helay kooxdii Tigers oo ay u suurto gashay in ay ku hormaraan goolkii ugu horeeyay. Balse kooxda TC oo ahayd koox aan ka yareysan ayaa iyana waxay soo bandhigtay cayaar aad u wanaagsan..

Labadda koox ayaa waxay la soo baxeen farsamo cayaareed aad u heer saraysay, qaasatan kooxda Tigers ayaa waxay soo bandhigtay cayaar raaligelisay dhamaan dadkii daawanayay oo aad iyo aad ugu riyaaqey ciyaar wanaagooda.

Waxaase xusid mudan in cayaartoyda kooxda TC ay ahaayeen cayaartoy aad iy aad uga da'yaraa marka loo fiiriyo kooxda Tigers, dadooduna waxay u dhaxaysay 16-22 jir, iyadoo ay saas tahay ayay hadana waxay ku guulaysteen in loo qiro in ay ahaayeen cayaartoydii ugu aqlaaqda wanaagsanaa inta uu tartanka socday. Nasiib xumo waxaa kooxda TC loogu awood sheegtay 6-1 gool, oo ay koobkii ku hanteen kooxdii Tigers.

Macalinka kooxda TC macalin Carab, ayaa wuxuu noo sheegay in uu kooxdii hore ee TC u dheeli jirtay, maadaama ay cuslaatay in aan kala dirnay, hadana aan diyaarin ugu jirno kooxdaan da'da yar, mana filayn in ay isla sanadkaan imaan karaan Final, waana wax lagu farxo. Waxaanse balan qaadayaa in mustaqbalka ay guulo la taaban karo ka keeni doonaan tartamadaan, oo aan jeclahay tartanka ugu soo horeeyo ee la qaban doono Summerka ayagoo si fiican isku sii cayaar bartay in ay u soo xaadiraan.

Dadaalka macalin Carab, wuxuu ku mutaystay in la gudoon siiyay Bilad ah, macalinkii ugu fiicnaa (the best coach) koobkii Qaboobaha gobalka Minnesota ( minnesota winter soccer League).

Halka goolhayihii ugu fiicnaa tartanka (the best goalkeeper) la siiyay Abdifataax oo ka sacday kooxda Cedar Stars. Sidoo kale cayaaryahanka ugu cayaar wanaagsanaa cayaartii finalka (player of the field) waxaa la siiyay Mustafa oo ka tirsanaa kooxdii Tigers. Halka la siiyay Ali Baskuwaale Cayaaryahankii ugu cayaar wanaagsanaa intuu tartanka socday (Player of the Tournament).

Waxaa kaloo xusid mudan cayaartoydii ugu fiicnaa kooxda hanatay koobka ee Tigers sida: Diini, Omar yare, Ato , AK , Caanoboore, Mustafa, Jaamac, khaldaan, faysal, Wadaadka iyo Kanu oo ah kabtanka kooxda, waxaana tababare u ahaa macalin si aad iyo aad ah qibrad ugu leh Isbortiska laguna magacaabo Maciln Xarbi.

Maciln Xarbi, waa macalin muctarif ka ah dalka Jabuuti, wuxuuna ka tirsanaan jiray xulkii qaranka ee dowladda Jabuuti. Waxaa kooxdan Tigers maalgeliyay Biixi.

Filim qaade Zakaria

Maamulka Tartanka ayaa wuxuu u mahad celinayaa dhamaan kooxihii ka soo qayb galay tartanka, taageerayaashii waqtigooda u soo lumin jiray in ay kor u qaadaan bilicda garoonka. Shabakadaha websiteyada markasta u heelanaa baahinta tartankaan sida kubadda.com, somali-youth.org iyoBahda Somali media oo kaalin la taaban karo ka qaadatay diiwaan gelinta cayaaraha da'yarta Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku sugan.

Waxaana sidoo kale mahad aan la koobi karin mudan dhamaan intii soo qabanqaabisay koobkii Qaboobaha gobalka Minnesota (Minnesota Winter Soccer League) kuna dadaalay in uu si sharaf leh ku dhamaado.

Somali media
zakihaji@yahoo.com
Minneaplis. MN

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football