Skip Repetitive Navigational Links

Saturday, July 05, 2008

MARION JONES OO XABSI LIX BILOOD AH LAGU XUKUMAY

12 January 2008

Maxkamada WHITE PLAINS, ee ku taala dalka New York , ayaa Marion Jones ku xukuntay Jimcihii shalay ahaa ganaax dhan Lix bilood, in ay ku soo qaadato xabsiga. Kadib mar ay inkirtay in ay isticmaashay drugs-ka magaciisa la yiraahdo Steroids iyo iyadoo xataa ka beensheegtay, baaritaankii laga qaaday sanadihii 2000 iyo 2001.

Marion Jones, ayaa markii xukunka ku dhacay iyadoo ooynayso muujisay in ay aad ugu adag tahay in laga dhex wado reerkeeda, siiba labadeeda caruur qaasatan wiilka yare ee sabiga ah oo weli naas nuugga ku jiro. Inkastoo mudada ay xabsiga ku jirayso ay gaaban tahay, hadana waxay u aragtay in ay ka maarmi karin caruurteeda.

MARION JONES OO TIIRAANYO KA MUUQATO

“waxaan idin ka codsanayaa anoo og in aad naxariis badan tihiin in aad tix gelin fiican siisaan xaalada maanta aan ku suganahay oo aad iga qafiifisaan xariga” ayay ku tiri Marion Jones garyaqaanadii iyadoo haysato garabka saygeedii.

Waxaa sharaf ka dhac ugu filan Marion Jones iyadoo mar ahayd horseedka Olympic-kada aduunka in maanta lagu xukumo in ay iska xaadiriso xabsi bisha Maarso 11keeda.

Garsooraha dacwadeeda qaadayay Kenneth Karas, ee ka socday maxkamad ku tiilay dalka Maraykanka ayaa yiri “waxaan siin doonaa mudnaan gaar ah codsigeeda una diri doono maamulka ciyaaraha fudud (athletes) kuwaas oo ayaga ku soo xukumay in ay isticmaashay drugs-ka. Anoo filaayo in ay fiirin doonaan qiimihii wanaagsanaa ee eey ku lahayd Isboortiska dhexdiisa, dadaalkii badnaa eey ka dhex muujin jirtay Qaranka iyo magacii qaaska ahaa ay ku lahayd cayaaraha”.

Wuxuu kaloo raaciyay garyaqaan Karas, “cayaaryahanada sidoodaba waxay mar kor u qaadaan sumcada Qaranka, maaweeliyaan ummadda, ku booriyaan da'yarta wanaag waxayna u noqdaan da'yarta (role models) kuwo lagu daydo”.

Orodyahanad-daan 31-jirka ah, waxaa kaloo loo soo jeediyay markay xabsiga ka soo baxdo in ay mari doonto xukun labo sano ah oo loogu bedeli karo hadii ay muujiso daacadnimo 800 saacadood oo ay u shaqayn doonto jaaliyadda ay ku dhex nooshahay (community service).

Taasoo uu yiri garsoore Kenneth Karas, waxaa ka faaidaysan doono shaqada Marion Jones oo ay fursad iyo waayo aragnimo u tahay da'yarta ku dhaqan magaaladaan.

Xukunkani wuxuu maqaarsiib ku noqday gabadhani oo mar ahayd gabadha ugu caansan Adduunka, gabdhaha ka qayb gala tartamada cayaaraha fudud.

Hadaan dib u jaleecno tartankii Olympics-ka ee 2000 lagu qabtay magaalada Sydney , Marion Jones waxay ku guulaysatay saddex biladood oo dahab ah , iyo labo bronze ah.

MARION JONES IYO SHANTII BILADOOD AY KU GUULAYSATAY

Inkastoo ay mudo dheer ka caga jiiday in ay qirato in halgankeedii ay biladaha faraha badan ku qaaday ay u isticmaashay muqaadaraad, hadana waa ka fursan wayday in ay runta iska sheegto.

Bishii Oktoober ee sanadkii hore ayay qiratay in ay been u sheegi jirtay gudigii baaritaanka. Beenteeda waxaa ugu danbaysay tii ay bishii November 2003 kutaab gacanta u saartay in aynan wax daraagis ah weligeed nolosheeda qaadan.

Balse hada u cadaysay in ay run ahayd in ay qaadatay drugiska EPO oo koriya hormonayaasha biniaadanka iyo THG oo iyadana cirbad ahaan la isugu duro, kaas oo ay hada ka hor ku inkirtay mar maxkamada ay soo hor dhigeen cadaymo arinkaan ku saabsan, gudiga kabaaritaanka drugiska cayaaryahanada, ee loo yaqaan BALCO (Bay Area Laboratory Co-Operative) sanadihii 2000 iyo 2001.

Waxay kaloo qiratay, inkiraadii ay horay u inkirtay in ay wax ka ogeyd dacwadii lagu haystay Tim Montgomery, oo ahaa Aabaha wiilkeeda roon oo lagu magacaabo Monty, kaas oo lagu haystay in uu ku lug lahaa in uu sariftay, lacag lagu qiyaasay malaayiin doolar ah oo laga sarifay jeegag la soo xaday. Dacwadaas oo hada ka hor Montgomery iyo dhowr kale lagu xukumay qiyaanadaas ay sameeyeen.

Gudoomiyaha USA Track & Field Mr. Bill Roe, ayaa wax uu qaadan waayo ku noqotay in qaar ka mid ah kuwii ugu magaca dheeraa cayaaryahanada adduunka ay lug ku yeeshaan facshiradaan qaadashada muqaadaraadka iyo inkirideeda oo ay weli u sii wehliso (foorjari) beenabuur.

Mr. Bill Roe, bayaan cad (statement) oo uu soo saaray ayuu ku cadeeyay “in xataa dabagal uu ku samayn doonaa mushaar kordhiskii ay ku mutaysteen guulihii ay waagaas soo hooyeen cayaaryahanadaas”.

Markii ay qiratay danbigaan bishii Oktoober ee sanadkii hore, Marion Jones waxay raali gelin maxkamadda hoteeda uga soo jeedisay Mr. Bill Roe, iyadoo tiiraanyo ka muuqato oo iska tir tiraysa ilmada indhaheeda ka dareertay ayay tiri “waa wax aad looga yax yaxo in aan maanta ku soo hor istaago kuuna sheego in aan meel wayn uga dhacay aaminaadii aad I aamintay.”

"Waxaan hubaa in aan meel uga dhacay daacadnimadaadii, xaq ayaadna u leedahay in aad iga xanaaqdo,” waxayna kaloo u raacisay “waxaan meel wayn uga dhacay familkayga, waxaan meel uga dhacay dalkayga iyo nafsadaydaba… Waxaan kaa codsanayaa in aad iska iloowdid qaladkii aan kaa galay oo aad fadlan I cafisid.”

Marion Jones waxay dhamaan soo celisay biladihii ay ku guulaysatay tartankii Olympic-ga sedexdii bilad dahabka ahaa oo ay ku kala guulaysatay orodada 100 meter iyo 200 meter iyo weliba 1,600-meter (relay) qori isku dhiibka iyo biladihii kale ee bronze-ga ahaa oo ay ayana ku guulaysatay tii boodada dheer iyo 400-meter qori isku dhiibka. Dhamaan biladahaan waxay garatay in ay soo celiso intii aynan ku amrin gudiga Olympic-ada Caalamka, kuwaasoo horay uga tiray diiwaanka ay guulahaas ka gaartay tartankii Olympic-ada Adduunka.

Steve Riddick

Shalay galab waxaa kaloo uu ganaaxay garyaqaan Karas, macalinkii Marion Jones waday tartankii Olympic-ada ee magaciisu ahaa Steve Riddick, kaasoo asna ka beensheegay baaritaankii Marion Jones, kuna adkaystay in aynan wax drugis ah aysan qaadan.

Marion Jones waxay tiri "horumarka aan ka gaaray cayaaraha iyo xamaasadaydii weligood waa xasuusnaan doonaan reerkayga, mana dheera marka ay caruurtayda I su'aali doonaan noloshaydii iyo taariikhda I soo martay, ee ku salaysan arintaan, waana uga run sheegi doonaa. Si ay uga badbaadaan qaladkii aan aniga sameeyay.”

Waxaa soo diyaariyay: M. Sheikh (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football