Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

DARIISHADA CAYAARTOOY KALA GADASHADA REER EUROPE OO FURANTAY BILOWGII BISHAAN

05 January 2008

Kooxaha kubadda cagta ugu taajirsan adduunka ayaa gaad gaatan ugu jiro, cayaaryahanadii ay ku soo xoojin lahaayeen kooxahooda, maadaama uu furmay suuqii cayaartooy kala gadashada beryo ka hor.

Wadamadda reer Europe ayay kooxahooda kubadda cagta galeen wareegii labaad ee koobka horiyaaladda wadamadooda ka socdo.

1. Kooxda Manchester United ayaa jid gooyo u dhigatay kooxaha reer Europe qaasatan kooxda Real Madrid kadib mar ay ka soo doonteen mid ka mid ah ciyaaryahanadooda ugu fiican ee lagu magacaabo Cristiano Ronaldo, Maamaulka Manchester United ayaa sheegay cid ala iyo cidii isku dayda in ay soo hawaystaan Cristiano Ronaldo, waa in ay u diyaargaroobaan lacag dhan £75 million oo (lacagta Ingriiska ah) warkaas oo uu u soo tabiyay wargayska Daily Express mid ka mid ah muqalisiinta ka ganacsata kala gedida ciyaaryahanada.

Kooxda Real Madrid oo si ba'an ugu baahnaa in ay gacanta mar uun ku dhigaan Ronaldo, ayaa qorshohoodu ahaa in ay miiska saaraan lacag dhan ilaa iyo 60 million Eeuros oo u dhiganto £44.3 million (lacagta Ingriiska) oo ay filaayeen in ay ogolaan doonaan kooxda Man United, inkastoo ay ku diiday kooxda Manchester United's, sheegeena in ayna lacagtaas u qalmin cayaaryahankaas. Waxayna u raaciyeen “ha iskugu soo laabanina hadii aadan ku soo deri karina lacagtaas 100 million Euros oo u dhiganta (£73.9m) iyadoo weli xataa aan la hubin in ay aqbalayaan heshiiskaas.

2. Macalinka cusub ee kooxda Birmingham City Alex McLeish ayaa asna kasoo doontay Manchester United laacibka ay Scotish-ka isla yihiin ee u dheela kooxdaas oo lagu magacaabo Darren Fletcher, kaas oo ay ku doonaayeen heshiis joogto ah (permanent deal) weli ogolaasho iyo diidmo weli islama gaarin labada koox.

3. Sidoo kale kooxda Manchester United waxay ku diideen codsigoodii kooxda Newcastle United oo rabeen in ay ka gataan laacibka difaaca ah ee Wes Brown.

Laacibkaan oo jira 28-sano ayaa waxaa dhawaan ka dhici raba heshiiskii (contract) uu kula joogay kooxda Man United oo ku eg bartamaha xagaa-ga (summer-ka) kaas oo diiday in uu cusboonaysiiyo heshiiskiisa la joogitaanka kooxda Man United oo ah Premier League champions. Bil ka hor ayuu macalinka kooxda Man United Sir Alex Ferguson uu u digay ciyaaryahankan difaaca ah in uu qaato mid la mid ah heshiiskii uu horay kula joogay kooxda, hadii uu diidana wuxuu yiri waxaan diyaar aan u ahay in uu iska tagi karo markuu u dhamaado heshiiska uu kooxda la galay kaas oo ugu eg xiliga xagaa-ga (summer-ka) soo socdo.

Wes Brown ayaanan ku qanacsanayn, fadhiga kursiga kaydka inkastuu sanadkaan 26 ciyaarood dheelay asagoo ka faa'iidaystay maqnaashaha ciyaartooyga booskiisa ka dheeli jiray sida joogtada ah ee lagu magacaabo Gary Neville. Macalinka kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa asagoo ka caraysan, ku cadeeyay website-ka kooxda in kooxda Newcastle ay soo doonteen Wes Brown balse uu ku celiyay qidmadii ay ku rabeen laacibkaas.

4. “Laacibka kaliyah ee aan ogolaanay in uu koox kale ku biiri karo si kumeel gaar ah, ilaa iyo dhamaadka sanadkaan waa Jonny Evans ciyaaryahanka difaaca ah, ee kooxda gadaal uga dheelo kooxda yar yarka 20-jirka ah, kaas oo u dhashay dalka Northern Ireland una ciyaara qaranka dalkiisa, oo loo ogolaaday in uu ku laabto kooxdii markii hore uu ka yimid ee Black Cats – Sunderland” ayuu yiri Sir Alex Ferguson.

Macalinka kooxda Sunderland Roy Keane ayaa asna yiri “laacibka la yiraahdo Jonny si fiican ayuu noo caawiyay sanadkii hore. Woloow bilihii ugu danbeeyay uu xabsi galay hadana laga soo damiintay danbi kufsi ahaa oo lagu qabsaday in uu galay mar ay qabeen xafalad kooxda Manchester United's Christmas-kii. Waxaana filayaa ayuu yiri in heshiisku aan soo af jarno Isniinta soo socoto ama Talaadada, waxaana rajaynayaa in aan laba cayaartooy kale aan ku tala jiro in ay ayagana ku soo biiri doonaan kooxda asbuucyada soo socdo.”

5. Macalinka kooxda Liverpool Rafa Benitez, ayaa cadeeyay oo yiri “igama hayso in aan ku soo biiriyo kooxda laacibka gadaal uga dheelo kooxda Chelsea ee lagu magacaabo Wayne Bridge .”

Waxaase wal wal uga jiraa siduu ku xajisan lahaa laacibka dhexda uga ciyaara kooxda ee reer Argentina oo lagu magacaabo Javier Mascherano, oo kooxda ku la joogo hishiis si ku meel gaar ah, haduu rabo in uu heshiiskiisa si joogto ahna ka dhigo (permanent) waa in kooxdu bixisaa lacag dhan £17 million oo (lacagta Ingriiska ah). Hadayna taas dhicin waxaa irida u taagan oo farqaha lacag badan ku wato kooxo badan oo ay ka mid tahay kooxda Juventus.

6. Kooxda Spanish-ka ah ee Valencia ayaa beenisay wararkii ay soo qoreen wargaysyada qaarkood oo sheegayay in kooxda Chelsea soo doonatay laacibka David Villa. Wararka ayaa horay loogu sheegay in kooxda Chelsea rabto in ay soo xero gashtaan laacibkaas bisha January oo uu furmayay suuqa cayaartooy kala gadashada.

Macalinka kooxda Chelsea Avram Grant ayaa horay u diidanaa wararka ku soo riixayay in uu horay u doontay ciyaaryahanada ka ciyaara dalka Ingriiska ay ka midka yihiin Nicolas Anelka iyo Dimitar Berbatov.

“Waxaa jira ciyaar yahano faro badan, oo aan ugu jirno baadi goob, balse kama aanan hadlin Nicolas Anelka iyo Dimitar Berbatov ama laacibiin kale. Waxaana leeyahay kuwa wararka raadinaya in aanan u haynin anaga wax news ah muhiimaduna waa intaas” ayuu yiri Avram Grant. Wuxuuna raaciyay maalin kasta qolooyin ayaa qoro in ciyaartooy ka tagaayo kooxda ama soo galaayo kooxda. Balse waxba kama jiraan, waxaana ku qanacsan nahay cayaaryahanada hada joogo kooxda oo aan jeclahay in aan wada joogi doono ilaa iyo inta uu season-ka ka xirmi doono.

Balse kooxda Valencia ayaa ku adkaysatay una sheegtay skysports.com in aynan jirin wax balanqaad ku socdo laacibka David Villa oo kaga yimid kooxaha Premier Leagu-ga. “wax aan ka war hayno ma lahan, warkaas waxaan ka maqalnay News-ka oo sheegeen in ay ka soo xigteen Wargays (news paper)” ayuu yiri muqalaska ka masuulka ah gadashada David Villa ee la yiraahdo Jose Luis Tamargo.

7. Kooxda West Ham United ee ka dhisan bariga London , ayaa cadaysatay iyaga in ay danaynayaan in ay gataan laacibka lagu magacaabo Nicolas Anelka oo ay ku han wayn yihiin hadii ay ku guulaystaan arinkaas oo ay wada cayaarsiiyaan asaga iyo Craig Bellamy in kooxda ay guulo fiican gaari karto mustaqbalka.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegay in kooxda West Ham ee ku cayaarta garoonka ku yaal Upton Park ay ogolyihiin in ay dhiibaan lacag aynan weligood cayaaryahan ku soo gadan, oo dhan £12 million iyo mushaar dhan £90,000-kun asbuuciiba.





Hadaba akhristayaasheena sharafta lahoow, waxaan idiin sheegaynaa in dhagaha u dheer yihiin hay'adaha Isboortiska wararka u kala gudbiyo adduunka, balse weli aysan dhicin gadasho laacib magac wayn huwan, Inshaa Allaah waxaan ku dadaalaynaa wixii soo kordho in aan idinkula soo socod siin doono qoraaladeena danbe.

Waxaa soo diyaariyay: M. Sheikh (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football