Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

KULAN DHEX MARAY KOOXAHA DEKEDAHA IYO ELMAN

24 February 2008

Kulan cayaareed aad u xiisa badanaa oo ahaa kulan saaxiibtinimo ayaa shalay galab dhex maray kooxaha heerka koowaad ee dalkeena ee Elman iyo Dekadaha, kulankaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka da’da weyn ee Konis Stadium ayaa waxaa soo qaban qaabiyey xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta. Cayaarta oo qaban qaabadeeda aynan maqlin dad tiro badan ayaa waxaa ka muuqatay garoonka dhinaca cataango ama qorax ka soo baxa cidlo balse dhinaca VIP-da uu ahaa mid camirn.

Kooxda Elman fc

Kooxda Dekadaha

Cayaarta oo ahayd cayaar aad u xiiso badan ayaa waxaa labada kooxba ay soo bandhigeen cayaar farsamo iyo xisaabtan wadatay. Cayaaryahanada labada dhinacba waxay ahaayeen kuwo aad u da’yaraa kana muuqatay fud fudeed (Athleticisms).

Nasiib wanaag waxaa gool ku hormaray oo gool aad u qurux badan helay kooxdii ku cayaaraysay Dekadaha. Taasina waxay wax ka bedeshay qaab cayaareedkii cayaarta, maxaa yeelay kooxdii kale ee Elman ayaa biloowday in ay culays badan soo saarto kooxdii Dekedaha, raadiyeena gool si ay bar baro uga dhigaan cayaarta. Dadaalkoodii kooxdii Elman waxaa u suurto gashay in sabuurada loogu qoro goolkoodii koowaad oo ay bar bar dhaca ka dhigaan cayaarta, waxayna cayaartii noqotay 1 – 1 gool.

Kooxda Elman ayaa ka il heshay weerarka is daba jooga ah ay saareen kooxda Dekadaha, waxaana galay hami maadaama ay gool dhaliyeen in ay mid kale hadana raadiyaan, una suurtowday mar kale in ay dhaliyaan gool kale. Cayaartana waqtigii loogu talagalay ku soo gabagaboowday 2 - 1 gool, oo ey guushii ku raacday naadiga Elman.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football