Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

TOTTENHAM OO 2 – 1 UGA BADISAY CHELSEA CARLING CUP FINAL

24 February 2008

Labada koox ee ka dhisan magaalada London Tottenham iyo Chelsea ayaa galabta 24/02/2008 ku looltamay koobka League-ga, ee lagu magacaabo (Carling Cup) cayaartii kama danbaynta ahayd ee final-ka taas oo ka dhacday garoonka wayn ee Wembley Stadium.

Wembley Stadium ayaa ushii kor loo tuuro aysan dhulka ku soo dhacayn maanta. Maxaa yeelay waxay ahayd maalin hawada Ingriisku ay aad u fiicnayd, oo uu yaraa qaboowgii beryahaan jiray, qoraxduna ay si fiican u ifaysay. taageerayaasha labadan kooxba imaatinka garoonka uma aysan soo gelin safar aad u dheer, oo garoonku wuxuu u ahaa mid aan saa uga fogeyn (local).

Kooxda Tottenham oo lagu naanayso (Spurs) ayaa guushan koobka League-ga, ee Carling Cup-ka ay maanta qaadeen uga dhigaysaa kii Afaraad oo ay ebedkood ku guulaystaan inkastoo ay guushaan oo kale ugu danbaysay sanadkii 1999-kii oo uu u qaaday macalinkii George Graham.

Inkastoo ay kooxda Chelsea ku hor mareen goolka daqiiqadii 38-aad mar uu Didier Drogba, darbad xor ah oo xawaare 20-yard ka soo gamay, kadibna gool hayihii kooxda Tottenham Paul Robinson asagoo taagan meel qaldan ay kubadii angalka sare ee goosha ay kaga dhalatay cayaartiina qaybtii hore ku dhamaatay 1 – 0 ay kooxda Chelsea ku hogaaminaysay.

Goolkii Didier Drogba

Qaybtii labaad markii laysku soo laabtay ayay daqiiqadii 69-aad mid ka mid ah difaaca kooxda Chelsea Wayne Bridge uu xerada ganaaxa asagoo ku jira uu gacanta ku taabtay kubaddii kadibna kooxdii Spurs loo dhigay rigoore, oo uu usoo istaagay asgoo deggan laacibka lagu magacaabo Berbatov una diray gool hayihii Chelsea dhinac qaldan, kana dheliyay meeshuu u booday maahine dhinaceeda kale.Ciyaartiina waxay noqotay bar bar dhac 1 – 1.

Goolkii Rigoorada uu gamay Berbatov

Waxaad mooday kooxda Tottenham in ay u qabeen baahi ka badan tan kooxda Chelsea, waxayna dhowr jeer sigeen goosha Chelsea waxaase xabadka u dhigtay goolhayihii Chelsea Petr Cech oo meel laga maro la waayay. Waqtigii loogu tala galay cayaarta waxay ku dhamaatay 1 – 1.

Waxaa lagu daray min 15 daqiiqo qaybtiiba. Layskumase raagin daqiiqadii Afaraad waqtigii siyaadada ahaa ama (94-aad) ayay kooxda Tottenham heleen darbad xor ah oo uu u soo gamay laacibka lagu magacaabo Jenas oo uu madaxa u saaray cayaartooyga kooxdiisa daafaca uga cayaaro ee Woodgate.

Goolkii guusha oo uu dhaliyay Woodgate

Woodgate-na darbad madax ah goosha ku laaday waxaana soo bixiyay goolhayihii kooxda Chelsea inkastoo hadana si filanwaa ah ay mar kale kubadii ugu dhacday Woodgate saasna ku dhalatay gooshii. Halkaasna ay ku hor mareen kooxdii Spurs 1 – 2.

Kooxda Chelsea waxay gadaal ka soo gashteen laacibiinta Salomon Kalou iyo Joe Cole oo runtii weerar badan u saa’idiyay kooxda waxaase ay meelna ka mari waayeen difaaca kooxda Spurs oo ay horjoogayaal u ahaayeen laacibiinta Woodgate iyo Ledley King oo uu wehliyay goolhayahooda Robinson. Cayaartiina waxay ku idlaatay 1 – 2 ay guushii ku raacday kooxdii Tottenham (Spurs). Cayaarta waxaa Garsoore ka ahaa Mark Halsey oo deggan magaalada Lancashire ee UK.

Cayaarta inta aysan bilaaban ayay wariyayaasha adduunku hadal hayeen macalinka cusub ee kooxda Tottenham Juande Ramos, oo kooxdan la joogay in ka yar shan bilood, uu kaalin wayn ka soo qaatay guushaan maxaa yeelay weligiis cayaar Final ah uu yimaado kooxduu doono ha wadee lagama badin, wuxuuna shan koob hada ka hor u soo qaaday kooxda reer Spain ee Sevilla.

Kooxda Chelsea waa jeclaayeen in ay ku noqsadaan guusha maadaama ay sanadkii hore ay ayagu hanteen koobkaan oo uu u qaaday macalinkii ka tagay ee Jose Mourinho, Balse calafku ma siin in kastuu dadaal badan u soo qabtay macalinkooda cusub Avram Grant mudadii yareed ee uu joogay. Waana koobkii ugu horeeyay ee uu Final yimaado, wuxuuna bogiisa cusub ku furay guul daro.

Waxaa soo diyaariyay: M. Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football