Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

BARI OO KA BADISAY GALBEED CAYAARHA XIDDIGAHA NBA EE 2008

22 February 2008

Cayaarihii NBA All-Star Games ayaa habeenimadii Axada bishu markay ahayd 17 Feberaayo 2008 lagu qabtay garoonka dadan ee New Orleans Arena. Tartankan oo lagu looltansiiyo cayaaryahanada laga soo xulo kuwa ugu wanaagsan ee ka kala yimaada bari iyo galbeed ee Waqooyiga Ameerika iyo Canada .


Cayaarahan ayay aad u xiiseeyaan daawadayaal aad u tiro badan oo aduunka koonkiisa ku kala nool. Sanadkaan ayaa waxaa laga fiirsanayay TV-yada 215 wadan oo looga kala hadlayay 44 luqadood oo kuli ay u gudbiyeen xaruunta shabakada NBA.com.

Kulanka NBA All-Star Games, ayaa lagu tartamaa dhowr xirfadood oo kubadda kolayga ah sida tuuryada dheer ee saddexda dhibcood (Three-Point Shootout) keli iyo mid jamac ah, boodada gool gacan la gelinta (Slam Dunk) iyo cayaaryahanka ugu fiicnaado cayaartaas oo asna la gudoonsiiyo koob ah cayaaryahanka ugu qiimaha badnaa cayaarta (Most Valuable Player MVP). Waxaana daawashadeeda mar walba ka soo qayb gala shaqsiyaad sumcad fiican ku leh koonka aynu ku nool nahay haday noqon lahaayeen Jilayaal Holywoodka ka tirsan, fanaaniin magac fiican leh iyo cayaaryahano cayaaraha kala duwan cayaara oo magac fiican ku leh adduunka.

Kulanka labada koox ee bari iyo galbeed intaan la bilaabin ayaa waxaa laga hor mariyaa tartamada aan kor ku soo sheegnay ee tuuryada dheer ee saddexda dhibcood (Three-Point Shootout) keli iyo mid jamac ah, gool gacan la gelinta (Slam Dunk).

Tuuryada dheer ee saddexda dhibcood ee jamaca ah (Haier Shooting) ayaa waxaa iskaga hor yimid saddex cayaaryahan oo ka socday kooxda Chicago iyo saddex cayaaryahan oo ka socday kooxda San Antonio , koox kasta waxay wadatay laba cayaar yahan oo wiilal ah iyo hal gabar. Waxaana ku guulaystay kooxdii San Antonio oo ay u matalayeen gabadha lagu magacaabo Hammon iyo labadda wiil ee kala ahaa Duncan iyo Robinson kuwaas oo jeebka gashtay koobkii ugu horeeyay ee tartanka All-Star Games 2008.

Tuuryada dheer ee saddexda dhibcood ee keli kelida ah (Three-Point Shootout) wiilasha ayaa iyana waxaa ku tartamayay cayaaryahanada kala ah Richard Hamilton, Daniel Gibson, Steve Nash, Dirk Nowitzki, Peja Stojakovic iyo Jason Kapono.

Cayaaryahanka Toronto Raptors u soo qaybiya kubadda (guard) ee Jason Kapono ayaa rabay in uu difaacdo guushiisii uu sanadkii hore ku guulaystay koobkaan oo ay dhigeen componiga Foot Locker oo uu dhaliyay sanadkii hore 25 dhibcood tuuryada dheer ee Three-Point Shootout.

Kapono wuxuu noqday cayaaryahanka kaliayah ee dhawaanahaan laba sano oo isku xigta ku guulaysto tartankaan (Three-Point Shootout) oo ay dhigaan Foot Locker inkastoo sidoo kale sanadkii 2002 – 2003 uu ku guulaystay cayaaryahanka lagu magacaabo Peja Stojakovic .

Jason Kapono wuxuu ku qaaday 25 dhibcood mar kale waxaana ku soo dhawaa Daniel Gibson , oo isna dhaliyay 17 dhibcood, waxaana kaalinta saddexaad galay Dirk Nowitzki , oo asna dhaliyay 14 dhibcood.

Intaa kadib waxaa bilowday boodada gool gacan la gelinta (Slam Dunk) oo ay ayana u soo safteen cayaaryahanada kala ah Jamario Moon ee u cayaara kooxda Raptors, Rudy Gay oo isna u cayaara Grizz, Dwight Howard-ka u cayaara Magic iyo Gerald Green-ka u cayaara Wolves oo ahaa kii ku guulaystay sanadkii hore.

Tartankaan ayaa ahaa mid aad uga xiiso badan kii hore oo ay cayaaryahanadan muujinayeen heerka fudfudeedka ay ka gaareen ayagoo ku darayay bandhig noocyo kala duwan ahaa sida ayagoo doolshe ama (cake) saareen birta kolayga korkeeda kadibna ayagoo afuufaayo hadana kubadda gacanta la gelinaayay shabaqa. Waxaase kuligood banaanka dhigay cayaaryahanka u cayaara kooxda Magic ee Dwight Howard. Kadib mar uu la soo baxay duub maro gaduudan ah oo uu caan ku ahaan jiray (Super man) kadibna qoorta ku xirtay muujiyayna in uu u duuli karo sidii Super man oo kale. Shabaqana kaga soo booday meel dheer kadibna dhex dhigay kubaddii shabaqa, mar kalena shabaqa gadaashiisa ka soo booday meel aan laga arkayn kadibna gacanta uun la soo laa lay asoo madaxiisa dhinaca kale jiro geliyayna kubadda shabaqa. Saasna ku noqday laacibka boodada dheer gool gacan la gelinta (Slam Dunk) sanadka 2008.

Ka biloow bidix Jamario Moon, Rudy Gay, Dwight Howard iyo Gerald Green

Dwight Howard oo duulaya iskana dhigay Superman

Intaa kadib waxaa bilaabatay cayaartii la wada sugayay kooxaha bari (east) iyo galbeed (west) NBA All-Star Games. Tartanka sanadkan ayaa ahaa mid ka adag kuwii horay loo soo dhaafay, maxaa yeelay cayaaryahanada ayaa mid waliba uu rabay in uu ku guulaysto cayaar wanaaga, taasina xaraarad gooni ah u yeeshay kulanka sanadkaan.

Kooxda bari ayaa hogaanka u qabatay cayaarta biloowgeedii oo qaybtii hore ee nasashada ku dhameeyay 34 dhibcood meesha ay kuwa galbeed ay ka keensadeen 28 dhibcood. Nasashadii labaad ayay hadana sidoo kale ku soo af jareen 74 dhibcood halaka hadana kooxda galbeedka ay ka keen sadeen 65 dhibcood. Nasashadii saddexaad ayay hadana ku hogaaminayeen 106 – 93 dhibcood.

La tashi xoogan ay kooxda galbeedka la soo yeesheen macalimiintooda ayay weerar xoogan ku soo qaadeen kooxda bari kana dhaliyeen goolal badan. Laacibka Carmelo Anthony, Brandon Roy iyo Amare Stoudemire ayaa midkiiba u dhaliyay 18 dhibcood, oo uu weli wehliyay yarka xaafadiisa lagu dheelayay ee ay isku kooxda ahaayeen Chris Paul oo asagana xataa dhaliayay 16 dhibcood 14 marna dhigay baasas goolal lagu dhaliayay.

Dhowr mar ayay bar bardhac la noqdeen dhamaadkii cayaarta balse waxaa kooxda East-ga ay ku baxsadeen laacibka Ray Allen oo aan maamulka All-Star Games ugu jirin qorshaha markii hore balse ku soo galay liiska kadib mar uu xanuunsaday laba beri ka hor laacibka lagu magacaabo Caron Butler ee u cayaara Washington.

Ray Allen ayaa kaligiis dhaliyay 28 dhibcood, asagoo daqiiqadihii danbe ee cayaarta mar ay u baahnaayeen oo uu barasher badan saarnaa uu u dhaliyay saddex mar oo isku xigta 3-pointes iyo laacibka LeBron James oo asna ku daray 27 dhibcood ahaana laacibka ugu cad cadaa cayaarta ee ka mid ahaa cayaaryahanada Bariga halkaasna kaga guulaysteen kooxdii galbeedka (West) 134-128 dhibcood. Kuna hanteen koobkii NBA All-Star Games 2008.

Chauncey Billups, Dwyane Wade, LeBron James iyo Ray Allen kadib markii ay ku guulaysteen 2008 All-Star Game

Cayaarta ka dib waxaa la isku raacay in cayaaryahanka LeBron James uu yahay cayaaryahanka ugu qiimaha badnaa cayaarta (MVP) All-Star Games 2008. Kadib markii la tiriyay dadaalka uu ka dhex muujiyay tartankaas asagoo dhaliyay 27 dhibcood, sagaal kalena u dhigay laacibiin kale oo goolal ku dhaliyay iyo siddeed mar uu qabtay reboun-ka.

LeBron James ma ahan markii ugu horeeyay ee uu ku guulaysto cayaaryahanka ugu qiimaha badnaa cayaarta (MVP) All-Star Games. Wuxuu hada ka hor ku guulaystay sanadii 2006 wuxuuna ka mid noq day 11-ka cayaar yahan ee weligeed ku guulaystay in ka badan mar. Wuxuuna yiri “aad ayay ii farxad gelinaysaa in aan ku daro koob kale kii aan horay u haystay,” wuxuuna raaciyay James “si fiican ayaan u cayaaray caawiyayna kooxdayda si ay u badiyaan waxayna ii tahay farxad in aan dadaalka aan sameeyay soo bandhigo hortooda daawadayaashii isugu yimid garoonka New Orleans ”.

Cayaarta ayay aad uga maqsuudeen dhamaan daawadayaashii halkaas isugu yimid oo ay ka mid ahaayeen shaqsiyaad magac fiican leh sida: Filim Jilayaasha Chris Tucker iyo Arnold Schwarzenegger, Heesaaga Rap-ka iyo Filim Jilaha Chris Ludacris Bridges iyo Filim Jilaha kale ee caanka ah Jet Li iyo Jilaha High School Musical ee Corbin Bleu Rievers.

Kadib markii biladihii iyo koobabkaba la bixiyay ayuu commissioner-ka xaafada lagu qabanayay tartanka David Stern u mahad celiyay dhamaan intii ka soo qayb gashay tartanka iyo dhamaan cayaaryahanadii bilay bilicda garoonka.

Team

1

2

3

4

T

East

34

40

32

28

134

West

28

37

28

35

128

Waxaa soo diyaariyay: M. Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London

 

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football