Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

WAR KA SOO YEERAY QAAR KA MID AH BAHDA ISBORTIGA DEGMADA KISMAAYO

22 February 2008

Ka dib markii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uu shaaciyay in ay qaban doonaan cayaarihii gobolada Soomaaliya ayaa waxaa dhinaca kalena gobolka Kismaayo ka soconaya dhaq dhaqqaaq sporti oo ay wadaan xiddigihii iyo garsoorayaashii iyo taageerayaashii cayaaraha ee gobolka J/hoose. Waxaana ay soo saareen war saxaafadeed iyagoo sidoo kale soo bandhigey Liis xiddigihii gobolka u keeney magacca weyn ee kubadda cagta iyo cayaaraha dalka.

Laacibiintii Hore


Magacyada laacibiintii soo maray Gobolka

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili xiriirka kubada cagta Soomaliya ay sheegeen in cayaarihii gobolada ay bilaabi doonaan iyadoo J/hoose oo ah hoyada cayaaraha gobolada ay ka biyo diidey qaabka uu xiriirku ugu qorsheeyey arimahaasi. 

Dhowaan ayaa Burhaam Kuukuuyo loo doortey gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Kismaayo. Waxaana uu wadaa dhaq dhaqaaq ku aadan horumarinta isboortiga gobolka isagoo balan qaadey in uu kor u soo qaado sumcaddii cayaaraha degmada Kismaayo iyo guud ahaanba gobolka J/hoose.

War Saxaafadeedkii Bahda Isboortiga Kismaayo

09/02/08 ayay aheed markii uu xariirka kubadda cagta ee Soomaaliya  uu shaaciyay in ay qabanayaan tartanka gobolada Soomaliya iyagoo ugu horeentiiba faafiyay in warshadii laacibiinta Soomaaliya ahna horyaalkii dalka oo ah gobolka Jubada hoose ay marti u noqon doonto sanadkaan Shabeelada Hoose.

Marka!!! hadaba suaasha isweediinta mudan ayaa waxa ay tahay yaa looga dambeen doona taarikhda kubadda caagta ee Soomaaliya ? yaa xaq u leh in la geeyo semi finaal gobolka Jubadda hoose mise  Banaadir?

Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa dhamaan qubarada kubdda cagta, hayadaha kala duwan ee kubadda cagta sida: FIFA, UEFA, CAF iyo CECAFA in ay xiriirka Soomaaliyeed ee k/cagta uusan namatali karin ayna wakiil naga yihiin cayaartooydii hore ee gobolka sida: Maxamad Muuse Cabdi (jabroos) oo wakiil inooga ah Yurub iyo khaliif Shire Muuse (khaliif riike).

Hadaan intaas uga baxno warsaxaafadeedkeenii waxaana halkan ka salaameynaa dhamaan cayaartooydii hore ee gobolka J/hoose meel kasta oo ay joogaan.

TACSI

Dhanka kale Bahweynta isboortiska gudaha ee ku nool gobolka Jubada hoose gaar ahaan gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee degmada Kismayo Burhaan kukuuyo, gudoomiye kuxigeenka xiriirka kubadda cagta ee G/J/Hoose, Saciid Maxamed Muuse (siciid galti), Muqaatar Xaaji Jaamac, Axmad Yaasiin Budiste, C/raxmaan Shariif (shinyaalow), Cabdi Xasan Siyaax (sanjo), C/ducaale big, C/khaadir Guure, Cabdi Maxamad Axmad (Cabdi Xaaq), Cabdow Beeley, Qadar Maxmad, Saleebaan Cabdi badal, Cabdi Fitaax Cali Xasan iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed waxay tacsi tiraanyo leh halkan uga dirayaan qoyskii iyo ehaladii uu ka geeriyooday macallimkii weynaa ee kubadda cagta dalka Soomaaliya C/casiis Xaaji Jaamac C/casiis Gulta oo dhawaan ku geeriyooday dalka Uganda, waxaan Illaahay uga baryeynaa in uu ka waraabiyo Janadii Fardowso samir iyo iimaana ka siiyo xaaskii iyo awlaadii uu ka tagay. Aamiin… Aamiin… Aamiin…

Waxaa soo Qoray: Cabdul-Xafiid "Zaciimka"
Idaacadda Siinba - Muqdisho.

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football