KOOXDA M. B. C. OO NOQOTAY HORIYAALKA CAYAARTA FUTSALKA 2008
20 February 2008
Waxaa heer final ah soo gaaray koobkii kubadda cagta qaybta lagu magacaabo Futsalka ama 5 Vs 5-ta lagu cayaaro. Kaas oo sanadkaan si qaas ah loogu magacdaray dib u heshiinta oo ey ka soo qeyb galeen 6 kooxood oo loo kala qeybiyay 2 groub oo kala ahaa: Groub A: kooxaha Muqdisho, Horseed iyo Batroolka. Halka Groub-ka B: ey ku wada jireen kooxaha Heegan, LL PP, iyo MBC (madbacadda) ayaa kulamadii sema fiinaalaha waxey kooxuhu isugu aadeen una kala badiyeen qaabkan:
Maalin nimadii talaadada taariikhduna ku beegneyd 12 /02 / 2008 waxaa foodda is daray kooxaha Heegan iyo Batroolka. Kulankaas ayaa ahaa kulan aad u adkaa labadda kooxoodna waxey ku soo tala galeen in koox waliba ey lagado kooxda kale si kastaba ha ahaatee cayaartan ayaa aheyd mid aad u adkeed dad weynihii u soo daawasha tagayna ey ka wada maqsuudeen cayaarta oo ku saleesneyd weerar iyo weerar celis ayaa waqtigii loogu talagalay waxey ku soo idlaatay 6 - 5 oo ey guushii ku raacday xarfaantii ku cayaareysay magacii kooxda Heegan sidaasina ugu soo gudbeen cayaarta kama danbaynta ah finalka.
Kulankii xigay aaya waxaa isku haleelay oo ayagana fooda is daray Arbacadii oo ey taariikhdu ku beegneey 13/02/2008 kooxaha Horseed iyo Madbacadda ama MBC kulan kaan oo ka xiiso badnaa kii hore ayaa asagana labada kooxood waxey soo bandhigeen cayaar aad loo jecleystay ayadoo waqtigii loogu talagalay asagana uu ku soo idlaaday 5-1 oo ey guushii ku raacday xarfaantii ku cayaareysay magacii MBC sidaasina ugu soo gudbay fiinaalaha.
Cayaarta fiinalaha ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Heegan iyo MBC oo markii horeba ka soo wada baxay groubka B. Waxaa la is waydiinayay, kooxda Heegan ma u labeen doontaa kooxda MBC. Mise MBC ayaa ka aarsan doonto kooxda Heegan?
KOOXDA HEEGAN
KOOXDA M.B.C.
Hadaba cayaartii kama danbaynta ahayd ayaa waxaa maalintii jimcaha oo ay tariikhduna ku beegneed 15/02/08 la isugu yimid garoonka Bisha Cas ee degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.
Kulankaan ayaa ahaa mid isugu jiray xafladii xiritaanka cayaarta iyo kulankaan labada kooxood. Waxaa garoonka ka muuqday xaflad si aad u heer sarayso loo soo agaasimay soona xasuusinaysay daawadayaasha waayadii beri samaadka, taageerayaasha labada koona ay soo camireen garoonka. Inkastoo magaalada xabado ka dhacayeen hadana garoonka Bisha Cas waxaad mooday in uu ku yaalo wadan kale, farxada iyo damaashaadka garoonka gudihiisa ka socday aawgiis. Waxayna taa ku tusaysaa Isboortisku in uu san shaqo ku lahayn qilaafka, isnaceebka iyo qayaaladda iyo waxa dhacaya ee uu horsed u yahay Nabadda.
Furitaanka labada kooxood iyo garsoorayaasha
Daawadayaasha cayaartii Finalka
Tartanka oo ahaa mid loogu magacdaray dib u heshiisiinta ayaa cayartii fiinaalaha waxaa wada cayaaray kooxaha M.B.C. iyo kooxda HEEGAN. Kulankaan oo ahaa kulankii ugu adkaa intuu tartanka socday ayaa waxey labada kooxood soo bandhigeen cayaar aad loo jecleestay, waxuuna ku biloowday dar dar aad iyo aad ah, labada kooxoodna waxey ku soo tashatay mid waliba awoodeeda.
Markuu siirigii yeeray waxay labada kooxba ku bilaabeen cayaarta in kooxiba kooxda kale u diido in ay isku toosisato kubadda waxaana la siku raacay qof iyo qof waxay ka fursan wayday in muruqa ay kooxiba kooxda kale saarto, madax, jir iyo maskaxba lagu looltamo. Waxaa lagama maarmaan noqotay in waxoogaa la kala awood roonaado. Waxaana gabagabadii cayaarta 7 - 5 gool ay guushii ku raacday kooxdii ku cayareysay magacii M B C sidaasina ku hanatay koobkii la magac baxay dib u heshiinta, cayaartii Futsalka 2008.
MBC HORIYAALKA KOOBKA FUTSALKA 2008
Gudiga qabanqaabada cayaarta oo uu hor kacayay qabiirka wayn ee ay fikradiisu ahayd qabashada tartankaan Xaaji Yuusuf Maxamed Shikh oo aan dhihi karo taariikhda ayaa xusi doonto dadaalka uu u galay hirgelinta tartankaan, iyadoo lagu jiro marxalad aad u adag iyo gudoomiyaha tartanka Maxamed Faarax cali oo loo yaqaano (sacbaweyne) ayaa waxay u mahad celiyeen dhamaan intii gacan ka gaysatay, qabashada tartanka iyo kooxihii ka soo qayb galay, garsoorayaashii iyo daawadayaashii waqtigooda u soo huri jiray min biloow ilaa iyo dhamaad.
Xaaji Yuusuf Maxamed Shikh
|
|
Gudoomiyaha tartanka Maxamed Faarax cali (sacbaweyne)
|
Sidoo kale waxaanan iloobi Karin ayuu yiri mudane Xaaji Yuusuf dhamaan warbaahiyayaashii gacanta nagu siiyay intuu tartanku socday ha ahaato mid Radio ama Websiteba. Anigoo si qaas ah u tilmaami doono websiteka kubadda.com oo maalintuu tartanka biloowday ilaa uu ka dhamaado nala garab taagnaa taakulayn aan la soo koobi karin, noona suurto geliyay in uu dadaalkeena u gudbiyo bahwaynta Soomaaliyeed ee Adduunka afartiisa gees ku kala nool. Wuxuu intaa raaciyay duco “waxaan Illaah Ummadda Soomaaliyeed uga baryayaa in uu soo dhax dhigo is fahan, maslaxad iyo nabad raagto”.
Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaa ku soo afjarmay koobkii Futsalka 2008 ee ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Bisha Cas ee degmada Xamar Jajab oo ay sanadkaan la hoydeen kooxdii M.B.C.
Hadaan nahay bahda kubadda.com waxaan leenahay kooxda M.B.C. (madbacada) maamulkeeda iyo macalimiintoodaba Hambalyo. Qabanqaabiyayaasha tartankana, wax fiican ayaad samayseen, ee dadaalkiina halkaa ka sii wada.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|