KULAN AY YEESHEEN XUBNO KA TIRSAN GOBOLKA HIIRAAN
19 February 2008
Kulan ay yeesheen maanta xubno isugu jira gudiga hormarinta dhalinyarada iyo isbortiga gobolka hiiraan, gudoomiyayaasha isbortiga degmooyinka gobolka iyo ciyaartoydii hore gobolkan hiiraan ayaa waxaa looga hadlay sidi loo diyaarin lahaa doorashooyinka iyo sidoo kale sidii loo xuli lahaa ciyaartoyda matalayo xulka gobolka Hiiraan.



Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan dhinacyadan kala duwan islamarkaasina waxaa lagu sameeyay gudi sadexda dhinac ah oo soo sameeyay qaabka doorashooyinka ay u dhici lahaayeen iyo sida ugu wanaagsan ee kooxaha ka jiro dhamaan degmooyinka gobolka looga soo dhax xuli lahaa kooxda xulka gobolka matali lahayd
Waxaana lagu wadaa in Xulkan loo sameeynayo gobolka Hiiraan la doonayo in uu ka qeyb galo ciyaaro dhawaan lagu wado in ay yeeshaan xulalka gobolada dalka soomaaliya oo qaban qaabadiisa ay wadaan gudiga xiriirka k/cagta ee Soomaaliya kaasoo la qorsheeyay in ay ka dhacaan magaalada Jowhar ee gobolka sh/dhexe bisha Maarso dhaxdeeda.
Arrinta ayaa ah guulo hormar leh oo ay bilihi ugu dambeeyay ka wadeen Gobolka Hiiraan Gudiga hormarinta dhalinyarada iyo isbortiga gobolka hiiraan.
Shirkan ayaana lagu cayimin waqtiga ay dhici doonaan doorashooyinka lagu wado in wax badan looga badalo habacsanaanta ku jirta maamulka isbortiga gobolka kaasoo xitaa ay si weyn u doonayaan ciyartoydii hore iyo dhamaan xiriirada degmooyinka gobolka in isbadalkaasi uusan noqon mid la mid ah kuwii hore oo kale.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (daba-geed) ayaa isna si cadaan ah u balan qaaday in doorashooyinkani ay u dhici doonaan si aan musuq maasuq ku jirin islamarkaasina amaanka uu kala shaqeyn doono gudiga hormarinta dhalinyarada iyo isbortiga gobolka waxuuna intaasi ku daray in uu aqoonsan doono cid alaale iyo cidii ay doortaan bah weynta isborti ee gobolka Hiiraan
Ciyaartoydii hore ee caanka ka ahayd dalka gaar ahaa gobolka ee kulankaasi ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Cali Shiikh Xasan Xiirey (beer-xaano) waxuuna sheegay in laga baxay waqtigii hoos loo saconayay ee gobolka hiiraan uu ku jiray taasoo uu ku micneeyay dhowr iyo tobankii sano ee dalku burburku ku jiray oo shaqsiyaad ay ku tagro falayeen isbortiga gobolka islamarkaasina hoos u dhigayay sida uu hadalka u yiri magacii isborti ee uu ku lahaa gobolkan dalka guud ahaan.
Ugu dembeyntii gudigan ay iska soo xuleen qeybaha kala gadisan ee isbortiga gobolka Hiiraan ayaa waxaa la siiyay waqti dheer oo ay ku soo xulaan xulka gobolka hiiraan iyo qaabka doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan gobolka hiiraan waqtiyada soo socdo waxaana gudigan uu sheegay in uu ku dadaali doono sidii howlshan loo xilsaaray ugu guuleysan lahaayeen waqtiga lasiiyayna uga faa'ideysan lahaa.
Ilyaas Axmed Cilmi
guute@hotmail.com
kubadda.com
xafiiska Hiiraan B/weyne