KOOBKII DIB U HESHIISIINTA OO SEMI FINAL SOO GAARAY
12 February 2008
Waxaa wali si habsami leh uga socdo garoonka Bisha Cas ee xaafada Xamar Jajab koobkii loogu magac daray Dib u heshiisiinta Soomaaliya, koobkaan oo soo gaaray heer semi final ah ayaa waxaad moodaa in ay cayaaruhu sii adkaanayaan, kooxuhuna diidan yihiin in ay qaataan guuldaro badan, waxaad moodaa in laysku dad doontay oo koox walba meeshii ay ku tabaysay laacibiin ay ka doonatay si ay ugu kabto awooda kooxcdeeda. Hadaba kulamadii ugu danbeeyay waxey kooxuhu isku arkeen una kala badiyeen qaabkan:
| Cayaartii bisha 07/02/2008 |
MBC |
8 - 0 |
LL PP |
| Cayaartii bisha 08/02/2008 |
HORSEED |
2 - 5 |
BATROOLKA |
Waxaa maalmo kadib hadana cayaar aad u xiiso badneed ey ku dhex martay kooxaha kala ah Heegan iyo MBC. Kooxda Heegan ayaa cayaartii koowaad ee ay dheesho si dirqi ah looga badiyay, oo ay uga badisay kooxda LL PP (7 – 6). Kooxda MBC-na si raaxo leh u garaacday kooxdii LL PP (8 – 0). Kooxda Heegan waa ku qasbanaayeen in ay badiyaan hadii kale ka haraan wareega u soo bixitaanka semi finalka
Waxaa biloowday kulankii ay dad badani sugayeen, waxeyna labada koox soo ban dhigeen cayaar aad u adag. Kooxda Heegan ayaa waxaa cayaartaan u cayaarayay oo si aad ah uga dhex muuqday kabtanka xulka qaranka Soomaaliyeed kabtan Gaduudoow oo kooxda ku soo saa’idiyay awood sare oo xagga difaaca ah. Si kastaba ha ahaatee waxaa waqtigii loogu tala galay cayaarta ku soo idlaatay 11gool iyo 7 gool oo ay guushii ku raacday kooxdii ku cayaareysay magacii Heegan.
Sidaasina waxaa ku soo af jarmay wareegii hore ee koobka waxaana isku soo haray kooxaha Horseed, MBC, Heegan iyo Batroolka.
KOOXDA HORSEED
KOOXDA HEEGAN
KOOXDA MBC
KOOXDA BATROOLKA
Waxaa qorshuhu yahay in cayaarta Semi finalka la cayaaro berito oo Talaado ah oo ey bishu ku beegan tahay 12/02/2008 waxaana fooda is daridoono oo isku aadan kooxaha kala ah Heegan iyo Batroolka halka malin nimada Arbacada ah oo ey taariihkdu ku beegan tahay 13/02/2008 ey is haleeli doonaan kooxaha Horseed iyo MBC.
Waxaana lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo gabi ahaan tartanka maalin nimada Jimcaha ah oo ey taariikhdu ku beegan tahay 15 /02/2008. Hadaba waxaan dhawaan idiinla socodsiin doonnaa cayaaraha semi finalada sida loo soo kala badiyo haduu Illaha awooda leh idmo.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|