CABDULLAAHI BAAY OO ISU SOO SHARXAY HOGAANKA MAAMULKA ISBOORTI EE GOBOLKA HIIRAAN
10 February 2008
Doorashooyin dhowr jeer oo hore ka baaqday sidii dib loogu dhisi lahaa maamulka isboortiga gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa isugu yimid degmooyinka gobolka Hiiraan sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinkaasi oo la sheegay in ay u baaqdeen sababo dhinaca gudoomiyaha gobolka oo dib u dhigay islamarkaasina ku howlanaa wax ka qabashada amaanka gobolka iyo dagaalo ka dhacay gobolkaan dhawaan.
Ururka hormarinta dhalinyarada iyo isboortiga gobolka Hiiraan ayaa horay u shaaciyay in ay dhacayaan doorashooyinkaasi dabayaaqadii sanadkii hore balse qilaaf ba'an oo u dhaxeeyay maamulkii hore ee isboortiga ee waqtigiisa dhamaaday sida ay qabaan gudigan iyo xubno ka mid ah maamulkaasi ayaa keenay in ay waqti dheer qaadatay.
|
Hadaba doorahsooyinka waxaa la sheegay in ay isu soo sharaxi doonaa ragii caanka ku ahaa ciyaaraha kala duwan ee gobolka. Waxaana haatan isi soo sharaxay rag magac iyo muunadba ku leh gobolka. Waxaana la filayaa islamarkaasina in ay ku hanweyn yihiin cayaartoyda iyo qeybaha kale ee daneeyo isboortiga gobolka in ay dhacdo doorashada maalmaha soo socdo. Raga isu soo sharxay doorashadaan ayaa waxaa ka mid ah C/laahi Cabdi Xasan (C/laahi Baay) oo ku dhashay gobolka Hiiraan gaar ahaan tuulada halgan sanadii 1965tii.
|
|
Cabdullaahi Baay
|
C/laahi Baay wuxuu isku dayay in uu taageero ka raadiyo cayaartoyda isagoo tababaro iyo hormar u sameeyay cayaartoyda gobolka Hiiraan.
Tababare Cabdullaahi Baay
Cabdullaahi Baay & cayaartoyda gobolka Hiiraan
Hadaba si aan wax uga ogaataan taariikhda C/laahi Baay iyo jagadaan uu isu soo
sharxay in uu u qalmo iyo inkale waxaan horaantii gadaal u baarnay taariikhdiisii nololeed ee ku salaysnayd isboortiga:
Hadii aan soo koobno taariikhdiisa isboorti waa sida tan:
Waxuu ciyaarha guud ahaan ku soo biiray markii ugu horeysay sanadii 198-dii isagoo markaasi u cayaaray cayaarihii dugsiyada. Kadibna sanadihii 1982dii ilaa iyo 1983dii waxaa uu u ciyaarayay gobolka Jubadda Hoose.
1984-tii ilaa 1987-dii waxuu u cayaaray gobolka Hiiraan. Sanadii 1987-dii waxaa kaloo uu ku biiray naadigii Wakaalada Umadda (ENC) ee kubadda kolayga heerka 1aad dalka Soomaaliya. 1988-dii waxaa loo magacaabay Xulka Qaranka Soomaaliya xiligaasoo lagu waday in uu ciyaar saaxiibtinimo la yeesho xulka Kenya Islamarkaasina uu macalin ka ahaa Cabdi Dheere balse aan noqon mid qabsooma
Isagoo ciyartooy ah ayuu waxaa uu noqday C/laahi Baay Tababaraha Gabdhaha Naadiga (ENC) ka dib markii xilkaasi ay baneeyeen 2-dii tababare kubadda kolayga ee kala ahaa C/raxman Max'ud Gohad (Shiino) iyo Bashiir Cabdi Daahir oo dalka dibadiisa u dhoofay waagaas. Waxaana u suurto gashay xiligaasi in ay cayaartii finalka koobka horyaalka kubada kolayga gabdhaha isagu soo hareen kooxdii uu waday ee ENC iyo kooxda Horseed.
Burburkii kadib sanadii 1995tii ayaa C/laahi Baay waxaa uu tababare u noqday naadi ka dhisan dalka Sa'udi Arabia oo la yiraahdo AL-RABIIC oo ahaa Heerka 1aad isagoo meel fiican gaarsiiyay naadigaas.
Sanadii 2002-dii C/laahi Baay waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka waxaa uu noqday tababaraha naadiga gabdhaha heerka 1aad ee Horseed. intii uu macalin nimada naadigaasi hayay waxaa ay ku guulaysteen koobka munaasabada 8-da Maarso isla sanadkaasi.
Gobolka Hiiraan waxaa uu yimid sanadii 2002 dabayaaqadiisii waxaa uu sameeyay oo uu boorka ka jafay Ururka Hormarinta Dhalinyarada iyo isboortiga gobolka Hiiraan waxaana uu qabtay howlo isborti oo wax ter u leh gobolka Hiiraan kaasoo sanadahaasi ahaa mid meel mugdi ah ku sii jeeday haatana iftiin weyn ku socda sida muuqato.
Intaas waxaan uga baxaynaa guud markii taariikhdii C/laahi Baay oo ka mid ah kuwa isku soo sharxay jagada hogaanka maamulka isboorti ee gobolka Hiiraan. Inshaa Allaah wixii soo siyaadana iyo cida ku awood roonaato gadaal ayaan idinkala soo socod siin doonaa haduu Eebe idmo.
Ilyaas Axmed
guute@hotmail.com
kubadda.com
Xafiiska Hiiraan B/weyne