MASAR OO KU GUULAYSATAY MARKII LIXAAD KOOBKA QARAMADA AFRIKA
10 February 2008
Kooxda qaranka Masar ayaa guushaan ay uga dhigaysaa Lix mar inta jeer ay ku guulaysatay koobka Qaramada Afrika inkastoo muruq ay uga baahneed guushaan ay kaga awood roonaadeen kooxda ayaduna Afarta jeer hada ka hor ku guulaysatay ee Cameroon . Guushaan oo ay ka guuleysteen xulka Cameroon wexey ahayd mid ay u qalanto. Hadii loo fiirsado guud ahaan tartanku intuu socday waxay kooxda Masar muujisay wada shaqayn kooxeed, adkaysi jireed, is maqal iyo isku kalsooni.
Kooxda Masar oo markii Lixaad ku guulaysatay koobka Qaramada Afrika 2008
Goolka keliya ee dhashay cayaartan waxaa daqiiqadii 77-aad dhaliyey Maxamed Aboutarika, mar uu laacibka Zidan u dhigay kubad uu ka soo xoogsaday difaaca Cameroon Rigobert Song, kadib mar uu khalday koontaroolka kubadd loo soo baasay. Waxay kooxda Masar sigtay goolka Cameroon in badan mase u suurta gelin gool hayaha Cameroon Carlos Kameni oo la marin waayey aawgeed.
Kooxda Cameroon oo dan mooday iney u adeegsato itaal ama xoog una badatay dhanka difaaca ayaa weerarkoodu yaraaday ciyaartoygoodii Etto oo aan helin wax weerar geliya ama siiya kubaddo uu ku weerar galo. Waxaa kale oo lama huraan noqotay in ay bedelaan Alexandre Song oo dhaawac ku gaaray ciyaartii Nigeria siina wadi kari waayey ciyaartan.
Waa markii saddexaad ee ay koox laba mar oo isku xigto ay ku guulaysato koobka Qaramada Afrika, Hada ka hor ayay kooxda Masar 1959 laba jeer oo xiriir ah ugu guulaysatay koobkaan iyo kooxda Cameroon oo markii labaad ku guulaysatay sanadii 2002. Sidoo kale Guushani waxey tababaraha Masar Xasan Shaxata, oo hore u ahaan jirey ciyaartoy khadka dhexe uga cayaari jiray qaranka Masar oo lagu tilmaami jirey kuwa ugu fiican ayaa maantana ka galay taariikhda Kubadda Cagta Afrika iyo Aduunkaba in uu ku guuleystay laba jeer kaalinta maclinimo koobka Afrika.
Goolka Aboutrika oo noqday goolkii 99aad, wuxuu noqday tartatankani kii ugu goolal badnaa tartamadii Afrika, waxaana loo magacaabay Aboutriaka (kii ifayey) ciyaartoygii tartanka ugu fiicnaa. (Player of the tournament)
Laacibka reer Masar Mohamed Aboutarika oo loo aqoonsaday cayaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka
Tartankani wuxuu ahaa mid si fiican loo agaasimay, ciyaartoyda Afrikana muujiyeen farsamo heer sare ah waxaa hubaal ah in ay sare u sii qaadayso tirade iyo qiimaha ciyaartoyda Afrika ee Yurub ka cayaara.
Kaalinta Saddexaad ayaa waxaa maalintii sabtida ahayd ku hertemay kooxdii martida loo ahaa ee Ghana iyo kooxda Ivory Coast, kuwaas oo muujiyay cayaar aad u qurux badneed balse nasiibkoodu uusan noqon sanadkaan in ay kaalinta kama danbaynta ah u soo istaagaan waxayna ku kala badiyeen 4 - 2. oo ay guushu ku raacday kooxdii Ghana oo sidaasi ku gashay kaalintii 3aad.
Dhanka gool dhalinta waxaa ku guuleystay sanadkaan Samuel Etto, oo u dhashay dalka Cameroon . Waxaana loogu kala hor maray sedan:
|
Tirada Goolasha
|
Ciyaartoyga iyo Dalkiisa |
|
5 |
Samuel Eto'o ( CAM ) |
|
4 |
Hosny Abd Rabou (EGY) |
|
4 |
Amr Zaki (EGY) |
|
4 |
Manucho (ANG) |
|
4 |
Mohamed Aboutrika (EGY) |
|
3 |
Kader Keita (CIV) |
|
3 |
Salomon Kalou (CIV) |
|
3 |
Didier Drogba (CIV) |
|
3 |
Junior Agogo (GHA) |
|
3 |
Sulley Muntari (GHA) |
|
3 |
Soufiane Alloudi (MOR) |
11-kii Cayaartooy ee loo aqoonsaday sanadka 2008 in ay ugu fiicnaayeen cayaaraha Qaramada Afrika ayaa kala ah:
Ka biloow goolhayaha Essam El Hadary (Masar), Geremi Njitap (Cameroon), Wael Gomaa (Masar), Michael Essien (Ghana), Sulley Muntari (Ghana), Yaya Touré (Ivory Coast), Alexandre Song (Cameroon), Hosny Abd Rabou (Egypt), Mohamed Aboutreika (Masar), Amr Zaky (Masar) iyo Manucho (Angola)
Kuwa kaydka u fadhiyana waxay kala yihiin:
Ka biloow goolhayaha Richard Kingson (Ghana), Hany Saïd (Masar), Ahmed Fathy (Masar), Frej Saber (Tunisia) Stephane Mbia (Cameroon), Didier Drogba (Ivory Coast) iyo Kader Keita (Ivory Coast).
Tartankan furitaankiisii bishu markay ahayd 20/01/2008 ayaa ku biloowday Cayaaraha hidaha iyo dhaqanka waxaana caawa lagu sagootiyay mid la mid ah tii furitaanka. Cayaartooyda reer Masar oo intuu tartanka socday damaashaadkooda farxadeed uu ahaa sajuud iyo Alle ka cabsi ayaa caawa Alla ka cabsigoodii sajuuda watay ay wehliyeen farxad iyo qoob ka cayaar ay la wadaagayeen fanaaniintii hidaha iyo dhaqanka dalkii martida loo ahaa ee Ghana .
Madaxwaynaha dalka Ghana John Agyekum Kufuor iyo Guddoomiyaha CAF Issa Hayatou oo uu wehliyo FIFA chief Sepp Blatter ayaa u soo istaagay gabagabadii xiritaanka xaflada si ay u gadoonsiiyaan biladihii iyo koobabkii kooxdii gashay kaalinta labaad ee Cameroon iyo kooxdii Masar oo gashay kaalinta koowaad ee koobka dadyowga Afrika (African Cup of Nations 2008).
Waxaa soo diyaariyay: Hassan Farah John
Kubadda.com - Xarunta wayn ee London