MASAR IYO CAMEROON MAXAA KALA HAYSTA CAYAARTA FINALKA BERITO
9 February 2008
Shacabka reer Ghana kuma soo toosin subixii jimcaad farxad iyo rayn rayn, markii Cameroon kaga badisay xulkii qarankooda 1 – 0 gool. Tageerayaasha oo aad uga xumaaday goolka keliya ee lagaga guuleystay iyo fursadaha soo maray, waxaa qof kasta ka marqaati yahay in score line-ka uuna sheegeynin ciddii cayaar wanaagsaneed, guushu waa halkeedii balse Ghana waa weerareen kooxdii Cameroon waloow aynan gool dhalin hadana taageerayaashooda waa ka maqsuudeen sida wanaagsan ee ay u dheeleen. Hadase waxay sabir bidayaan iney markaan ku guuleystaan kaalinta saddexaad.
Taageerayaasha Ghana oo kor u fiirinaya kooxdoodii oo 1 - 0 looga sara maray
Kooxda Cameroon oo dad badani u haystey iney yihii kooxda ugu liidata afarta koox oo u soo baxday qurter finalka ayaa muujiyay in ay yihiin koox aan la dhayalsan karin. Yar reer Nigeria ah oo ka mid ah dadka sportiga si fiican ula socdo ayaan ka munaaqashoonay, markii ay afartaan koox isugu soo hareen wareega Quarter finalka iguna yiri “Camaroon uga cabso in ay sanadkaan qaadaan koobka, waayo mar hadii ay u soo gudbaan quarter final waa adag tahay sida looga badiyo, maxaa yeelay dhowr joor ayay koobkaan yimaadeen kaalintaan waana yaqaaniin sida looga dabaasho”.
Waxaan qabay fikrad ka duwan, waxaa igu qunfulneed in sanadkaan laba koox midood uun ay qaadi doonto oo aan u hor marinayay kooxda Ivory Coast ama kooxda martida loo yahay ee reer Ghana, waase layga aragti fiicnaa, una qiray saaxibkay saadaashiisii wolow aan sugaayo cayaarta berito waxay ku dhamaato si aan ugu qiro aragtidiisii in ay ahayd sax. Saasna waxaa yiri tafatiraha kubadda.com Maxamed Sheikh.
Hadaan u soo laabto cayaartii Ghana iyo Camaroon. Kooxda Camaroon ayaa muujisay kalsoonida, dadaalka iyo rabista guushu iney muhim tahay. Goolka oo dhashay daqiiqadii 71aad waxaa dhaliyey N Kong. Waxaa dad badani la yaabeen ciyaartoyga Cameroon uga cayaarayey difaaca oo kala tuuray dhakhtar gargaaraya ciyaartoy kooxdiisa ka tirsan oo dhaawacmay. Taas oo u ekeyd in uu diidayey in dhakhtar ka socda kooxda ka soo horjeeda inu u tago saaxiibkiis. Waxaase uu ilaaway in kooxda ka soo horjeeda tahay kooxdii martida loo ahaa ayna ka mid tahay anshax wanaaga iney caawinaan kooxaha oo dhan gaar ahaan madaama dalkooda la joogo.
Maamulka Kubadda cagta Ghana GFA “The Ghana Football Association” ayaa cadeeyay inkastoo laga awood roonaaday kooxdoodii Ghana hadana macalinka lagu magacaabo Claude Le Roy iyo macalin ku xigeen kiisa Randy Abbey iyo dhamaan staff-kii la shaqaynayay in ay sii wadan doonnaan shaqadooda ilaa iyo sanadka 2010 cayaaraha Adduunka lagu qaban doono South Afrika.
Macalinka kooxda Ghana Claude Le Roy, ayaa u mahad celiyay maamulka GFA iyo dhamaan taageerayaasha reer Ghana wuxuuna u sheegay In uu ku faraxsanaa maalinkii uu masuuliyadaan qaaday ilaa iyo maanta waxaana suurto geliyay taas gacanta aan ka helay GFA-da, cayaaryahanada iyo si qaas ah taageerayaasha ayuu yiri Kadib mar uu war saxaafadeed siiyay kadib cayaartii ay kooxda Cameroon ka badisay.
Macalinka kooxda Ghana Claude Le Roy
Ghana 0-1 (HT 0-0) Cameroon
Nkong 71
Bookings:
Song 70
Sent off:
Bikey 90
XULKA QARANKA MASAR OO CASHAR U DHIGAY IVOREY COAST
Xulka qaranka Maser ayaa cashar lama ilaawaan ah u dhigay qaranka kooxdii Ivory Coast markii ay uga badiyeen 1- 4 gool. Dad badan oo mala awaala kubadda cagta ayaa ku tilmaamay xulka Ivory coast kooxda ugu firfircoon tartanka kuna sheegay iney ku guuleysan doonaaan koobka sanadkan, taasi ma ahayn mid lagala tashaday qaranka Maser oo gaarsiiyey guul daradii ugu weynayd ee la filan waaga ahayd ilaa iyo maanta.
Masar oo cayaar yahanadoodu badi ka cayaaraan wadankooda watayna macalin wadankooda u dhashay ayaa cashar fiican oo lama ilaawaan ah siisay kooxdii isla qabka wayneed ee reer Ivory Coast . Axmed fatxi ayaa goolkii kowaad u dhaliyey Masar daqiiqadii 12aad, kadibna waxaa labeeyey Amr Zaki daqiiqadii 62aad. Goolka keliya waxaa u dhaliyey Ivory Coast Kader Keita oo daqiiqadii 63aad laad aad u xoogan kaga soo abaaray masaafad ah 25 mitir goolka Maser. Masar waxaa u saddexeeyey Amr Zaki daqiiqadii 67aad, waxaana u afareeyey dhamaadkii ciyaarta Aboutariaka. Ciyaartoyda Ivorey Coast weli ma fahmin meesha laga maray!
Ivory Coast 1 - 4 (HT 0 - 1) Egypt
Fathi 12
Second Half
Zaki 62
Keita 63
Zaki 67
Aboutriaka 90
MASAR ( Egypt ) iyo CAMEROON
Laacibka lagu magacaabo Amr Zaki ayaa ilaa iyo hada inta uu tartanku socday dhaliayay afar gool.
Waxaase is waydiin mudan ciyaarta kama dambaysta ah ee la cayaari doonaa berito oo ah Axad 10ka Febraayo 2008 oo ay isugu soo baxeen Final kooxaha Masar iyo Cameroon yaa la quusin doonaa yaase qosol iyo farxad kala tegi doono caasimada Accra ee dalka Ghana.
Waxaa soo diyaariyay: Hassan Farah John
Kubadda.com - Xarunta wayn ee London