IS ARAGYADII QYBTA LABAAD (SIDEEDDII UGU DAMBEYSAY)
7 February 2008
Ghana oo marti sooraysa tartanka koobka qaramada Afrika kuma tala jirto in ey xaflad u tunto koox kale taasnana wexey ka muuqatay dadaalkii ay muujiyeen ciyaartii ay kaga guuleysatay Nigeria 2 - 1. Ciyaarta oo ahayd ciyaar aad u adag balse wada shaqaynta kooxda Ghana ay ka sare martay xirfadii iyo awoodii shakhsi ee Nigeria . Ghana waxaa gool u dhaliyey midna dhiibey Michael Essien.
Ciyaartii labaad ee isreeb reebka waxaa si xarago leh ku guuleystay xulka qaranka Ivory Coast oo
5 - 0 gool kaga guuleystay qaranka Guinea . Macalinka Guinea ayaa dhabarka u dhigtay guuldarada naxariis la'aanta ah.
Masar ayay fooda is dareen kooxda Angola fiidnimadii Isniinta. Labada kooxood oo muujiyey awood iyo xirfad ciyaareed oo aad u sareysa. Angoola oo lahayd awood jireed kun maquunsanaysey markii lays taabto, halka kooxda Masar ay kubad haysashadda aad ugu fiicnayd markii cayaartu dhamaaneysana u diiday Angoola Kubadda. Goolasha waxaa Masar u dhaliyey Xusney Cabdu Rabu iyo Amr Saki halka goolka Angola uu dhaliyey ciyaartoyga Manchester United, Manucho.
Ciyaartii dhexmartay Tunis iyo Cameroon oo aad loo sugayey ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, Cameroon oo hore afar goor ugu guuleysatay tartankan ayaa 3 – 2 gool kaga guuleystay Tuuniisia.
Tunisia oo ah kooxda keliya oo ku soo baxday kaalinta kowaad oo ka hartay afartii ugu dambaysay. Cameroon oo ku cadcadayd garoonka loona filayey iney ku guuleysato Tuunisia ayaa la kulantay weerar iyo difaac adag. Ciyaarta oo ku dhamaatay 2 iyo 2 gool ayaa lagu daray waqti dheeri ah si loo kala baxo waxaana goolkii guusha u dhaliyey Cameroon Stephane Mbia oo cayaartii ka dhigay 2 – 3 gool.
|
Group 1 |
Group 2 |
Group 3 |
Group 4 |
|
Ghana 2 * |
Ivory Coast 5 * |
Egypt 2 * |
Tunisia 2 |
|
Nigeria 1 |
Guinea 0 |
Angola 1 |
Cameroon 3 * |
*Guuleyste.
Cayaaraha dhici doono Khamiista 07/02/2008
Taariikhda |
Kooxda |
Vs |
Kooxda |
Garoonka |
07/02/2008 |
Ghana |
Vs |
Cameroon |
Accra |
07/02/2008 |
Egypt |
Vs |
Ivory Coast |
Kumasi |
CAYAARTOOYGA REER MALI FREDERICK KANOUTE OO LOO CALEEMA SAARAY CAYAARTOOYGII AFRIKA 2007.
Laacibka reer Mali Frederic Kanoute ee afka hore uga cayaara kooxda Sevilla ee ka dhisan dalka Spain ayaa loo magacaabay sanadkii la soo dhaafay, in uu noqdo cayaar yahankii ugu fiicnaa wadamada Afrika oo dhan.
Waxuuna taa ku mutaystay in lagu siiyo abaalmarin ah Shahaado Sharaf iyo Koobkii ciyaar yahanka Afrika Sanadka 2007. oo ay siiyeen CAF (Africa's soccer governing body) oo uu Gudoomiye u yahay Issa Ayatou, Xafladii lagu qabtay jimcihii la soo dhaafay oo ay bishu ahayd 01 Feberaayo 2008 magaalada Lome, ayaa waxaa u caleema saaray Prime Minister-ka reer Togo ee magaciisu yahay Komlan Mally.
|
Cayaaryahanka reer Sevilla ee u dhashay dalka Mali ee la yiraah Frederic Kanoute ayaa ah cayaaryahankii ugu horeeyay ee ku dhasho meel aan Afrika ahayn hadana ku guulaysto qaaditaanka koobkaan kadib mar uu banaanka iska dhigay labad cayaar yahan ee kale ee ayaguna u cad cadaayeen in ay ku guulaystaan koobkaan oo la kala oranayay Didier Drogba-ga reer Ivory Coast iyo Michael Essien-ka reer Ghana.
|
|
Cayaaryahanka sanadka 2007 ee Afrika Frederick Kanoute
|
Waxaa hoos ku qoran ciyaartoydii horey ugu guuleysatay ciyaartoygii Sanadka Afrika.
1970, Salif Keita , Mali ; 1971, Ibrahim Sunday, Ghana ; 1972, Cherif Souleymane , Guinea ; 1973, Tshimen Bwanga , Zaire ; 1974, Paul Moukila, Congo ; 1975, Ahmed Faras, Morocco ; 1976, Roger Milla, Cameroon ; 1977, Tarak Dhiab , Tunisia ; 1978, Karim Abdoul Razak, Ghana ; 1979, Thomas N'Kono, Cameroon ; 1980, Jean Manga Onguene, Cameroon ; 1981, Lakhdar Belloumi, Algeri; 1982, Thomas N'Kono, Cameroon ; 1983. Mahmoud Al Khatib, Egypt; 1984, Theophile Abega, Cameroon; 1985, Mohamed Timoumi, Morocco; 1986, Badou Zaki, Morocco; 1987, Rabah Madjer, Algeri; 1988, Kalusha Bwalya, Zambia; 1989, George Weah, Liberia; 1990, Roger Milla, Cameroon; 1991, Abedi Pele, Ghana; 1992, Abedi Pele, Ghana; 1993, Abedi Pele, Ghana; 1994, George Weah, Liberia (FF); 1994, Emmanuel Amunike, Nigeria (CAF); 1995, George Weah, Liberia; 1996, Nwankwo Kanu, Nigeria; 1997, Victor Ikpeba, Nigeria; 1998, Mustapha Hadji, Morocco; 1999, Nwankwo Kanu, Nigeria; 2000, Patrick Mboma, Cameroon; 2001, El Hadji Diouf, Senegal; 2002, El Hadji Diouf, Senegal; 2003, Samuel Eto'o, Cameroon; 2004, Samuel Eto'o, Cameroon; 2005, Samuel Eto'o, Cameroon; 2006, Didier Drogba, Ivory Coast; 2007, Frederic Kanoute, Mali.
*Intii u dhexeysay 1970 -1994 waxaa go'aamin jiray jariidada Kubadda Cagta Faransiiska (France Football Magazine) Intii ka dambeysayna waxaa go'aansha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).
Waxaa soo diyaariyay: Hassan Farah John
Kubadda.com - Xarunta wayn ee London