KOOBKII DIB U HESHIINTA KA SOCDAY XAMAR JAJAB 00 AY CAYAARIHII SII KULU LAANAYAAN
7 February 2008
Waxaa maalmihii la soo dhaafay si dar dar leh uga socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Bisha Cas ee degmada Xamar jajab cayaaro kubadda cagta ah, qaybta lagu magacaabo Futsalka ama 5 Vs 5-ta lagu cayaaro.
Cayaarahan Futsalka ama shan iyo shanta ayaa Soomaalida Qurbaha ku nool ay aad u cayaaraan siiba kuwa ku nool Europe iyo North America sababo cimilada aawgeed ah. Waxayna kiraystaan garoomo dadan oo loo qaabeeyay in lagu cayaaro cayaartaan ama ay ku cayaaraan garoomada Basketbalka lagu dheelo.
|
Balse dalkeena Soomaaliya sanadkii 1992-dii ayay soo gaartay in laga hir geliyo cayaartaan Futsalka ama shan iyo shanta dalkeena oo uu soo alifay Khabiirka iyo macalinka garsoorayaasha Xaaji Yusuf Mohamed . Sanadii 2000 ayaa macalimiintii ugu horaysay loo taba baray in ay kooxo macalin ugu noqon karaan cayaartaan. Sanadii 2001 waxaa la sameeyay isreeb reeb oo loo sameeyay kooxo fara badan waxaana ka soo baxay 24 koox oo loo kala qeybiyay heerka 1aad heerka 2aad iyo heerka 3aad.
|
|
Xaaji Yusuf Mohamed
|
Kadib sanadkii 2003 ayay ahayd markii ugu horeesay ee laga cayaaro dalkeena si sharci ah cayaarta futsalka. Nasiib wanaag mudo yar gudaheed waxaa u suurto gashay qaar ka mid ah garsoorayaalkii futsalka dalkeena in ay ku biiraan FIFA waxaana taas mahadeeda Alle ka sokoow iskaleh Garsoore Xaaji Yusuf Mohamed.
Cayaartaan ayaa lagu qaban jiray garoonka dadan ee Stadio Muqdisho. Balse kadib markii ay degeen Ciidamada Ethiopianka ayaa waxaa loo soo raray ku dheelideeda garoonka Bisha Cas ee degmada Xamar Jajab Sanadkaan.
KOOXDA HEEGAN
KOOXDA LL PP (JEENYO)
Hadaba maalintii Isniinta bishu ku beegnayd 04/02/2008 cayaartii dhacday ayaa ahayd mid aad u adkeed ee ay isaga horyimaadeen kooxaha ku kala cayaarayay magaca Heegan iyo LL PP Jeenyo. Cayaartaas ayaa waqtigii loogu talagalay waxeey ku soo gaba gabowday 7gool iyo 6gool oo ey guushi ku raacday kooxdii ku cayaaraysay magaca LL PP Jeenyo.
Inkastoo kooxdii ku cayaareysay magacii Heegan ey soo bandhigeen cayaar aad loo jecleystay hadana nasiibka uma saamixin in ey guuleestaan, waxaana garsoorayaal ka ahaa Maxamed Faarax Muxudiin iyo Cismaan Cabdi Cismaan.
KOOXDA MUQDISHO
KOOXDA BATROOLKA
Maalintii xigtay oo bishu ahayd 05/ 02/08 ayaa kulankii kale oo aad u adkaa uu dhexmaray kooxaha Batroolka iyo Muqdisho kulankaan aya labada kooxoodba ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleestay waxeyna waqtigii loogu talagalay ku soo gabagabowday 5 - 4 oo ey guushii ku raacday kooxdii ku cayaareysay Muqdisho.
Hadaba si aan wax badan uga ogaano tartanka ayaa waxaa noo suura gashay in aan wax ka weydiino gudoomiyaha tartanka Maxamed Faarax cali oo loo yaqaano (sacbaweyne) iyo qabiirka aas aasaha ciyaarta Futsalka Xaaji Yuusuf Maxamed Shikh oo aan dhihi karo waa nin naftiisa u huray cayaartaan hirgelideeda, kuna dadaalo mar walba qaabkii loo heli laha dhalin yaro matasha Qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta qeybta Futsalka. wuxayna kaloo ii raaciyeen in loo qabtay tartankan labo siyaabood.
- In dib u heshiisiinta ey ka mid noqoto cayaarta, dibna la iskugu keeno walaalaha daruuftu kala gaysay. Waayo cayaartu waa wax yaabaha ugu horeeyo ee loo adeegsado is dhex galka Bulshada.
- In lahelo dhalin yaro cayaar wanaagsan ee matasha mustaqbalka magaca qaranka Soomaaliyeed.
Sidaas daraadeed ayaa nagu qasabtay ayuu yiri xaajiga.in aan si iskaa wax u qabso ah aan ku abaabulno ayadoo aynan jirin cid naga gacan siisay xag dhaqaale iyo xag qalab ba.
Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan idiin balan qaadeynaa in aan natiijo kasta iyo qaababka loo cayaaro cayaaraha dhiman aan si toos ah idiinkuugu soo gudbin doono bogeenaan haduu Eebe idmo.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|