Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

GOOS GOOSKII CAYAARAHA AFRIKA IYO KOOXIHII U SOO GUDBAY WAREEGA SIDDEEDA KOOX

2 February 2008

GORGORKII GHANA GUULUU LA GUDBAY

Ghana 2 - 0 Marooko

Xidigihii Madoobaa ee Ghana kuma yarayn culayska dusha ka saarnaa iyo natiijada laga sugayo maadaama ay marti geliyeen tartankaan. Ciyaartu wexey bilaabatay iyadoo garoonka qayb sadexaad ka banaantahay, waxa kaloo jiray xurgufo hoosaad hase yeeshee wexey ku soo galeen garoonka iyagoo ay ka go'antahay guul keliya iney hantaan.

Gor Gorkii Ghana guuluu la gudbay

Ghana wexey ku bilawday cayaarta weerar daran doori ah wexeyna u ekaatay in hirar ama mowjado darandoori ah sitaan kooxdii Marooko. Daqiiqadii 28aad ayaa Michael Essien dhaliyey goolkii kowaad, kii labaadna u dhigay Sulley Muntari. Labadaas ciyaartoy oo ahaa laf dhabarka kooxdooda.

Macalinka Ghana Claude Le Roy, oo ka hadlay cayaarta ka dib, ayaa wuxuu sheegay in uu mahad u celinayo ciyaartooydiisa, kuwaas oo fuliyey qorshe ciyaareedkii uu ku soo layliyay iyo xeeshii ow ugu talagalay in ay ku legdaan kooxaha kale.

Ghana marna lagama badin intuu tartanka socday waxayna ku guulaysteen dhibcihii loogu tala galay seddexdaan cayaar 100% kadib markii ay kaga guuleysteen Marooko 2-0 uguna sara mareen qaybtooda. Kaalinta labaad waxaa ku guuleystay qaranka Guinea markey barbaro la noqdeen qarankii Namiibiya oo ay isla dhaafi waayeen 1-1.

macalinka kooxda Ghana Claude le Roy

GUINEA WALEE SANADKAAN LAMA DHAYALSAN KARO

Guinea 1 - 1 Namiibiya

Guinea oo cayaartii hore laga saaray kabtankoodii Pascal Feinduono aadna loo saluugsanaa rajadooda ayaa ku guuleysatay iney soo gaarto is'arag labaad taas oo ku timi mintid-nimo iyo marna iyagoon ogolaan in laga badiyo. Waxey hormartay Guinea daqiiqadii 62aad oo uu gool u dhaliyey Souleymane Youla, waxaase ciyaartoyda Namiibiya oo lagu naaneyso Halyeyadii geesiyada ahaa (Brave warriors) marna aan la fiicnaan iney ku noqdaan sidey ku yimaadeen dhibco la'aan, wexeyna gool ku dhaliyeen daqiiqadii 81aad waxaana u dhaliyey Brian Brendell.

MAROODIGA MAANTA MAARO LOOMA HELO

Ivory Coast 3 – 0 Mali

Ciyaaarihii qaybta B oo dhamaaday 29/01/2008 waxaa ku soo baxay kaalinta kowaad kooxda Ivory Coast oo aan marna laga badin hantiyeyna sagaal dhibcood, sided goolna dhaliyey lagana dhaliyey gool keliya. Kooxda Mali oo labadii cayaar oo ay horay usoo dheeshay muujisay dadaal aad u badan oo ay iskaga caabisay kooxdii Nigeria 0 – 0 tii Benin 1 – 0 uga soo badisay ayaa u baahnayd cayaartaan ay la lahaayeen kooxda maroodiyada reer Ivory coast ugu yaraan in ay bar bardhac la galaan, waase celiwaayeen waxaa lagu suul daaray 3 – 0. Kooxda Maroodiyada ayaa la hadal haayaa in sanadkaan cid celin karto aysan jirin loogana cabsi qabo in ay ku guuleystaan koobkaan.

NIGERIA ALLAA BADBAADIYAY

Nigeria 2 – 0 Benin

Waa loo cabsi qabay Allaase badbaadiyay, waxaana ay u damaashaadayaan u soo bixida wareega labaad maadaama ay kooxdii Benin oo ka mid aheyd kooxihii ugu liitay dalaka ka soo qayb galay tartankaan ay ka badin waayeen ilaa iyo dhamaadka cayaarta oo ay laba gool oo waqtiyo isku dhaw ka dhaliyeen. Kuna badiyeen 2 – 0. Nasiibna u yeesheen in looga badiyo kooxdii Mali oo dhuunta ugu jirtay.

Dad badan ayaa ka baqayey iney Nigeria ku haraan is araga koowaad. Nigeria oo guushii Benin ku hantiday afar dhibcood, Maalina waxay ku dhaafeen farqiga goolasha. Maali oo lagu yeeshay xagga goolasha (-2) halka Nigeria marka la kala jaray goolasha ay dhaliyeen iyo kuwa laga dhaliyay ay u soo hareen (1) gool. Horaa loo yiri “Gari laba nin kama wada qosliso.”

MASAR MURUGO KUMA HAYNIN KULANKII ZAMBIA

Masar 1 – 1 Zambia

Xulka qaranka Masar oo hore ugu soo guuleystay laba cayaarood ayaa barbaro la noqday xulka Zambia . Ciyaarta oo ku dhamaatay gool iyo gool ma ahayn mid aad u xiiso badan. Macalinka Masar Shaxaata oo nasiyey ciyaaroda qaarkood ayaa filayey inuu guusha lahaanayo. Masar wexey ku guulaystay kaalintii koowaad, kaalinta labaadna waxaa ku soo baxday Cameroon .

SUUDAAN SAMIR IYO IIMAAN ALLAHA KA SIIYO KAN

Cameroon 3 – 1 Sudan

Suudaan ayaa horay wacdaro uga soo dhigtay soona hanatay koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Tanzania magaaladiisa Dar es Salaam . Balse waa ku hingootay in ay xataa bar bardhac ka helaan dhamaan kooxihii ay kula kulmeen cayaaraha African Cup of Nations. Cayaartoodii ugu danbaysay ayaa waxaa u awood sheegatay kooxdii Cameroon oo 3 – 1 ku suul daartay.

ANGOLA OO HAKISAY TUNISIA

Angoola 0 – 0 Tunisia

Cayaartii malintii khamiista oo bisha January ahayd 31ka waxaa ku kulamay magaalada Tamale, kooxihii qaybta D. Waxaa ku kulmay cayaar Angola iyo Tunis oo isku mari waayey ciyaartoodii gool la'aan sagaashankii daqiiqadood. Angoola oo u baahnayd dhibic keliya si ay ugu soo baxdo cayaaraha is reeb reebka, sidoo kale ayaa kooxda Tuunis u baahnayd hal dhibic oo keliya si ay ugu gudubto marxalada labaad. Tunis iyo Angoola oo iskaga mid noqday dhibcaha iyo farqiga goolasha ay dhaliyeen iyo kuwa laga dhaliyey ayaa lagu kala saaray goolasha ay dhaliyeen taas oo Tuunis ku soo baxday kaalinta kowaad Angoolana markii ugu horeysay heerkan soo gaartay. Taas waxaa micnaheedu yahay in Tunis la cayaari doonto Cameroon , halka Angola la cayaari doonto kooxda Masar ( Egypt ).

SENEGAL SANADKAAN SAY FILAAYEEN MA NOQON

Senegal 1 – 1 South Africa

Cayaaryahanka reer Senegal El Hadji Diouf, oo weligeed, dalkiisu aynan ku guulaysan koobka African Cup of Nations ayaa saadaalinayay inta uu tartanku bilaaban in ay kooxdiisu sanadkaan ku rajawayn yihiin in ay ka keenaan guulo la taaban karo tartankan. Mase noqon. Ciyaartoodii ugu danbaysay oo ay qasab ku ahayd in ay badiyaan waa tii ay la yeesheen reer Konfurta Afrika ayay isla dhaafi waayeen 1 – 1 gool. Taasina waxay labada kooxoodba ka qaaday hamiga iyo rajadii ay ka qabeen iney hore u sii socdaan.

El Hadji Diouf

QAYB KASTA NUMBARADA 1 IYO 2 AYAA U SOO BAXAY WAREEGA KALE.

28 January 2008

 

 Group A

P

W

D

L

F

A

GD

PTS

1

Ghana

3

3

0

0

5

1

4

9

2

Guinea

3

1

1

1

5

5

0

4

3

Morocco

3

1

0

2

7

6

1

3

4

Namibia

3

0

1

2

2

7

-5

1

29 January 2008

 

 Group B

P

W

D

L

F

A

GD

PTS

1

Ivory Coast

3

3

0

0

8

1

7

9

2

Nigeria

3

1

1

1

2

1

1

4

3

Mali

3

1

1

1

1

3

-2

4

4

Benin

3

0

0

3

1

7

-6

0

30 January 2008

 

 Group C

P

W

D

L

F

A

GD

PTS

1

Egypt

3

2

1

0

8

3

5

7

2

Cameroon

3

2

0

1

10

5

5

6

3

Zambia

3

1

1

1

5

6

-1

4

4

Sudan

3

0

0

3

0

9

-9

0

31 January 2008

 

 Group D

P

W

D

L

F

A

GD

PTS

1

Tunisia

3

1

2

0

5

3

2

5

2

Angola

3

1

2

0

4

2

2

5

3

Senegal

3

0

2

1

4

6

-2

2

4

South Africa

3

0

2

1

3

5

-2

2

 

Waxaa soo diyaariyay: Hassan Farah John
Kubadda.com - Xarunta wayn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football