KOOBKA DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIYA
2 February 2008
Waxaa shalay magaalada muqdisha gaar ahaan garoonka Bisha Cas ee degmada Xamar Jajab ka furmay tartan loogu magac daray tartanka dib u heshiisiinta Somaaliya.
Tartankaan oo ahaa cayaar kubadda cagta ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudi hoosaad oo uu gudoomiye u ahaa Mohamed Farah Ali (Sacbaweyne), gudoomiye ku xigeena Abdullahi Siyaad halka uu xoghaye ka ahaa Ahmed Macalim Qasin iyo qabiiriin Isboorti
Gudiga Qabanqaabadda
Waxa Tartanka fikradiisii ay ahayd oo koobka lagu cayaarayo dhigay Khabiirka iyo Macalinka Garsoorayaasha Xaaji Yusuf Mohamed, koobkaan oo ah koob loogu tala galay dib u heshiisiinta Soomaaliya. Tartankaan oo ay ka qayb galayaan Lix kooxood ayaa waxaa loo kala saaray Group A iyo Group B. Waxayna is arki doonaan Taariikhda iyo maalmaha hoos ku qoran:
Group A |
Group B |
HORSEED |
HEEGAN |
MUQDISHO |
LL PP |
BATROOLKA |
MADBACADA (M.B.C.) |
MAALINTA |
TAARIIKHDA |
KOOXAHA |
GOOBTA |
Jimco |
01/02/2008 |
Horseed V Muqdisho (A) |
Bisha Cas |
Isniin |
04/02/2008 |
Heegan V LL PP (B) |
Bisha Cas |
Talaado |
05/02/2008 |
MuqdishoV Batroolka (A) |
Bisha Cas |
Khamiis |
07/02/2008 |
LL PP V M.B.C. (B) |
Bisha Cas |
Jimco |
08/02/2008 |
Batroolka V Horseed (A) |
Bisha Cas |
Axad |
10/02/2008 |
M.B.C. V Heegan (B) |
Bisha Cas |
Cayaartii furitaanka ayaa maalin nimadii jimcaha waxaa fooda is daray kooxaha Horseed iyo Muqdisho, kuwaas oo soo bandhigay cayaar aad u qurux badneed oo raali gelisay shacbi waynihii u soo daawashada tagay.
Garsoorayaasha
Kooxda Horseed
Qaar ka mid ah Kooxda Muqdisho
Waxayna ku kala badiyeen kooxda Horseed oo dhalisay 6 gool halka ay kooxda Muqdishana ka keensatay 4 gool. kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badanaa ayaa waxaa garsoorayaal ka ahaa Mohamed Farah iyo Osman Abdi Osmad. Miiskana waxaa u fadhiyay oo koontaroolayay saacada Karaama.
Hadaba cayaarta tan xigta ayaa maalinta Isniinta ah ee soo socoto ay isku xeed xeedanayaan kooxaha Heegan iyo LL PP ee ha moogaanina reer Xamar Jajab iyo deriskooda ee uu nasiibku u siiyay in ay si toos ah (Live) u daawadaan tartankaan. Akhristayaasheena kalena waxaan idiin balan qaadaynaa in aan halkaan natiijada idinkaaga soo gudbino haduu Eebe idmo.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|