XULKA QARANKA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYEED AYAA BERITO YEELAN DOONO CAYAARTII UGU HORAYSAY EE TARTANKA CECAFA
31 December 2008
Xulka qaranka kubada cagta ee dalka Soomaaliya ayaa ku sugan magalada Kambala ee xarunta dalka Uganda halkaas oo ay Soomaaliya kaga qeyb galeyso tartanka kubada cagta qaramada bariga iyo bartamaha Afrika CECAFA (Senior Challenge Cup), waxaana xulka Soomaaliya doraad si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kambala.
Berri, oo khamiis ah bisha Janaayana ay tahay 01/01/ 2009 ayaa xulka qaranka Soomaaliyeed waxaa ay cayaarta ugu horeysa la yeelan doonaan xulka dalka Zanzibar, waxaana xulka Soomaaliya oo ay ku jiraan ku dhwaad 10 cayaaryahan oo dibada laga keeyanay ay sanadkan u muuqdaan kuwo si weyn tartankan ugu soo diyaar garoobay.

Muddo sadex bilood ah ayay xulka Soomaaliya ku tababar qaadanayeen dalka Jabuuti waana markii ugu horeysay ee tatabar ceynkaan ah ay xulku dalka dibadiisa ku qaataan. Iyadoo horaantii todobaadkaana xulka Soomaaliya ganacsatada Soomaaliyeed ayJabuuti ugu sameeyeen munaasabad isugu jirtay sagootin iyo dhiiri gelin taas oo ay ahayd markii ugu horeysay oo ay ganacsatada Soomaaliyeed iyo xulka qaranku kulmaan.
Magalada Kambala waxaa kusii qul qulaya kumanaan taageerayaal Soomaaliyeed ah oo ka kala tagay dalalka Afrika qaarkood iyo Yurub. Waxaana sanadkan la filayaa in garoomada dalka Ugadna ee cayaaruhu ka dhacayaan ay xulka Soomaaliya ku yeeshaan taageeradii ugu badneyd inta la ogyahay sababo la xariira numbarka dadka Soomaalida degan Uganda oo tiro badan aawgeed, welina u dheer tahay Isboortis jacayl.
Dadweynaha Soomaaliyeed ee cayaaraha xiiseeya ayaa ugu duceynaya xulka Soomaaliya in uu sanadkan cusub u noqdo mid farxadeed oo wato guulo badan, waloow ay ku jiraan Group adag.
Somali football press department