CAYAARYAHAN KAMID AH KOOXAHA INGRIISKA OO LOO HAYSTO IN UU KA DANBEEYAY SHILKII BAABUUR EE UU KU DHINTAY CUMAR ANYEELO
31 December 2008
|
Cayaaryahanka qadka hore uga cayaara kooxda Sheffield United balse hada amaah ama ergo kula jooga kooxda Southampton ee ka dhisan dalka Ingriiska laguna magacaabo Jordan Robertson oo 20 jir-ka ah, ayaa Boliisku qabteen isagoo ku lug lahaa shilkii uu ku geeriyooday marxuum Cumar Maxamed Cumar (Anyelo).
Jordan Robertson, ayaa lagu eedeeyey fal ah si halis ah, gaadiid u wadid (Dangerous Driving), taas oo la sheegay inuu Hees ka bedelanayey iPod-kiisa oo ah aalad musiga laga dhegeysto. Shilka markuu dhacay kadib ayay Boliiska xireen, kadibna damaanad lagu soo daayay.
|
|
 Jordan Robertson |
Warar ka soo baxay labada kooxood ee uu hada u dhaxeeyo Robertson, ayaa waxay sheegeen iney ka xunyihiin, tacsina u dirayaan qoyska laga geeriyooday aaneyna ka hadli karin arin boliiska faraha ugu jirta, warar kale oo ka agagaar dhow eedeysanuhu wexey sheegayaan in uu ilmo kala joojin waayey markuu ogaaday dhibka uu geystay.
Boliisku wexey ka codsanayaan inuu la soo xiriiro cid alaale iyo ciddii maraysey jidka motorway-ga M1 ee u socda koonfur (Southbound) inta u dhexeysa leexadka (junction) 19 iyo batroolka Leicester Forest East Services gaar ahaan ciddii aragay maalintii bishu ahayd 25ka Diisember qiyaas ahaan 2:50pm (galabnimo) gaari madow oo Mercedes Sport oo laba albaab ah astaantiisuna tahay CLC 180 iyo gaadiid ah Ford Galaxy midabkiisuna casaan ama guduud yahay. Qofkii arkay fadlan kala xiriir Boliiska
0116 2222222 si loo helo tafaasiil dheeri ah.
Bahwaynta Isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool England, ayaa aad ugu dhega taagaya ka qayb galka aaska Marxuunka, oo u xayiran baarista Booliska. Hadaynu nahay saaxibadii marxuunka ama maamulka Shabakadda kubadda.com waxaan jecelnahay in aan idin soo wargelino goobta iyo xilliga aaska ama duugta haduu ALLE idmo, Waxaana ka war sugaynaa Ehelkiisii oo noo soo sheegi doono waqtiga saxa ah.
Hassan M. Farah (John)
Kubadda.com
London